Cudurka jabtadda ayaa safka hore kaga jira cudarada galmada lagu qaado (sexually
transmitted disease) kaas oo khatar ba’an ku haya dadyow badan oo dunida ku nool haba ugu badnaadeen kuwa ku nool waddamada soboolka ah ee aan helin xanaaneyn
iyo daryeel caafimaad oo ku filan .
Si aynu u ogaano ugana qaadano fikrad guud bal aynu eegno waxa uu yahay cudurka
Jabtaddu, waxa sababa, calamaadaha lagu garto bukaha qaba cudurka jabtadda iyo waliba
wadooyinka ku haboon ee looga hortegi karo Faafida cudurkan.
Cudurka jabtaddu waxa uu ka mid yahay cudarada la daaweyn
karo ee Galmada lagu kala qaado, cudurkan waxaa sababa bakteeritada loo yaqaabn
Neisseria gonorrhoeae, bakteeriyadan ayaa awood u leh in ay qabsato kuna
taranto xuubka gudaha kaga dahaaran habdhiska taranka ee labka iyo dhediga ka dib
marka uu qofku la sameyo galmo buke qaba cudurka jabtadda, qabsashada iyo taranka
bakteeriyadan ee gudaha habdhiska taranka ee labka iyo dhediga ayaa sababa caabuq
(Inflammation) iyo hurgun (Infection) ku yimaada gudaha dakarka raga iyo farjiga
dumarka. Caabuqan iyo hurgunka ayaan hadii aan durbaba lala gaadhin daaweynta ku
haboon ku faafa xubnaha kale ee habdhiska taranka.
Inta badan caabuqa (inflammation) iyo hurgunka (Infection) raga ku dhaca ayaa ah
mid ku eg kaadi mareenka (gudaha dakarka).
Waxaa la arkaa in aad is weydiiso cudurka jabtaddu dhibaato ma u keeni karaa ilmaha
ay dhasho hooyo cudurkan qabtaa? Jawaabtu waa HAA!, maxaa yeelay hooyada cudurka
jabtada qabtaa waxa ay u gudbin kartaa ilmaheeda bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae
xiliga dhalmada taas oo u keeni karta ilmaha indho la’aan (ophthalmia neonatorium).
Inta badan faafida cudurka jabtada waxaa ka qeyb qaata dumarka marka la barbar dhigo raga , maxaa yeelay konton boqolkiiba (50%) oo dumarka cudurkan qabaayi ma muujiyaan
wax calaamado cudur ah (Asymptomatic patient) balse si fiican ayay ugu gudbin karaan
qofkii galmo la sameya, meesha ay 95% ragu ay muujiyaan calaamado cudur.
CALAAMADAHA CUDURKA JABTADDA:
Calaamadaha u horeya ee lagu arko bukaha cudurka jabtadda qaba ayaa ah kuwa dhexdhexaad
ah , inta badana calaamadahaasi waxa ay soo muuqdaan labo ilaa toban casho gudahood
ka dib marka uu qofku galmo la sameyo buke cudurka qaba.
Calaamadaha Dumarka iyo kuwa raga lagu arko ayaa dhab ahaantii kala duwan.
Calaamadaha Dumarka:
1) xanuun ama gubasho la dareemo xiliyada kaadida (pain
or burning when urinating)
2) dheecaan ka yimaado farjiga kaas oo ah cagaar marmarna
u eg dhiig-dhiig.
3) dhiig yimaada xiliyada caadada dhexdooda ( bleeding
between menstrual period)
4) xanuun la dareemo xiliyada Galmada
5) qaarka danbe oo xanuuna ( lower abdominal pain)
Calaamadaha Raga:
1) cuncun iyo xanuun laga dareemo gudaha dekarka.
2) kaadida oo lagu dhibtoodo (difficult Urinnation)
3) malax leh xanuun oo ka timaada dekarka.
4) madax xanuun iyo qandho la dareemo marmar.
KA HORTAGA FAAFIDA CUDURKA JABTADDA:
Cudurkan waxaa looga hortigi karaa oo keliya qofka oo ku
ekaadaa gogoshiisa (xaaskiisa) aana sameyn wax gogol dhaaf ah (sino),
BAARISTA CUDURKA JABTADDA:
Si loo xaqiijiyo cudurka bukaha hayaa in uu yahay cudurka jabtadda iyo in kale ayay
xarumaha baarista cuduradu u adeegsadaan sadex dariiqo midood baarista cudurka jabtadda.
1) In si toos ah loo adgeesado sheybaare (microscopy) iyada
oo la adeegsanayo dheecaan aan badneyn oo bukaha laga soo qaaday.
2) In la abuuro (culture) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae
iyada oo la isticmaalayo dheecaan laga soo qaaday bukaga cudurka qaba.
DAAWEYTA CUDURKA JABTADDA;
Inta badan takhaatiirtu waxa ay u qoraan bukaha cudurka jabtada qaba mid ka mid
ah daawooyinkan (antibiotics).
1 Cefriaxone
2 Ciprofloxacin
3 Ofloxacin
Hadii uu bukaha cudurka qabaa uu yahay haweeney uur leh ama qof da’diisu ka yar
tahay 18 sano looma ogola in uu isticmaalo daawooyinka Ciprofloxacin iyo Ofloxacin.