Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

Ciyaartoydii hore ee kubbadda Kolayga ee reer Toronto oo booqday wadanaka maraykanka

Written by: Daa,uud dheere; 27 September 2007



Waxaa bishan ka ambabaxay magaalada Toronto qaar ka mid ah ciyaartooydii cuslaatay ee Kubadda Kolayga ee hadda deegaankoodu yahay magaalada Toronto.

Safarkaan ayaa ka danbeeyay casuumad ay ka heleen asxaabtooda kale ee ku sugan magaalada Virginia ee cariga Maraykanka.

Safarkaan ayaa ka mid ahaa socdaallo beryahaan danbe ay isweydaarsanayeen ciyaartooydii iyo maamulkii hore ee Kubadda Kolayga si ay uga wada tashadaan qorshahooda horumarinta ciyaaraha Soomaaliyeed, isla markaana ay iska war qab sil siladeed samaystaan.

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogaysanaya wada shaqaynta iyo iska warqabka ka dhexeeya dhammaan ciyaartoydii hore kuwooda qurbo jooga ah, iyagoo dedaal weyn ugu jira sidii ay gacan iyo taakulayn dhinac walba ah uga geysan lahaayeen sportiga dalkoodii hooyo ee Soomaaliya.

Ciyaartooyda reer Toronto ee socdaalka ugu kicitimay dalka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi dheere oo ahaa macalinkii Naadigii Jeenyo (LL PP), marna ahaa macalinka Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga iyo ciyaartooydii hore oo kala ahaa Farax odey, Axmadeey B, Daa’uud dheere iyo Aadaa.

Waxay halkaasi kula kulmeen oo si diiran oo gacmo furan ugu soo dhaweeyay magaalada Virginia saaxibadood ay ka mid yihiin shakhsiyaadkii magaca wayn ku lahaa sportiga soomaaliyeed sida Xantule dheere, Shino madobe, Saley, Muudeey, oo halkaas si fiican ugu soo dhaweeyey,

Marti sharafta reer Toronto ayaa aad uga helay jawiga iyo bilicda magaalada ayagoo gabagabadii kulanka soo jeediayeen codsi ay ku codsanayeen in sanadka soo socda tartamo Kubadda Kolayga ah la qabto, laguna qabto Virginia. Ayna ka soo qayb geli doonaan koox meteli doonto Tronto iyagoo filaayo in Minisoto-na koox ka imaan doonto.

Ciyaartooyda cuslaatay ee reer Virginia ayaa aqbaley codsigaas, balan qaadayna in ay abaabuli doonaan tartan wayn oo aan horay weli loo qaban. Waxaa kulankaas joogay isna oradyahankeenii Soomaaliyeed ee bilada dahabka ah u soo hooyay wadankeena 1980-kii Cabdi Bille Cabdi, oo runtii ahaa orod yahan heer caalami oo magac wayn ku lehaa aduunka oo dhan.

Muhiimadda ujeedadda kulanka ayaa waxay ahayd in ay xoojiyaan xiriirka isdhax gal, iyaga iyo dhamaan asxaabta reer North America qaasatan Virginia.

Gaba-gabadii kulanka waxay marti sharaftii ayagoo aad uga maqsuud ah soo dhawaynta, u mahad celiyeen walaalahooda reer Virginia sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football