Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

Chelsea iyo Avram Grant oo guuldaro ku waaberiistay

Written by: Xasan Faarax (John); 23 September 2007



Cayaartii manta ka dhacday magaaladda Manchester, ee dalkan Ingiriiska uma sidin warsan kooxda Chelsea kadib markii lagaga guuleystay 2-0. MilkiilahaChelsea Roman Abromovich ma jeclaysan guul darada.

Guul kooxdu gaarto wuxuu yarayn lahaa welwelka iyo walaaca ku habsaday taageerayaasha Chelsea, waxaa weli rajadoodu sii xumaatay markii kooxdooda laga saaray ciyaartoyga John Obi Mikel daqiiqadii 32aad ee qaybtii hore.

Dhamaadkii qaybtii hore ayaa ciyaartoyga u dhashay Argentina Tevez maddaxa ku dhaliyey goolkii kowaad kaas oo ahaa goolkiisii ugu horeeyey oo u dhaliyo kooxdiisa cusub. Chelsea marna kama soo kaban, waxaana guushii iyo saddexdii dhibcood hanti u noqdeen Manchester markii daqiiqadii 90aad Saha goolkii labaad ka dhaliyey markii ciyaartoyga difaaca ah Tal Ben-Haim garab daaray Saha loona dhigay laad xor ah.

Waxaa cayaarta daawaneyey Tababarah caalamiga ah ee u dhashay dalka Holland Marco Van Basten oo lagu tuhmayo in uu kooxda xilkeeda la wareegi doono.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football