Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

WAXAA LAYSLA DHEX MARAYAA IN JOSE MOURINHO KA TAGAY CHELSEA

Written by: M Sheikh; 19 September 2007

Warar aan lagu kalsoonayn ayaa sheegaya in Jose Mourinho, ka tagay Chelsea, ma cado weli in uu iska tagay iyo in la casilay. Mourinho ayaa la filayaa in ay ahayd ciyaartiisi ugu danbaysay kulankii xalay Chelsea la yeelatay Rosenborg. Wararkaas ayaa laga soo weriyay mid ka mid ah ciyaartooydii hore ee Chelsea.

Taariikhda ayaa xusi doonto hadii uu saas ku tago, maxaa yeelay sidii uu u yimid Chelsea sanadka markuu ahaa 2004-kii, naadiga wuxuu gaaray guulo la taaban karo, sida guulihii Premiership-ka oo naadigu ayna hanan mudo ka badan 50 sano.

Sanadkiisii ugu horeeyay wuxuu ku guulaystay koobkii Premiership-ka 2005-kii asagoo hadana mar labaad ku guulaystay sanadkii xigay ee 2006-ka. Koobka FA Cup-ka ayuu ku guulaystay asna 2007-kii iyo League Cup-ka 2005 & 2007.

Waxaa kaloo intaas dheer, Score-kii u yiilay Premiership-ka ee ahaa Gool in aan laga dhalin kooxdiisa 60 (Lixdan) ciyaarood oo team-kiisa ku dheeleen gurigooda, ayagoo badiyay 46 ciyaar, barbar dhacna galeen 14 ciyaarood iyadoo marna aan laga badin. Score-kaas oo ay horay u dhigeen kooxda Liverpool.

Isku darka 185 ciyaar, ayay ahayd tirade inta uu loolinaayay kooxdaas, ayagoo badiyeen isku dar 124 ciyaar, barbardhacna galeen 40 ciyaar halka tirade laga badiyay ay dhan tahay 21 ciyaar iskudarka inta uu tiimkaas la joogay.

Taageerayaasha Chelsea, ayaa badankood ka xun News-kaas, soo yeeray. Maxaa yeelay Jose Mourinho, waxay u haystaan in uu yahay mid ka mid ah macalimiinta manta Adduunka ugu fiican, dhibna noqon doonto sida dhaqso lagu helo macalin kale oo akhoontiisa oo kale leh ama ka fiican.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football