Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

DEGMADA DHERKENLEY OO SOO AF JARTAY KOOBKII HORUMARINTA CIYAARAHA

31 October 2007

Waxaa galab nimadii jimcaha taariikhduna ku beegneyd 26/10/2007 lagu soo gabagabeeyay garoonka kubadda cagta Dhame Yaasiin Carte, ee gobalka Banaadir, tartankii kubadda cagta ee horumarinta cayaaraha degmada Dherkenley.

Tartankaas oo soo bilowday 12/10/2007, ayna soo qaban qaabiyeen Guddiga Olymbikada Degmada Dherkenley, ayaa waxa ka soo qeyb galay 16 (lix iyo toban) kooxood oo ka dhisan degmada Dherkenley iyo Wadajir, waxaana loo qeybiyay Afar Group oo min afar koox ah, tartankaas oo ay u soo daawasho tegi jireen dadweyne aad u fara baddan oo ku kala nool degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir, ayaa waxaa cayaartii kama danbeynta aheyd (final-ka) isugu soo haray kooxaha Iftin iyo Raashid, kulankaan oo ahaa mid aad u adkaa eeyna ka soo qeyb galeen dad weyne kor u dhaafay kumanaan kun, ayaa labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar farsamadeeda aad u heer saraysay ayna jecleysteen dadweenihii u soo daawashada tagay.

Cayaartan oo ku saleysneyd weerar iyo weerar celis ayaa waqtigii loogu tala galay ku soo idlaatay 0-0, balse waxaa loo dhigay gool ku laad ama rigoore, maadaama eey cayaartu aheyd mid final ah. Waxaana 3 Gool iyo 2 Gool guushii ku raacday koobkiina ku hanatay kooxdii Raashid.

Hadaba si aan Wax badan uga ogaano tartanka waxa uu ku saab sanaa iyo qaabka xafladda xiritaanka u dhacday, ayaa waxaa noo suurto gashay in aan wareysi la yeelano Guddoomiyaha Oliymbikada Degmada Dharkeynley Mudane Amiin Cali Muumin, waxaana waydiiyay dhowr su’aalood.

Kubadda: Ma noo sheegi kartaa muhiimadda tartanka?

Amiin: Waxaan ugu talagalnay tartankaan in aan ka xulno dhalinyaradii matali laheyd xulka degmada Dherkeynley.

Kubadda: Ma markii idnkuugu horeysay baa, abaabulka tartan?

Amiin: Dhowr goor ayaan tartan kan la mid ah qabanay, laga soo bilaabo sanadkii 2002-da illa iyo haatan. Waxaan kaloo qabannaa tartamo munaasabado iyo mashruucyo lagu hormarinayo cayaaraha degmada.

Kubadda: Hadii aan u soo laabto qaban qaabada cayaarta maanta soo gaba gaboowday ee ey ku guuleysteen kooxda Raashid, koleey qarash ayaa ku baxay, ma ii sheegi kartaa cida idiinka taa kuleysay xagga dhaqaalaha sida abaal marinada aad bixiseen?

Amiin: Xagga abaal marinada sida aad arkaysay, waxaan bixinay abaal marinno kala duwan kuwaasi oo kala ahaa koobka kaalinta koowaad oo aan gudoonsiinay kooxda Raashid, koobka kaalinta labaad oo aan gudoonsiinay kooxda Iftin, iyo cayaaryahanka ugu wanaagsanaa intuu tartanka socday oo aan abaalmarin gudoon siinay iyo sidoo kale laacibkii ku guuleystay gool dhalinta, macalinkii ugu wanaagsanaa iyo shaqsiyaadkii naga caawiyay tartanka intuu socday.

Xagga dhaqaalaha waxaa naga caawiyay maamulka naadiga ELMAN.F.C, B.Y.C iyo shirkadda isgaarsiinta Hormuud qeybta madiino.

Kubadda: Ugu danbayntii, yaad jeceshahay in aad fariin ama mahad celin halkaan uga tabiso?

Amiin: Ugu danbeyn anoo ka faa iideeysanayo fursadaan qaaliga ah ee ay isiiyeen website-ka kubadda.com waxaan halkaan codsi uga soo jeedinayaa dhamaan bahweynta sportiga gaar ahaan xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo tan Jaaliyadaha dibadda, in eey gacan naga siiyaan dadaalka aan ka wadno horumarinta sportiga.

Waxaan jeclaay in aan uga mahad celiyo halkaan, oo kaalin aan la iloobi karin ka geystay mudadii uu socday tartanka, dhamaan bahda sportiga degmada, ugu horeyn macalinkii hore ee naadiga batroolka macalin Cumar Abuukar, sidoo kale Cali Cumar Nuur (Cali Afaaro), Xuseen C/llaahi Gaab, Daa’uud Ahmed Tagoow iyo Marshaale C/llaahi Sate.

Intaas kadib waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dhamaan intii gacanta naga siisay hirgelinta barnaamijkaan iyo daawadayaashii maalinkasta uu tartanku dhacayay waqtigooda noo soo huri jiray. Si qaas ah ayaan jeclaan lahaa in aan ugu mahad celiyo qaybihii warbaahinta qaasatan maamulka website-ka kubadda.com sidii ay nooga saacideen baahinta mudaduu tartanku socday ilaa iyo manta, waxaana dhihi karaa wax muuqdo ayaad qabateen ee sii laba jibaara dadaalkiina.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football