KOOXDA MARATHON-KA WIILASHA U.S. OO ISU DIYAARINAYA TARTANKA KA QAYBGALKA OLYMPIC-GA 2008.
26 October 2007
Orad yahan Abdi Abdirahman, ayaa ka mid noqday Orodyahanada ugu record-ka fiican leh ee u soo gudbay in ay matelaan Marathon-ka Wiilasha, U.S.A. Olympic-ga 2008-ka.
Magaalada INDIANAPOLIS
oo hada ka hor lagu qabtay orodkan marathon-ka sanadkii 1984-tii, ayaa waxaa loo gogol xaarayaa in lagu qabto mar kale tartan marathon 3-da November 2007-ka.
Oradkan oo ah is diyaarin iyo istijaabin, oradka wayn ee soo socdo, Olympic Games-ka 2008-ka, lagu qaban doono magaalada Beijing, ee wadanka China, ayaa waxaa u soo gudbay ka qaybgalkiisa, 179 wiil oo 134 kamid ah ay saacadihii la rabay in lagu ordo, sharuudaheedii soo buuxiyeen.
Gudiga qaban qaabada Olympic Team Trials - Men's Marathon ee magaalada New York, oo ka kooban Labada urur ee la kala yiraahdo USA Track & Field (USATF) iyo New York Road Runners (NYRR) ayaa ku dhawaaqay Talaadadii la soo dhaafay, in ka soo qaybgalka oradkaan ay ku jiraan Afar orodyahan heer caalami ah (national marathon champions)
Afartaas oradyahan oo hada ka hor ku dhameeyay orodka saacad ahaan, inkayar 2 saac iyo 9 daqiiqo, kuwaasoo kala ah (Khalid Khannouchi, Mbarak Hussein, Abdi Abdirahman iyo Ryan Hall) ayaa isu faruuryo qaniinsanayo.
Abdi Abdirahman
Madashu waa Central Park, oradkana wuxuu ka bilaaban doonaa Plaza-da Rockefeller, kaasoo ku dhamaan doono meel u dhow beerte cagaaran ee Tavern. Jardiinadaan ayaa hada ka hor lagu qabtay sanadihii 2002 ilaa 2004-kii USA 8 km Championships-ka, markii ay magan geliyeen kooxda New York Road Runners (NYRR). Wareega Jardiinka oo aad u wayn ayaa dhaxdiisa lagu wareegsan doonaa 8-deed mar, cabir xawaaro ah 42.195 km.
Orodyahan Abdi Abdirahman, ayaa aad ugu rajo wayn in uu kaalinta koowaad ku dhameeyo orodkaan. Abdi dhalasho ahaan waa Soomaali, balse qaatay dhalashada kale ee USA, (U.S. citizen) taariikhdu markay ahayd 28-kii Janaayo, 2000-kii.
Abdi, wuxuu weligiis aad u jeclaa fiirsashada kubadda Kolayga (big basketball fan,) Abdi, intuu joogay Maraykanka wuxuu galay waxbarashada Business-ka, qaybta iibka iyo macaamilka wax kala gadashada (retail consumer) wuxuu degan yahay magaalada Arizona, familkiisana waxay hada degen yihiin magaalada Houston.
Abdi, ayaa ka mid ah dhalinyarada fara ku tiriska ah ee ka badbaaday dib u dhaca Qaranka iyo Isboortiga Soomaaliyeed qabsaday, nasiibkana u yeeshay in ay fursad kale u helaan naftooda, maadaama wadankoodii hooyo is bur bursi siyaasadeed ka bixi la’yahay.
Dhamaan maamulka, website-ka www.kubadda.com, waxay hambalyo u dirayaan oradyahan Abdi Abdirahman, waxayna leeyihiin dadaalkaada halkaas ka sii wad. Waxayna u rajaynayaan in uu guul ka soo hooyo tartanka orodka 3-da November, la qaban doono.
Taariikhda horumarka Abdi Abdirahman, oo kooban oo Af Ingriis ku qoran hadaad rabtid riix halkaan.
Click Here.
Written by: Mohamed Sheikh (weli)