Monday, May 12, 2008
Waxaa dhammaan la ogeysiinayaa cayaartoydii, maamulayaashii, garsoorayaashii, tababarayaashii iyo taageerayaashii hore ee kubadda Cagta Somaaliyeed ee hada ku nool UK, in uu jiro isku imaatin shir is xog-warraysi iyo war-kala-qaadasho kubadda cagta ah, Shirkaas oo lagu wado in uu dhaco taariikhdu markay tahay 25/05/2008 ...
read more >>>
War saxaafadeed ay soo saareen maamulka kubadda cagta Barcelona, ayaa sheegaya in Josep Guardiola uu ka la wareegi doono xilkii macalin nimada Frank Rijkaard ee kooxda Barcelona dhamaadka seasonka ee koobka La Liga. Warkaas oo uu ku dhawaaqay madaxa Barcelona's president Joan Laporta, shalay oo bishu ahayd 08/05/2008. Ayaa soo yeeray kadib ...
Waxaa xalay oo Talaado 06/05/2008 lagu qabtay Maqaayad ku tiilay galbeedka London oo la magac baxday Hani Restaurant, casho sharaf aad looga soo shaqeeyay oo kulmisay dhamaan dhinacyada kala duwan ee Isboortiga hadii ay noqon lahayd kubadd cag, kolay iyo cayaaraha fududba. Munaasabadan ayaa lagu soo dhawaynayay, dhowr shaqsi ...
Bogga baadi goobka Taariikhda xidigaha waxaan maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah legends-ka ama laacibiintii magaca wayn ku lahayd cayaarta kubadda kolayga kaas oo magaciisu yahay Axmed Muuse Huseyn oo u cayaari jiray naadigii kooxda kubadda kolayga Batroolka iyo Qarankii Soomaaliyeed. Axmed Muuse waxaan ku tilmaami karaa in uu ka mid ahaa ...
Waxaa habeenkii Sabti-Axadaad lagu qabtay casho sharaf ay xubnaha ururka SSIFO ku soo dhoweynayeen Nuuradiin Cali Saciid oo ahaa ciyaartoy magac iyo qiimo wayn ku lahaa Qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxda Kubadda Kolayga ee Badda. Nuuradiin wuxuu ka mid yahay ciyaartoydii mudada ugu dheer u saftay kooxda qaranka kuna sifoobay cayaar ...
Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani si habsami leh uga socdo koobkii lagu magacaabay marxuum Abatiyoow, kaas oo ka socda isla garoonka marxuumka lagu samiyay ee Abatiyoow. Tar tankan oo ey ka qeyb galayaan 10 kooxood oo shirkadaha dalka ka jira ah ayaa waxaa kulamadii u danbeeyay wada cayaaray ...
Cayaaryahanada kubadda cagta dalka Kenya ee da’doodu ka hoosayso 20 jirada ayaa isku dar uga badisay 5-3 gool oo rigoorayaal ah cayaartooyda xulka kubadda cagta dalka Soomaaliya oo da'doodu ka hoosaysay 20 jirka tartankii Africa Youth Championships, oo lugtiisii labaad lagu cayaarayay Nairobi, shalay oo Sabti ahayd ...
Tartan kubadda kolayga ah oo ay soo qaban qaabiyeen cayaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ee hada ku midoobay ururka lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation) qaybtooda deggan Canada sida: Cabdi Dheere, Cabdi Deputati, Farax Odey, Cali Gaab, Daud Axmed Dheere, Axmedey Abukar, Jibril M. Sacid, ...
Waxaa shalay oo khamiis aheyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani, koob lagu sharfay looguna magac daray marxuum Abatiyoow Cumar Maxamed oo ahaa laacib ka tirsanaan jiray xiligii 70-tan meeyadii wixii ka horeeyay dhalinyaradii ku soo bar baartay degmada Shangaani una cayaaray kooxdii wayneed ee Jeenyo ...
Rijkaard hopes Barcelona fans can farewell Ronaldinho. Barcelona coach Frank Rijkaard admits he expects Ronaldinho to leave in the summer after declaring he hopes the Brazilian can be given a rousing farewell by fans. Barcelona coach Frank Rijkaard has admitted that Ronaldinho is likely to have played his last game for the club ...
