DALMAR IYO FADHI KU DIRIRKII SPORTIGA - QAYBTII LABAAD
18 October 2007
Ilaah ayaa naga badbaadiyey bamkii shalay ka dhacay fadhi ku dirirkii sport ee aan ka qayb qaatay. Akhristow magaalada Muqdisho aad ayaa loo xiiseeya sportiga qaasatan kubadda cagta. Waxaan aad u jeclaaday fadhi ku dirirkii aan dhagaysigiisii ka qayb galay. Aniga Dalmar ahaan wareegaygu wuu badan yahay, dadka sportiga xiiseeya aad bay ii jecel yihiin. Waxaan dhawr fariimood ka helay jaalliyado soomaaliyeed oo badan, si aan ula kulmo, Sababta ay ii casuumayaan waxay iigu yiraahdeen,
waxaanu jeclaanay sheekadaada, waaya aragnimadaada iyo sport jacaylkaaga.
Akhristow waxaan aad u xiiseynayey in aan mar labaad ka qayb galo fadhi ku dirirkii sport. Maalintii labaad intaan tegin goobtii fadhi ku dirirka, ayaa waxaa aad loogu buuqsanaa xafiis laygu yiri waxaa lahaa webside-yada sportiga mid ka mid ah. Waxaan kaloo dadka ka maqlayey jaalliyadaha somaaliyeed ee sportiga qaar ka mid ah ayaa lacag u soo diray ciyaartoydii hore ee heerka qaran gaaray ee dhibaatadu hayso. Run ahaantii aad baan ugu farxay waana u duceeyey. Laakiin waxaan niyadda iska iri Dalmarow kala fogaa qolada dhacday lacagtii magaca sportiga lagu soo qaaday iyo groupkan taageeraya ciyaartoyda tabaalaysan. Waxaan kaloo niyadda ka iri ma habaari karnee Ilaahayow soo hanuuni.
Waxaan tegay goobtii fadhi ku dirirka sportiga, waxaa aad looga sheekaynayey bamkii shalay dhacay iyo ciddii ka dambaysay. Nin ka mid ah goobjoogayaasha meesha ayaa wuxuu yiri waa la yaqaanaa cidda ka dambaysa, laakiin anaga nama qusayso haddii aanu bahda sportiga nahay.
Aniga oo is qarinaya, jecelna dooddii shalay in ay halkeedii ka socoto, ayaan waxaan iri, nimanyahow shalay dooddu meel fiican ayey inoo maraysay, marka aniga waxaan dhihi lahaa hal su'aal oo ah: yaa hor taagan horumarinta sportiga somaliyeed?
GROUPKA KOWAAD: Aniga aan ku hormaro jawaabta, Run ahaantii way iska caddahay cidda hor taagan horumarinta sportiga oo Amiin Caamir ayaa sawiradiisa ku sheegay. Waa cidda kubadda mindida ku duleelinaysa. Sportigan waa la yaqaanaa cidda hantidooda ku qasaariyey, cidda maydadka garoomada ka aruuriyey, ciddii gacmahooda ku dhisay garoomada lagu ciyaaro.
GROUPKA LABAAD: War niman yahow haddii laga hadlayo horumar sport, qof walba wuxuu hal hays ka dhigtay anigaa maydadka garoomada ka aruuriyey, war haddaad mayd aruurisay Ilaaheey ajar iyo xasanaat ha kaa siiyo. Midda xigta sportigan horumarkiisa waxay ku xiran tahay in loo helo maamul fiican oo tayo leh. In la helo ciyaartoy badan oo da' walba leh oo laga soo kala xulayo dhammaan gobolada dalka. Waad la socotaan haddii taariikhda dib loo eego ciyaaertoydii qaranka ku jiri jiray dhamaatood waxay ka kala yimaaddeen gobolada kala duwan ee dalka ka kooban yahay. Marka waa in la sameeyaa ciyaaraha gobolada, midka dugsiyada, degmooyinka iyo jaamacadaha. Marka haddaad hesho tiro badan waxaad helaysaa tayo badan.
GROUPKA KOWAAD: Allaahu akbar, ciyaartoyda gobolka Banaadir yaa ka tiro badan, yaa se ka tayo badan. Maanta ma ii sheegi kartaa hal gobol oo tartanka ciyaaraha soonka isu keeni kara 150 kooxood iyo in ka badan, 5000 ciyaartoy iyo in ka badan. War ninyahow yaan lagula yaabin, ciyaartoy heer qaran meteli kara ee ka imanaya gobol ma jiree wax kale ma inoo haysaa.
