DALMAR IYO FADHI KU DIRIRKII SPORTIGA - QAYBTII 4-AAD
24 October 2007
Markii aan diyaaradda cagta saarnay oo aan badi goob u galay kursigii aan fariisan lahaa, ayaa waxaa nasiib wanaag isku kursi noqonay gabdhihii mid ka mid ah. Gabadhaasi run ahaantii waxaa ka muuqatay waddaninimo, daacadnimo, somalinimo, iyo sport jacayl. Akhristow yaan war kuugu daalininee gabadhii waxay ii sheegtay sheeko cajiib ah oo aan aad ula yaabay Dalmar ahaan. Sheekadii waxay u dhacday sidan: Aboowoow marka hore barasho wanaagsan, marka xiga waxaan kaa dareemayaa in aad tahay qof sportiga jecel, sida hadaladaada ay ka muuqdaan. Aniga qudhaydu sportiga waan jeclahay oo caruurtayda ayaa i jeclaysiiyey. Laakiin waxaan mar walba isweydiiyaa maxay somalidu ubadkooda horumar ay uga gaari waayeen sportiga, magacna ay ugu yeellan waayeen. Anigu waxaan aaminsannahay in 99.9% ay waalidku yihiin qaasatan aabayaasha. Sababta aan u leeyahayna waxay tahay, tusaale yar ayaan waxaan kaaga sheegayaa qiso aniga igu dhacday.
Haddii aan bilaabo hadda, aan sheeko ku dhamayn karayn. Walaalow aniga hadda waxaan ahay hooyo seddex wiil leh, caruurtaydu kubadda cagta iyo kubadda koleyga ayey ciyaaraan. Kooxaha ay ka tirsan yihiin aad ayaa looga jecel yahay oo farsamadooda ayaa aad u sareysa. Laakiin da`dii kowaad meel aan ku dhalay aabahood muusan ogayn. habeen walba wuxuu ii iman jiray waqti dambe. Anigoo waddankan reer galbeedka ku cusub luqaddooda aan garanayn ayaa habeen habeenada ka mid ah fool i qabatay, gabar somaliyeed oo aan deris ahayn ayaan telefoon u dirsaday halkii bay ambalaas iigu yeertay, mar alla markaan isbitaalka tegay ayaan waxaan dhalay wiil. Da`dii labaad isagoon ka warqabin ayaan dhalay. Akhristow gabadha ii sheekaynaysa waxaa indhaheeda ka muqday murugo, xanaaq, iyo tiiraanyo. Iyadoo sheekada ii wadda ayaa waxay tiri "Wallaahi waxaan ilaabeen habeenkii da`dii iigu dambaysay aan u dhallay ninkaasi, waa habeenkii aan dhiig bax ugu dhiman gaaray ambalaaska dhexdiisa, waa habeenkii aan miir beelay, waa habeenkii aan nin oo dhan ka sabray, waa habeenkii caruurtaydu ay gacanta u galeen gaallo. Akhristow gabadhii indhaheedii ayaa ilmo ku soo joogsatay, sheekadii tartartiib u liqday, aniga qudhaydu waa markii iigu horeysay oo aan ilmiiyo intii aan qof weyn noqday. Hadalka keliya oo aan iri wuxuu ahaa, waa iska xaal adduun. Markii ay xoogaa yara degtay ayaan waxaan weyddiiyey ma habeen ayuu shaqayn jiray, waxay tiri maya, ma gawaarida waaweyn ee yurub u kala gooshta ayuu waday, waxay tiri maya, oo halkuu ku maqnaa ayaan ku soo gabagabeeyey hadalkayga. Waxay tiri Habeenkiina wuu qayili jiray oo marfash ayuu waagu ugu baryi jiray, maalintii oo dhanna wuu jiifi jiray. Walaalow taasi waxaa iiga sii darnaa wuxuu ii dili jiray si arxan laàan ah, waa markii uu doonayo lacag uu ku iibsado qaadka. Ilaaheey ayaa iiga gargaaray waan ka xoroobay ninkaasi wuxuu doonaba ha ahaadee. Muslim ayaa Ilaaheey ii sahlay oo caruurtaydii iiga soo celiyey gaaladii. Maalintaa wixii ka dambeeyey aniga iyo caruurtayda kalama harno, hooyaday baan codsaday oo la ii keenay. Iyadaana ila xaneenaysa ilaa iyo hadda oo aan iyada uga soo tegay.
Caruurtayda waxaan geeyey naadi aan deris ahayn markay ciyaarayaan waan raacaa, markii ay tababar leeyihiin waan raacaa, markii ay dalxiis aadayaan waan raacaa. Caruurtayda waxaan u sheegaa in ay bartaan luqadda somaliga in ay bartaan qorista iyo akhriska. Waxay i weyddiiyaan hooyo maxaan ku falaynaa af-somali, waxaan u sheegaa in ay tahay luqaddooda hooyo, berritana haddii ay ku laabtaan waddankooda ay u ciyaari karaan waddankooda haddii ay sport tahay, ay u shaqayn karaan, dhisi karaan waddankooda. Marka walaalow waxaan la yaabay oo aan qurbaha ku arkay Hooyo iyo Aabo aan balwad lahayn oo wada jooga, haddana separate kala ah caruurtoodana ay dayacan yihiin. Waxaan kaa ilaabay islaan baa waxay iigu tiri war hadduu ninkaagu qayilo adiguna ka daba qayil ha is fuuqsatee. Qosol ayaan la dhacay Dalmarahaan. Halkii ayey sheekadii ka sii wadday. Marka waxaan dhihi lahaa sportiga waxaa hortaagan Waaladdiinta aan ku abaabin caruurtooda sportiga, waaladdiinta balwadda ka doortay caruurtooda, waaliddiinta ka doortay caruurtooda dhaqaalaha.
Marka waxaan jeclaan lahaa meel kasta oo aad tagto in aad u sheegto dardaaran gaaban dadka sportiga xiiseeya, waa haddii la doonayo in sportiga iyo ubadka Soomaaliyeed la hormariyo.
1. In dadka ku hawlan sportiga ay ka dhaadhiciyaan waaladdiinta wax tarka uu leeyahay sportiga.
2. In Hooyada iyo Aabaha, mar walba ka sheekaystaan sidii ubadkooda u hormarin lahaayeen.
3. In Waaladdiinta ay la jeclaadaan waxa ay ubadkooda jecel yihiin.
4. In Waaladdiinta ay kala fogaadaan Muqaaddaraadka Ubadkooda, sida qaadka oo kale.
5. In Waalidka uu kala fogaado Ubadkiis sheekada qabiilka iyo reer hebel ayaa sidaan ah.
6. In ay isku xirnaadaan maamulka sportiga ee waddanka gudihisa ka jira iyo midka qurbaha.
7. In qof walba aqoontiisa lagu tixgeliyo.
Akhristow markii ay sheekadii halkaa ay marayso ayaa diyaaraddi caga dhigatay, gabadhii teleefoonada ayaan kala qoranay waad mahadsan tahay iyo barasho wanaagsan ayaan ku kala tagnay.
DALMAR WUXUU KA DEGAY GAROONKA DIYAARADAHA EE DUBAI OO UU TRANSIT KU YAHAY, WUXUU KU SOCDAA DALKA INGIRIISKA OO AAD LOOGA XIISEEYO SPORTIGA SOOMAALIYEED EE QURBA JOOGTA AH.
Waa socotaa la soco qaybta kale…
Waxaa diyaariyey: Maaddeey Cali