TARTANKII KUBADDA CAGTA CANADA OO LA SOO GABA-GABEEYAY
22 October 2007
Tartankaas oo soo biloowday bishii September 15-keedii, ayaa ahaa tartan loogu tala galay bisha Ramadaanka, kaasoo sanadkaan si qaas ah loogu magac daray Allaha u naxariistee Aabihii Sportiga Soomaaliyeed Baaba Nuur Xuseen, ayna soo qaban qaabiyeen Ururka lagu magacaabo Today.
Tartankaas ayaa lagu qabtay garoonka lagu magacaabo Socer Center, ee wadanka Canada, magaaladiisa Toronto. Bilowga ciyaarahaan furitaankoodii ayay ka soo qayb galeen ilaa iyo 9-aal koxood, kuwaas oo kala ahaa Iftin, Albion, Waamo, Ciyalka xaafada, Maanta computer, Somali united, North star, Daljirka iyo Qodxaaley.
Hadaba maalintii sabtida, bishu ahayd 20/10/2007 ayaa waxaa ciyaartii kama danbaynta ahayd (Final-ka) iskaaga hor yimid Kooxaha Somaali United iyo kooxda Maanta Computer, oo runtii ahaa laba koox oo aad u xoogan. Qaasatan kooxda Somaali United ayaa wadatay ciyaartooy Soomaaliyeed oo ay ka wacdeen dalka Ingriiska oo lagu magacaabo Guuleed oo ah cayaartoy u ciyaara Qaranka Soomaaliyeed hadase degan wadanka Ingiriiska. Labadaan koox ayaa muujiyeen ciyaar aad u qurux badneyd, raalina gelisay daawadayaashii ka soo qaybgalay tartanka.
Kooxahan ayaa ahaa kuwo xaga farsamada iyo awoodaba iskaga mid ahaa, ayna adkeed in ay isku awood sheegtaan marba koox ayaa la weera-rayay kooxda kalena way ku soo weerar celinaysay. Waqtigii loogu tala galay in ay ciyaarta ku dhamaato, waxay labada kooxba isla dhaafi waayeen 2 iyo 2, kadib waxay ka fursan wayday in lagu daro toban daqiiqo oo siyaado ah, iyadiina waxba way iska dhalin waayeen. Waxaa lama huraan noqotay, in la tuuro rigoorayal.
SOMALI UNITED Team
Kooxdii Soomaali United ayay u suurto gashay in ay dhaliyaan 6 (lix) rigoore, halka kooxda Maanta Computer, ka dhalisay 5 (shan) rigoore,waxaana halkaa ku adkaatay kooxdii Somali United, oo noqotay Championship-kii Tartanka Ramadaanka Canada.
Ciyaartaas ayaa daawadashadeeda ay ka soo qayb galeen maamul iyo ciyaartooy-dii hore ee magaca wayn ku lahaa ciyaaraha dalkeena sida Gudoomiyaha ururka today, waxaa kaloo ka mid ahaa Macalin Muse, Nuur Itoob, Maxamed Xaaji Uurey, Turunbo, Yuusuf Shaqaaq, Saciid Qorsheel, Cali Qulub, Cabdi Samad, Cali Mudeey, Cabdi Aadan, Muqtaar Cuti, Axmadey Banaaye, Faarax Odey, iyo marti sharaf kale oo badan, oo aannan halkaan ku soo koobi karin.
Maamulka tartanka Today, ayaa damacsan in ay qabtaan xaflad xiritaanka tartanka, oo ay damacsan yihiin in ay abaalmarino ku dhiibaan, iyo shaqsiyaadkii aadka uga caawiyay intuu tartanka socday, kulankaasna waxaan jecelnahay in aan dib idinkala soo socodsiino akhristayaasheena qiimaha lahoow.
Written by: Daa’uud Ahmed Dheere