GROUPKA SEDDEXAAD: War niman yahow shalay iyo maanta labadaba dooddu waan dhagaysanyey. Labadiina group-ba hadaladiina haddii fiiriyey run baad ku wada hadlaysaan, haddana meel ayaad isku diiddan tihiin. Midda kale su'aasha meesha taalla ayaa waxay tahay su'aashii ninkan odaga ah ee uu soo jeediyey ee ahayd YAA HOR TAAGAN HORUMARINTA SPORTIGA SOOMAALIYEED. Aniga waxaan dhihi lahaa waxaa hortaagan dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: 1. Aqoon la'aan. 2.In danta guud laga hormariyo midda gaarka ah. 3. Nin jeclaysi. 4. Qabiil. 5. Waayo aragnimo la'aan. 6. Xaasidnimo. 7. iyo Annaa iri waryaa.
NIN ODAY AH OO AAN GROUPNA KA TIRSANAYN: Ayaa wuxuu yiri: Dhammaantiin waan idinka wada weynahay, dooddanna in aan soo dhex gallo ma doonayn, laakiin waxaan u soo galay hadalkii ninkan dambe uu yiri ee toddobada qodob u kala saaray waxa hor taagan sportiiga Somaliya. Aqoon la'aan waa iftiin la'aan horaa loo yiri. Waxaan goob joog ahaa wasaaraddii sportiga ee xilligii dawladdi Siyaad Barre Alle ha u naxriistee, Jaamadda carabta ayaa warqad marti qaad ah u soo dirtay wasaaradda shaqada iyo sportiga somaliya oo ahayd tartan ciyaarta kubadda gacanta ahayd, afka carabigana loo yaqaaano KURATUL YADD. Ninkii warqadda ku soo dhacday ayaa wuxuu diyaariyey koox kubadda Laliska ama Volley Ball ahayd. Markii waddankii carabta la tegay ayaa waaggii ku baryey kooxdii somaaliyeed oo wadata koox kubadda laliska ahayd, haddee ceeb ayaa naga raacday halkaasi. Dadkii waagaas aqoontooda halkaasi taagnayd ayaa waxay keeneen dad kaloo ka sii aqoon liita, Marka aniga aflagaaddo ha igu ahaatee arrimahaasi ayaa hor taagan sportiga Soomaaliyeed.
Saaxiibo yaal, weli waxaan ka dhamaan la'ahay magaalada Muqdisho, laakiin inshaa Allaah maalinta jimacaha ayaan ka soo duuli doonaa, garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Akhristow waa tii aan idiin sheegay soonkii bartamihiisii in aan booqosho ugu tegay Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed.
Marka waxaan jeclaystay in aan soo macsallaameeyo, soona eego halka tababarkooda uu maraayo. Wallaahi magaca Illaah baan ku dhaartay, maalintii iigu dambaysay iyo maanta aad bay u kala duwannaayeen, sababtoo ah waxay u ekaayeen koox qaran meteli karta, qalabkooda tababarka uu u dhan yahay. Taageerayaal fara badan ayaa daawanayey tababarka xulka qaranka, sidoo kale madax fara badan ayaa daawanaysay.
Waxaase yaab lahaa, warar cusub oo la isla dhex maraayey, oo ahaa in ciyaartoyda xulka Qaranka metalaya haddii ay badiyaan ciyaartooda koowaad ee bisha November, in la siin doono 1000 (kun) Doollar ciyaartoy walba. Ballan qaadkaasi wuxuu ka yimid XSKC, xiriirka oo mar walba lagu eedeeyo lacag la lunsaday iyo waxqabad la'aan ciyaartoyda ah ayaa ku dhaqaaqay talaabo wanagsan oo balanqaad fiican ah, laakiin la arki doonee haddii uu xulka Qranka Soomaliyeed uu guulaysto ciyaartaas.
Nin ka mid ah daawadayaashii tababarkii xulka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa wuxuu ii sheegay in guddiga uu ka kooban yahay Xiriirka Soomaliyeed K/cagta, ayna yihiin dhalinyaro waaya arag nimadoodu yartahay. Laakiin dadaalkoodu aad u sareeyo, jecelna in ay horumar wanaagsan gaarsiiyaan ciyaarta kubadda cagta.
Dooda ah in ay Xulka Qaranka Soomaliyeed badin doonaan ciyaaraha ku soo foodleh iyo in kale, codkaada ka dhiibo bogga FORUMKA ee webside-ka kubadda.com. hadii kale guji inta
Click Here.
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan kubadda.com
Waxaa diyaariyey: Maaddey Cali