Cudurka
waraabowga waxaa uu ka mid yahay cudurada lagu kala qaado galmada, Cudurkan ayaa
ka mid ah cudarada ay sida ba’an ugu le’daan dadyowga wadamada Africa ee saboolka
ah, tusaale ahaan hadaan usoo qaadano tirakoobkii ugu danbeeyay ee ay sameysay hay’ada
caafimaadka aduunka (WHO) ee ku sameysay cudurka waraabowga iyo sida uu uga jiro
wadamada Africa ayaa ah mid muujinaaya faraha ba’an ee uu cudurkani ku hayo dadka
reer Africa.
Wadamada
Africa oo uu cudurkani aadka ugu badan yahay ayaa waxaa ka mid ah,
Itoobiya, Kenya
, Yugaandha, Soomaaliya iyo wadamo badan oo duniida aduunka sadexaad ka tirsan.
Cudurka
waraabowga (syphilis) waxaa sababa nooc ka mid bagteeriyada ka mid ah oo loom yaqaan
Treponema pallidum. Cudurkan waxaa lagu kalan qaadaa
1
Galmada
2
Hooyada cudurka qabtaana waxay u gudbin kartaa ilamaheeda
3
sidoo kale waxaa jermiska cudurkan keena la isugu gudbin karaa qofka oo si
kama
ama kas ah u taabta nabraha ama boogaha ka soo baxa bukaha qaba cudurka,
4
iyo 90% cudurkan waxaa lagu qaadaa galmada.
Cudurka
waraabowga (syphilis) waxaa u maraa sadex marxaladood oo kala duwan lehna sifooyin
iyo calaamooyin kala gaar ah , hadii aan la daaweyn dhibanaha cudurkan qaba waxaa
dhacda in uu u nafwaayo cudurkan dartiis, bal aan mid mid u eegno marxaladaha uu
maro bukaha cudurkan qabaa iyo calaamadaha u gaarka ah marxalad walba.
MARXALADA KOWAAD EE WARAABOWGA (Primary Syphilis).
Maraxaladan
oo ah marka ugu horeysa ee uu dhibanuhu cudurkan qaado ka dib marka uu la galmooday
buke cudurka qaba, in ka badan 95% dadka uu cudurkani ku dhaco ayaa waxaa ay muujiyaan
Nabar adag oo aan xanuun laheyn oo ka soo baxa xubinta taranka ee raga ama dumarka,
nabarka noocan ah ayaa waxaa loo yaqaan 'nabarkii adkaa" (HARD CHANCRE), sidoo kale
waxaa suura gal ah in uu nabarkani ka soo baxo oogada sare ee xiniinyaha (scurutum),
labada dibnood ee xubinta taranka dumarka (labia), malawadka (rectum), faraha iyo
afka. Nabarkan waxa la arkaa mudo u dhexaysa 10 ilaa 90 maalmood laga soo bilaabo
maalinta ugu horeysa ee uu bukuhu qaado bagteeriyada sababta cudurkan.
Narbarkan
ayaa ku baaba’a asbuuc gudihiis hadii uu bukuhu helo daaweynta ku haboon, hadii
kalena waxaa uu u qarsoomaa si tartiib tartiib ah oo inta badan qaadata 4 ilaa 12
asbuuc, taas macnaheedu ma ahan in cudurkani intaas ku dhamaaday balse waxaaba dhacda
in xaaladu intaas ka sii cakiranto, waayo bagteeriyada cudurkan keenta ayaa waxa
ay raacdaa dhiiga dabadeedna dhibaateysa nudayaal (tissues) kale taas oo u dalacda
marxalada labaad ee cudurka waraabowga.
MARXALADA LABAAD EE WARAABOWGA (Secondary Syphilis):-
Marxlaada
labaad ayaa timaada ka dib marka ay bagteeriyada cudurkan keentaa raacdo dhiiga
saameyna ku yeelato xubna badan oo jirka ka mid ah (systemic infection),
waana ka dib marka ay doorsadaan nabaradii ka soo baxay xubnaha taranka marka la
joogay marxalada kowaad (after healing of chancre lesions), waxaana dhacda
in ay nabaradani sii muuqdaan marka la joogo marxaladan waase arin naadir ah.
In
uusan bukuhu gelin marxalada labaad ee waraabowga ayaa waxa ay ku xiran tahay:
1
Hadba sida loo daaweyo
marxalada kowaad.
2
Awooda ama itaalka
difaaceed ee jirka bukaha.
Sidaas
darteed uma badna in uu bukuhu galo marxalada labaad haddii labadaas qodob la helo.
Calaamadaha
marxalada labaad ayaa ah kuwa la arko 6 asbuuc ama dhowr bilood ka dib laga soo
bilaabo xiligii uu bukuhu cudurkan qaaday. calaamadaha marxalada labaad ayaa waxaa
ka mid ah furuuruc iyo nabaro yaryar oo ka soo yaaca oogada sare ee maqaarka gaarka
ahaan Adimada, calaacalaha, cagaha hoostooda iyo wajiga, furuuracan ayaa waxaa dhacda
in ay mararka qaarkood dilaacaan oo isu bedelaan nabar weyn (ulcer).
Hadii
ay madaxa ka soo baxaana sababa qofka in ay timuhu ka daataan si ku meel gaar ah
(temporary alopecia).
Ogow
bukuha cudurkan qabaa waxaa uu cudarka si aad ah u gudbin karaa marka uu ku jiro
marxalada kowaad iyo labaad.
MARXALADA SEDEXAAD EE CUDURKA WARAABOWGA (Tertiary or late Syphilis) :
Marxalada
sadexaad ayaa ah mid soo daahirta sanado badan ka dib waana marxalada ugu khatarsan
ee cudurka waraabowga waayo waxaa ay saameyn xun ku yeelataa xubnaha maamula shaqada
jirka.
BAARISTA CUDURKA WARAABOWGA (Diagnosis of Syphilis).
In
bukaanka cudurka qabo lo diro shaybaarka dhiigiisa iyo dhacaanka nabaridiisa
DAAWEYNTA CUDUDARKA WARAABOWGA:-
Daawada
ugu badan ee loo isticmaalo daaweynta cudurkan dhamaan maraxaladihiisa waa Penicillin
qaabka, xadiga iyo waqtiga la isticmaalayo waxaa qeexaya dhakhtarka.
Cudurada
galmada lagu kala qaado ayaa ah kuwa ku socda xawaare sare sababtuna waa gogal dhaafka
iyo sinadii oo noqotay arin caadi ah.
Waxaan
tale ahaan uu ogeysiinaya si cudurkaas haliste ah loogu badbado, inlayska illaliyo
gogol dhaafka badan.