Gabdhaha Germany oo ku guulaystay koobka Aduunka
Written by: M Sheikh; 30 September 2007
Gabdhaha Germany ayaa noqday kooxda kaliyah ee ciyaaraha gabdhaha kubadda cagta Adduunka ku guulaysato laba jeer oo isku xigta kadib mar ay maanta si dhib leh uga badiyeen kooxda gabdhaha kubadda cagta Brazil.
Gabdhaha Brazil's ayaa ciyaarta ku bilaabay dar dar iyo weerar is daba jog ah waxaana u suurto gashay weerarkoodii in ay gabadha la yiraahdo Daniela ku gantay darbad aad u xoog badan gool hayaha Germany, waxay u ekeyd in ay dhalan rabtay balse nasiib daro waxay ku dhacday birta.
Gabdhaha Germany ayay noqotay nasiibkooda in ay ku hor maraan goolkii koowaad mar ay gabadha lagu magacaabo Sandra Smisek, si xirfad leh darbad uga hoos bixisay goolhayihii Brazil.
Ma ahayn maalintooda Brazil, maxaa yeelay waxay durbadiiba heleen Regoore, waxaana u soo istaagtay in ay gamato gabadha laacibada ah ee lagu magacaabo Marta, nasiib xumase darbadeedii waxaa diiday in ay daba marayso goolhayihii kooxda Germany ee lagu magacaabayay Nadine Angerer.
Waxaa Jaanta is la helay mar labaad kooxdii Germany oo u labaysay gool kale gabadha lagu magacaabo Simone Laudehr, mar ay darbo madaxa ah oo fiican la heshay gooshii reer Brazil. 2-0 ayuu isku shareeray skoorkii.
Dad waynahii u soo daawashada tagay garoonka wayn ee Hongkou Stadium ee Shanghai, ayaa saadaalinayay inta ayna bilaaban ciyaarta in gabdhaha reer Brazil ay qaadi doonaan koobka sanadkan, maxaa yeelay ciyaartii sami finalka ay ka badiyeen gabdhaha kooxda USA 4 – 0, ayaa waxay u muuqdeen in qofna ka xigin qaaditaanka koobka.
Gabdhaha reer Brazil ayaa laga dareemayay niyad jab, kuna adkeed in ay ka soo laabtaan 2 – 0 in kasta oo ay dhowr jeer isku dayeen ciyaar xirfad leh iyo isku baasid qurux badan hadana difaaca Germany ayaa ahaa kuwo aad u adag oo aan la dhaafi karin, kana muuqatay isku duubnaan, isla shaqayn iyo is fahan.
Sidoo kale gabadha goolhayaha reer Germany Angerer, ayaa ciyaarta dhamaadkeedii ka saartay banaanka mar ay sidii miigii oo kale u booday gacantana ku dhufatay darbo goosha birta agteeda ka dhalan rabtay oo ay ku soo gantay, darbad xur ah gabadha lagu magacaabo Daniela's. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 2 – 0 guushu ku raacday kooxdii Germany.