YAA EHEL U AH SPORTIGA SOOMAALIYEED?
24 October 2007
Annigga waxaa ley yiraahdaa Mr. Abuukar Abanuur Maxamed, ahaana Guddoomiyihii X.S.C.Fudud, isla markaana ahaa u qeybsanaha Tababarada ee Guddigii Fulinta ee G.O.S., xilal farabadanna ka soo qobtay Horumarinta Isboortiga Dalka Soomaaliya laga soo bilaabo 1975kii, kuna nool dalka Hollanda muddo ku dhow 15 sannadood, ahna qof xaasle ah lehna 6 caruur.
Waxaan aad u akhristaa had iyo jeerba Boggaga internetka ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Cayaaraha, si fiicanna waan ula socdaa howlaha Isbooriga ee ay Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ee Guddaha iyo Dibaddaba, runtiina waxaan oran karaa qofkii damiir isboorti ku jirto, gaar ahaan isboortiga Soomaaliyeeed jecel in ay soomaalida muujiyeed wax wanaagsan ee runtii lagu farxi karo.
Annigu ma qabo Isboortiga sidiisaba in uu yahay mid dad gooni ah, ama Shaqsi gooni ah ayaa Maamuli kara, ma aha Isboortiga oo keliya majaal kasta ee laga hadlayo looma nisbeyn karo Reer gooni ah ayaa lagu og yahay in la yiraahdo, sidaa darteed, dhibka Isboortiga Soomaaliyeed ee maanta ka jira waxaan aaminsanahay in uu dhinaca ku hayo Qabiilka, sida caadada u noqotay Soomaalida, muddada dheer lagu soo dhex jiray Burburka dalka ayuu dhinac kaga jiraa, haddaba, waxba yaan leysku daalin arrintaa ayada ah, xalka wuxuu iska iman doonaa haddii Arinta Soomaaliya meel leysla dhigo.
Su'aasha aan ujeeddada sare ku soo xusay haddii aad eegto runtii waa arrin meesha ku jirta in leys weydiiyo, haddana annigu waxaan aaminsanahay in aan jawaabteeda la heli karin inta xalkii aan kor ku sheegay laga helo, laakiin waa lagama maarmaan qodobka ugu horeeyo ee aad ku soo xustay qoraalkan in waqtiga la helo ugu horeyntii, ka dibna halkaa laga sii aba qaado, tixgelinta ugu horeysana la siiyo Maamulkii hore ugu soo shaqeeya Horumarinta Isboortiga dalka xiligii dowladdii ugu dambeysay ee dalka Guddaha iyo Dibadda inta ku sugan ee Nool, kuwaasoo oo aan aaminsanahay in laga heli koro xog fara badan ee aanan jiilka cusb ee maanta aynan heli karin, iyadoo isla markaana wixii ayaga ka soo baxa lagu wareejiyo Kaadirka ayaga daba taagan markaas, ayagoo laga dhex xulan karo isla markaaba macalimiintii hore, ciyaartoydii hore.
Taageerayaashii hore iyo dhallinyarada Cusub ee iyaga fursad u helay ee haysta Shahaadooyin heer Jaamaceed ah ee dhinaca Isboortiga iyo cid kasta ee karti u leh howlaha Isboortiga, arrintaa ayada ahna laga unku Dibadda, ka dibna loo gudbiyo dalka Guddahiisa asagoo Qorsheysan oo Miisaaniyadooda wata, taasoo aan filayo in aanu ka heli karno dowlada dalalka aanu kuwada noolnahay haddii la helo dad ayaga howshaa diyaarin kara, khibradna u leh, taasoo aan filayo in haddii arrintaa aad ii soo xilsaartaan aan idin soo gudbin karo magacyada dadkaasi oo aan runtii ku kalsoonahay in ay dib aasaas dhab ah ugu sameyn kara Isboortiga Soomaaliyeed.
Waxaana filayaa arrinta in lagu koobin Ra'yi la soo dhiibto oo keliya, waa in dadka wax tarka ah leysku keenaa meel, ka dibna aan filayo in ay wax ay ka soo saari doonaan isku imaadkooda asaga ah haddii alle idmo.
Qodoba ah Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga, adduunka horumaray haddii aad eegto ma jiro wax la yiraahdo Wasaaradda isboortiga, isboortiga maanta adduunka wuxuu marayaa heer madaxbanaan, sidaa darteed, xukuumada waa in ay ka madxbanaanaataa Isboortiga Soomaaliyeed, haddoo la doonayo in horumar laga gaaro, taasoo aan filayo in ay la mid tahay Saxaafadda, laakiin waa lagama maarmaan xukuumada in qeyb kooban in ayku yeelato Isboortiga, sida dalka Hollanda ee ku noolahay waxaa jiro Xoghaye Joogto ah ee Isboortiga, kaasoo si toos ah u hoos yimaada Ra'iisal Wasaaraha xafiiskiisa, waxaa la mid ah Xoghaya joogtada ee Mediyaha (SAXAAFADDA).
Haddaba, filayaa in aan aad ugu dheeraaday fikirka ayada ah waxaan jeclahay in aan ku soo gabagabeeyo waa in leysku yeeraa dadkii isboortiga ka soo shaqeeyey si bilaw fiican loo sameeyo, anniguna waxaan diyaar u ahay in aan qeyb lebaax leh ka qaato haddii alle idmo, waxaana aan hayaa sawiro iyo qoraalo oo filayo in wax ka tiri doono howlahaa asagaah. Waxaan filayaa inaad sidaa ila garan doontaan, wixii kheyr ku jirana in uu eebe na waafajin doono.
WABILLAAHI TOWFIIQ
Written by:Mr. Abukar Abanur Mohamed
HOLLANDA
Tel. 0031-622771536
Dooda ah Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed?
Codkaada ka dhiibo bogga FORUMKA ee webside-ka kubadda.com. hadii kale guji inta
Click Here.