Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

TARTANKII RAMADAANKA KUBADDA KOLAYGA OO LA SOO GABA GABEEYAY

20 October 2007

Naadiga Dowladda Hoose (Muqdisho), oo loo awoodsheegtay.

Muqdisho Team

Waxaa maalinimadii shalay oo Jimco ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 19/10/2007 lagu soo gabagabeeyay garoonka Ex-Luujino ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, tartankii Ramadaanka ee wiilasha kubadda kolleyga ee Dalka Soomaaliya.

Tartankaas oo soo bilowdey 28/09/2007 waxaa ka qeyb galay sideed kooxood oo kala ahaa D/Hoose, Heegan, Feero, SH.Cali Dayaar, Shacab, Qaran, Shamis iyo Musbaax. Waxaa ciyaartii kama dambeysta ahayd isugu soo harey kooxaha kubadda kolayga D/Hoose iyo Heegan.

Kulankaas oo ahaa kulankii ugu adkaa uguna xiisaha badnaa ee ka dhaca garoonkaas tan iyo intii uu socdey tartanka maadaama ay labada kooxoodba ay u ciyaaraan ciyaartooy magac iyo sumcadba ku leh ciyaarta kubadda kolayga dalkeena.

Daawashada ciyaartaas waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha xiriirka kubadda kolleyga Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed Xaaji Coloow, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed Xaaji Cabdi Cilmi, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta Siciid Max'ud Nuur (Mugaanbe), Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Laliska Prof: Cadow, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Mudane Ibraahim Aadan Roombe, Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Cali Amiin, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka soomaaliyeed ee Shatarinjiga Mudane Xasan Max'ed Xuseen (Baa Xasan), Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir xaga Arimaha Bulshada Max'ed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) iyo xubno ka tirsan Xiriirka kubada Cagta oo kala ah Abuukar Isloow,Yuusuf Gacal (Gaabshe) iyo Laacibadii hore ee heer Qaran Mulki Nuur Muudeey iyo Guddomiye ku xigeenka Olymbikada Gobolka Banaadir Xaaji Max'ed Zubeyr Jeelle, Guddomiye ku xigeenka Olymbikada gobolka Banaadir Xaaji Xuseen Geedi Afrax iyo Gudoomiyihii hore ee Naadiga Dowlada Hoose Mudane C/qaadir Aweys (Bacafuunka) iyo marti sharaf aad u tiro badan oo aan halkaan ku soo wada xusi karin.

Ciyaartaas oo ahayd mid aad la isugu jilbo murxey ayaan dhihi karnaa labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar ay aad u jecleysteen dhamaan ka qeyb galayaashii u soo daawasho tagey Ciyaartaas.

Kooxda Heegan Ciyaartoyda ugu cad cadeyd ee dadaalka muujiyay waxaan ka xusi karnaa Mustaf C/casiis Max'ed oo sitay No-ka 4-aad, C/laahi Axmed Xasan No-ka 8-aad, Daadir Max'ed Idiris No-ka 10-aad, Dhanka D/Hoose waxaa iyagana Ciyaar wanaag ka muujiyay Yaxye C/laahi Max'ed (Bandaliif) oo u sitay No-ka 6-aad, oo ka soo jeeda qoys Isboorti iyadoo ay iska dhaleen Ciyaaryahandii Xulka qaranka iyo naadigii Badda C/lahi Max'ed Bandaliif iyo Batuulo xaaji Nuur, iyo Ciyaaryahanka lagu magacaabo Boos oo watay No-ka 15aad.

Gari laba qof kama wada qoslisa’e ciyaartii waxay guushii ku raacdey wiilasha kubadda koleyga naadiga Heegan, oo keenay iskoor dhan 57 dhibcood, halka wiilasha naadiga D/Hoose, ay keeneen iskoor dhan 51 dhibcood. Sidaas darteed waxaa koobkii loogu talo galey Bisha barakeysan ee Ramadaan ku guuleystay wiilasha Kubadda Koleyga kooxda Heegan.

Heegan Team

Dhawaan waxa la qaban doonaa xaflad aad u balaaran oo kooxda Heegan, lagu gudoonsiin doono koobka. Qaabka iyo nidaamka ay u dhacdo xafladaas iyo sawirada kooxda badisay iyo sawiro kalaba, dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haduu Eebe idmo.

Mahad Axmed Tagoow
Xaruunta Muqdisho
Tel + 2521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football