Waxaa shalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka da’aada weyn ee ex-Luujino lagu soo gaba gabeeyay horyaalkii seddaxaad ee kubadda gacanta gabdhaha dalka Soomaliya. Horyaalkan oo horay u soo biloowday 22/03/2008 kana soo qeyb galeen 4 kooxood oo gabdho ah ayaa kulankii kama danbeesta ahaa shalay ay fooda is dareen kooxaha ...
Cristiano Ronaldo has been named Professional Footballers' Association (PFA) Player of the Year for the second year in succession. The Manchester United midfielder has enjoyed another outstanding campaign having scored 38 goals in all competitions for the Premier League champions. The 23-year-old beat off competition from Fernando Torres, Steven Gerrard, ...
Waxaa maalintii Jimcaha taariikhduna ku beegneyd 25/04/2008 si rasmi ah uga furmay garoonka Ex-Luujino ee degmada C/casiis koobkii Janaraal Daauudka ee Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya. Kulankaan ayay soo qaban qaabiyaan Gudiga Olmbigada Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan G.O.S. Daawashada furitaanka koobkan Janeraal Daa’uud ayaa ...
Shir sanadeedkii ururka Somaliska Europiska Ungdom Kultur och idrott ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SEUKI ayaa sanadkaan ka dhacay dalka Ingriiska xaafada Harlesden ee magaalada London asagoo shirkaasi sanadkaan u dhacay si aan horay loo arag loona maqal, kaas oo kulmiyey dhamaan bahweeynta Sportiga deggan magaalada London ...
Twenty-eight sides discovered the hurdles they will have to overcome to reach the second round in this year's Olympic Football Tournaments when the official draw took place today in Beijing, the capital of China PR. The line-up for the group stage of the global competition, which will be staged in Beijing, Shanghai, Tianjin, Shenyang and Qinhuangdao from 6 to 23 August 2008...
Waa wax lagu farxo in mudo ahna la sugayay in bogga qoraalka cayaaraha kubadda cagta Soomaaliyeed mar uun lagu daabaco (BADIS) maxaa yeelay qof walbaa waa jecel yahy in heebtiisa wanaag looga soo sheego, waxaase horay nooga badatay waa dadaaleen waasa laga badiyay. Shalay oo bishu ahayd 18/04/08 ayaa xulka Qaranka kubadda cagta juunyarka ...
Kulankii Shalay oo khamiis ahayd lagu balansanaa ee xalinta qilaafka isbortiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa labada dhinac iyo rugcadaaga isbortga dalka ahna dhaxdhaxaadiyaha raga isku hayo isbortiga gobolka hiiraan Cabdi Guuleed ay isla garteen in waxii qilaaf ahaa ee horay u jiray laga tanasulo isla markaana guddi aan labada dhinac ahayn oo ka socdo ragi ...
Mid ka mid ah qorayaasha ururka saxuufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ee hada nagula nool magaalada London oo lagu magacaabo Yuusuf Yuusuf , ayaa noo sheegay in xalay oo ay taariikhdu ku beeganayd 17 April 2008 saacadu markii ay ahayd 9:00 habeenimo, xabsiga xarunta CID-da laga sii daayay saxuufiyiin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen ...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada Qaahira ayaa waxay ku howlan yihiin sidii ay salka ugu taagi lahaayeen Jaaliyad Soomaaliyeed oo wax la qaybsan karta Jaaliyadaha kale ee ku howlan qaban qaabada Isboortiga dalka Masar gudihiisa. Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa damacsan sidii ay jawi farxad iyo raynrayn leh ugu abuuri ...
Sabtidii la soo dhaafay ee ay bishu aheyd 12-ka Apriil 2008 ayaa waxaa magaalada Leicester ee cariga Ingriiska laga furay dugsi tababar kubadda kolayga ah oo uu furay macalinka wayn Cumar Anyeelo, oo ka mid ah bahwaynta kubadda kolayga hada u soo jeesatay sidii ay u horumarin lahaayeenmustaqbalka kubadda kolayga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku ...
