|
Waxaay kubadda kolaygu wali ka sii nooshahay Goboladda Hargeisa iyo Awdal oo aad arkaayso goobaha lagu cayaaro oo wali sii nool sida garoonka Timacadde, Dhalinta, iyo garoomo kaleba dhalinyaraddu aad u xiisaaynaayso waxaanan u aanaayn karnaa guusha gobalka Hargeisa ee 5-tii sanadood ee cayaaraha goboladda la qabanaayay ay ayagu ku wada guulaaysteen.
Waxaana aan oran karnaa hadii aan la soo nooleeyn kubadda kolayga in la waayi doono gabi ahaanba in goboladda qaar laga cayaaro,waxaana xaqiiq ah in dhalinyaradda cayaartooyda reer hargeisa ay u cayaarayeen goboladda qaar waxaana xusid mudan Gobolka Awdal oo dadaal badan ugu jira sidii aay mar uun uga badin lahaayeen Gobolka Hargeysa waana Gobalka labaad ee shantii sanadoodba Faynalka u soo baxay in kastoo sanadkan ayna cayaarin fainalka oo uu leeyahay eedeeda maayarka Borame oo isagu ka saaray cayaartii dadweeynuhu ka soo wada qaaybgaleen.
Shir Gudoonka Wakiilada oo casuumad u sameeyay cayaartooyda Gobolka Hargeisa Mudane samaale iyo Bashe iyo Gudoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro
Xildhibaan Cabdulkaadir indho indho oo tusaaleeynaya dhalinyaradda isagoo ahaa ragga aadka uga qaaybqaatay tartanka gaar ahaan kubadda kolayga waxaana uu ku mutaaystay shahaado sharaf isagoo aan habeena ka maqnaan garoonka timacadde iyo iskudubaridkiisa.
Shir gudoonka ayaa aad ugu dhiiri geliyay dhamaan gobolada iyo dadaalkooda cayaareed ayagoo ku booriyay in sportigu uu yahay isdhexgal.
Qoraalkaan waxaan ka soo xiganay Somalilandsports.net
|