Xiddigga cusub ee kubadda cagta
Written by: Abulkadir Ibrahim; 30 September 2007
Ciyaartooyga mustaqbalka kubadda cagta Cabdisalaam Cabdulqadir Caddaay ayaa shalay u amba baxay dalka Poland isagoo kooxdiisa qaranka ee dalka Norway kala qayb galaya
Ciyaaro caalami ah.
Cabdisalaam ayaa ka mid ah ciyaartooyda Juniorka naadiga weyn ee ka dhisan dalka Ingiriiska ee Manchester City FC. Cabdisalaam maadaama uu haysto dhalasho Norwigian ah, ayaa waxaa u suurto gashay in uu ka mid noqdo mar labaad ciyaartooyda da’da yare ee nasiibka u yeeshay in ay metelaan dalka Norway, ayagoo ka qayb gelaayo tartanka is reebreebka ciaaraha reer Yurub, ciyaartooyda da’doodu ka yar tahay 17-ka sano (under 17). Xulkaan oo sida warku nagu soo gaaray la xulay bishan aaan ku jirno ee september bartamaheedii.
Cabdisalaam ayaa sidoo kale sanadkaan horaantiisii u saxiixay heshiis seddex sano ah, kooxda Manchester City. Waxaana nagu maqaal ah in uu wacdaro ka dhigay ciyaaraha akademi leaague-gga ee England.
Macallamiinta koxda Manchester City ayaa aad uga helay qaab ciyaareedka ciyaartooygan da’da yar waxayna rajaynayaan in Cabdisalaam uu dhawaan ku biiri doono kooxda reserve teamka ee Manchester City.
Dhinaca kale macallinka qaranka Norway ayaa asna aad ugu kalsoon, jecelna in uu mar walba kooxdiisa ka dhex muuqdo ciyaartooygaan farsamada fiican leh kaasoo khadka dhexe uga ciyaara xulkiisa qaranka iyo kooxdiisa Manchester City FC.
|
Cabdisalaam Caddaay ayaa ka mid ah ciyaartooyda soomaaliyeed ee dhalasho wadamo kale haysta hadana ka dhex muuqda Sportiga Aduunka haday noqon lahayd Football ama Athletica-da sida Mo Farah oo ordo orodada dhaadheer hadana haysta dhalasho Engriis ah.
Bahwaynta Sportiga soomaaliyeed ayaa aad ugu hambalyeeynayo ciyaartooydaan ayaga iyo waalidkoodba oo mar walba la garab taagan taageero iyo hiilo waxay u baahdaan. Waxayna u rajaynayaan in ay heer sare ka gaaraan dadaalka mustaqbalkooda ciyaareed, dhamaantood.
|
|
Cabdisalaam Cabdulqadir Caddaay
|
| |