Waxaa maalin nimadii Sabtida taariikhduna ku beegnayd 12 Abriil oo ahayad xuskii 48 guuradii ka so wareegatay Aas aaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu qabtay cayaar kubadda cagta qeybta Futsalka ahayd degmada Shangaani garoonka cusub oo loogu magac daray Abatiyoow Stadium. Kulankaan ayay isaga horyimaadeen kooxo kala metalayay ...
Kulan lagu dhaxdhaaxadinayo qilaafka soo jiitamaya mudada dheer ee u dhaxeeyo gudiga hormarinta isbortiga gobolka Hiiraan iyo maamulka isbortaga gobolka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday gudaha degmada b/weyne ee gobolka Hiiraan. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen ciyaartoydii hore ee cuslaatay iyo qaar ka mid ah macalinmiinta isbortiga gobolka ...
Waxaa magaalada muqdisho gaar ahaan garoonka Ex-luujino ee degmada Cabdi Casiis si habsami leh uga socdo horyaalkii 3aad ee Kubadda Gacanta gabdhaha dalka Soomaaliya. Tartankan oo ey ka qeyb galayaan ilaa iyo Afar kooxood oo kala ahaa: Heegan, Horsed, Shacab iyo Halgan ayaa bilaawdayay dhamaadkii bishii hore, kulamada ilaa iyo hada la cayaaray...
Ururka isku taga cayaartooyda kubadda kolayga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SSIFO (Somali Sports & International Freindship Organisation) ayaa waxay shalay galab oo taariikhdu ahayd 12 Abriil 2008 ay qado sharaf u sameeyeen Rugcadaayaal magac iyo maamuus ku lahaa cayaarta kubadda kolayga, si ay warbixin uga siiyaan dadaalka ...
Shalay oo taariikhdu ahayd 06.04.2008 waxaa lagu qabtay magaaladan London munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhoweynayey Ololkii ciyaaraha Olombiga ee dhawaan ka bilaabanaya dalka Shiinaha bisha Agoosto 8-deeda. Munaasabadan oo ka bilaabatay garoonka caanka ah ee Wembeley Stadium, halkaas oo safiirka dalka Shiinuhu ku wareejiyey Olol dab laga ...
Kooxda kubbadda koleyga ee Villanova, ayaa ku guulaysteen koobkii loogu magacdaray Somali Basketball League (SBL) habeenimadii Sabtida oo ay taariikhdu ku beegnayd 05/04/2008. Koobkaan oo ay aalaaba soo qabanqaabiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo iyagu isku xilqaamay qabashada cayaarahaasi ee ku nool gobolka Minnesota...
Taarikhdu markay aheyd 27-kii bishii Janaayo 2008 ayaa waxaa ka bilowday magaaloda Toronto ee Canada , tartan kubadda kolayga ah oo loogu tala galay cayaartoyda da'doodu tahay 16jir iyo wixii ka hooseeyo. Caruurtaan da’da yar ee ka soo qayb galay tartanka ayaa waxaa wato, qaar ka mid ah cayaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ee hada ...
Masuuliyiinta iyo dhalinyarada Soomalida qurba joogta ah (Diaspora) ayaa uu soo afjarmayaa safaradii ay la yeelanayeen cayaaryahanada reer Jabuuti. Hadaba maalmihii lasoo dhaafay oo taariikhdu aheyd 26 bisha Maarso oo ahayd maalintii Arbacada ayaa waxaa magaaladii uu ka dhacay shirkii dibuheshiisiinta Soomaalida ee sanadii 2000, ee Carta ...
Waxaa shalay magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta Gudiga Olombigada Soomaaliyeed ee Hotel Jidah lagu qabtay shir saxaafadeed looga soo horjeeday warkii ka soo yeeray mudane Faarax Wehliye Cadoow Sendiko. Waxaa shir kaas jaraa’id qabtay kuxigeenka gudoomiyaha Olombigada ahna gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda ...
Faarax Wehliye Cadoow (Faarax Sendiko) oo ku sugan hada magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa maanta shaaciyey in xiriirka kubadda cagta Aduunka ee FIFA ay ka qaadeen Xayiraadii dhanka Sportiga iyo xilalkii uu ka hayay xiriirada sportiga ee Soomaaliya. Faarax ayaa intaa raaciyay in xilligan uu yahay gudoomiyaha ...
Masuuliyiin iyo dhalinyaro Soomaliyeed oo qurba joogta ah ayaa 22/03/2008 u amababaxay dalka Jabuuti kadib mar ay martiqaad ka heleen dowladda Jabuti, si ay cayaaro saaxibtinimo ula cayaaraan qaar ka mid ah cayaaryahanada dowladda Jabuti. Masuuliyiinta iyo dhalinyaro Soomaliyeed oo qurba joogta ...
Waxaa maanta 28/03/2008 magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Ex-luujino lagu soo gaba gabeeyay horyaalkii 10aad ee (handball-ka) kubadda gacanta dalka Soomaaliya, ayadoo cayaartii kama danbeynta aheyd ey isugu soo hareen kooxaha Heegan iyo Horseed. Kulanka ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadweyne aad u fara badan oo kor u dhaafayay ...
Inkasta oo ay kooxaha Premiership-ka ee dalka Ingriiska ay waqtigaan xaadirka ah ugu awooda sareeyaan kooxaha reer Europe sida Manchester United, Arsenal, Chelsea iyo Liverpool kuwaas oo dhamaantood u soo gudbay sanadkaan wareega Quarter finalka ee seddeeda kooxood isugu soo haraan koobka Champions League iyo kooxaha kale ee wadankooda ka ...
Gudoomiyaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti, ayaa diyaar u ah in uu ku wareejiyo macalin nimada kooxda Inter Milan Jose Mourinho, kaasoo u balan qaaday in uu siin doono lacag dhan £16 million, si uu ugu soo wareego Italy sanadka dhamaadkiisa...
Qaar ka mida xiriirada qaran ee hoos yimaada gudiga Olombigada Soomaaliyeed ayaa maanta qabtay cayaaro kala duwan oo lagu maamuusayay maalinta qaaxada adduunka oo ku beegnayd 24-ka March, sanad kastana laga xuso Caalamka oo dhan si la isugu baraarujiyo la dagaalanka qaaxada adduunka oo dhan. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Gacanta ...
Liis la soo saaray Isniintii la soo dhaafay oo ay bishu ahayd 17/03/2008 ayaa lagu cadeeyay in cayaaryahanka u cayaara Manchester United's Rio Ferdinand, uu ka mid yahay labada cayaar yahan ee xiligaan cayaara oo laga xusay in ay ka mid yihiin kuwii ugu fiicnaa madowga soo maray weligeed ee cayaara kubadda cagta oo dhalashadoodu tahay Ingriiska...
Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda gacanta wuxuu ku dhex jiraa dhamaystirka horyaalka 10-aad ee Kubadda Gacanta (handball-ka) ee dalka Soomaaliya oo bilowday 16/02/2008. Tartankaan ayay ka soo qayb galeen ilaa iyo siddeed kooxood oo Wiilal ah, kuwaas oo kala ahaa ...
Waxaa dhawan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay xulka kubadda cagta qaranka Soomaliyeed kuwa ey da’doodu kala tahay 20-jir iyo 17-jir oo uu labbadaba hor kacayo macalin Cabdi Faarax (Geelle), ku xigeena u yahay Cumar Caruus. Xulalkan ayaa lagu wadaa in ey ka qeyb galaan tartanka CAF. Kaas oo lagu wado in uu ka kala dhici doono dalalka Niger iyo Kenya...
Gobolka Shabeellada Dhexe (Jowhar) oo marti geliyay Sanadkaan tartankii 18aad ee cayaaraha gobolada dalka ayaa tartanka ugu dambeeyay galabta ay isaga hor yimaadeen xulalka gobolada Shabellaha Dhexe (Jowhar) iyo Galgaduud. Gobolka Shabeellada Dhexe (Jowhar) oo ay ka dhacayeen cayaaraha gobolada Zone-ka 3aad, ayaa kooxdiisii si dhib la’aan leh ...
Waxa si habsami leh uga socdo Gobalka shabeelada dhexe cayaarihii is reeb reebka Gobolada ee soonka saddexaad. Zone-ka 3-aad oo ah shabeelada dhexe ayaa ku guulaystay in ay cayaaraha si habsami leh uga bilowdaan. Hadaba waxaa maalin nimadii Jimcihii lasoo dhaafay oo taariikhduna ku beegneed 14/03/2008 albaabada looga furay kulankii ...
Waxaa shalay galab si rasmi ah uga furmay gobalka Shabeelada dhexe magaala madaxdiisa Jowhar kulan cayaareed ka tirsan isreeb reebkii cayaaraha gobalada dalka Soomaliya. Cayaarahaan oo lagu waday in si toos ah u furmi lahaayeen 7-dii bishan balse dib u dhac ku yimid ayaa maalin nimadii khamiista aheyd ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay xiriirka Soomaaliyeed...
Kooxaha British-ka ayaa tiradii ugu badnayd u soo gudbeen wareegaan Quarter finalka ee Champions League-ga, kooxahan ayaa ah 4-ta kooxood ee hada hogaaminaysa safka hore ee shaxda Premier League-ga kuwaas oo kala ah: Arsenal, Manchester United, Chelsea iyo Liverpool. Kooxaha dalalka Talyaaniga, Spanish-ka, Jarmalka iyo Turkey...
Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay garoonka da’aada weyn ee Koonis Stadium koobkii la magac baxay xuska marxuum Elman. Koobkaan oo ey si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo maamulka naadiga Elman eyna ka soo qeyb galeen 4 kooxood...
Waxaa shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Ex-Luujino ee degmada C/casiis ka dhacay koob lagu xusayay munaasabada maalinta Haweenka ee 8-da Maarso, koobkaasi oo uu soo qaban qaabiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta ayaa ay fooda is dareen shalay kooxaha gabdhaha Horseed iyo gabdhaha Heegan...
Waxaa shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka casa d’ Italia ee dagmada xamar weyne ka dhacday xaflad balaaran oo dib boorka looga jafayay xiriirkii Soomaliyeed ee kubadda Teeniska. Taas oo layskugu keenay caruur aad u da’yar oo la rabay in lagu barbaariyo cayaarta kubadda Teeniska ...
Waxaa amakaag iyo yaab, irkig iyo filanwaa aan u mooday qoraalkii ku soo baxay baalkan KUBADDA iyo war sidayaal fara badan oo ku hadla afka Soomaaliga ee ka faaloodo Isboortiga, maqaalkoodii ahaa (ISKU AADKA CAYAARAHA GOBOLADA DALKA SOOMAALIYA) kaas oo aan ka akhriyay 02 Maarso 2008. Waxaa dadka qaar ka lumay doorashada ereyada Af- Soomaaliga...
Waxaa shalay galab oo bishu ahayd 06/03/2008 si rasmi ah uga furmay magaalada muqdisho gaar ahaan garoonka da’da weyn ee Koonis Stadium, koob la magac baxay xuska sanad guurada marxuum Elman Cali Axmed. Koobka oo ey si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen maamulka naadiga Elman iyo ...
Waxaa maalintii todobaad xabsiga magaalada B/weyne ku jira xubnahii isbortiga gobolka Hiiraan iyadoo maantana mid kale oo ka mid ahaa xubnahaasi xabsiga loo taxaabay. Gudoomiyaha isbortiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan C/qadir Jajuma ayaa maanta xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa xubnihii isboortiga ...
Waxaa maanta oo khamiis ah 06/03/2008 lagu wadaa in magaalada muqdisho gaar ahaan garoonka da’da weyn ee Koonis Stadium uu ka furmo koob lagu xusayo marxuun Elman Cali Axmed oo ahaa Halyeey sumcad wanaagsan ku lahaa dalka Soomaaliya. Engineer Elman, Allaha u naxariistee ...
Waa wax lagu farxo, balse waxaa cid waliba is waydiinaysaa sida uu ku suurto geli doono tartankii cayaraha gobolada dalka Soomaaliya oo uu Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta XSKC ku dhawaaqeen in uu dhici doono bisha Maarso 7-deeda ...
WAXAA LAYSLA DHEX MARAYAA IN JOSE MOURINHO KA TAGAY CHELSEA
IS REEB REEBKA KUBADDA CAGTA EUFA CHAMPIONS LEAGUE & EUFA CUP, OO SI DAR DAR LEH KU BILOWDAY
29.04.08 Rijkaard expects Ronaldino to leave in the summer ...
28.04.08 Cristiano Ronaldo has been named PFA player of the year ...
20.04.08 Olympic football tournament draw sets ...