CIYAARTOOYDA XULKA QARANKA SOOMAALIYEED OO LA MAGACAABEY
17 October 2007
Waxaa dhawaan la magacaabey
Xulka qaranka soomaaliya ee kubadda Cagta, uga qeyb galaya is reeb reebka koobka
aduunka 2010-ka ee lagu qaban doono dalka koonfur afrika.
Xulka la magacaabey
ayaa ka kooban ilaa 23 ciyaartooy oo laga soo xuley kooxaha heerka koowaad ee ka
dhisan dalka soomaaliya waxayna magacyadoodu kala yihiin sida tan:
01.Yaasiin Cali Cigaal
(Jareere)
02.Max’ed Nuur Cabdi
(Shaarkey)
03.Ibraahim Axmed
Max’ed (Jamataar)
04.Saciid Jilicow
Max’ed
05.C/Casiis Max’ed
Cali
(Hoomey)
06.Qaasim Ibraahim
Xuseen (Baaruud)
07.Badri Macalin Axmed
08.C/raxmaan Max’ed
Maleele
09.Khaalid Cali Mursal
10.Anwar saadaat Ibraahim
11.Muxiyadiin Axmed
Max’ed
12.C/qaadir Cumar
Ibraahim (guduudow)
13.C/laahi Yuusuf
Cismaan
14.Max’ed Cabdi Caseyr
15.C/waaxid Max’ed
Mahad
16.C/raxmaan Cismaaciil
Cismaan
17.Kamaal
Cali
Cumar
18.C/qaadir Sheekh
Cismaan (Bakiyaa)
19.Farxaan Cismaan
C/laahi
20.Guuleed Axmed Weheliye
21.C/fataax Cabdi
Cismaan
22.Yaxye Cumar Gurxan
23.Cismaan Yuusuf
Cismaan.
Waxaana macalimiin
u ah Xuseen Cali Coonka, Cali Max’ed Absuge iyo Max’ed C/lle Farayare Team Managers,
Sh. Saalax Faarax Muxiyadiin, Nuur Cumar Max’ed iyo Xasan Faarax Axmed.
 |
|
SOMALI NATIONAL Team
|
Ciyaartooyda Xulka
qaranka Soomaaliya, ayaa ku xareysan xarunta naadiga Elman, waxaana lagu wadaa in
ay la ciyaari doonaan, Xulka qaranka Jabuuti, magaalada D’jabuuti dhamaadka bishan
November.
Haddaba si aan warbixin
dheeraad ah oo ku saabsan Xulka qaranka Soomaaliya u helno waxaa ii suuro gashay
in aan booqasho ku tago xarunta Elman oo ay ku xareysan yihiin Ciyaartotydan Xulka
loo soo xulay. Intii aan xarunta joogay ayaa waxaa ii suuro gashay in aan wareysi
gaaban la yeesho Macalinka Xulka qaranka
Xuseen Cali, oo ku magac dheer (Coonka), kaasoo aan weydiiyay dhowr su’aalood:
Mahad: Macalin, Ma ii sheegi kartaa, goorta
aad biloowdeen diyaarinta ciyaartooydaan xulka Qaranka, ee ku xaraysan xaruuntan
Elman?
Macalin, Coonka:
Xulka qaranka waxaa si rasmi ah loo xareeyay maalintii Isniinta bishu
ahayd 15/10/2007. Waxaana lagu xareeyay
xaruunta Naadiga Elman, ee magaalada Muqdisho, si ay isu fahmaan ciyaartooyda, una
qaataan tababar joogto ah, maadaama ay ka qeyb galayaan, is reeb reebka koobka Aduunka.
Mahad: Ciyaartoydan aad u soo xusheen,
in ay matalaan xulka Qaranka Soomaaliyeed, si qaabkee ah ayaad ku soo xusheen?
Macalin, Coonka:
Ciyaartoyda Xulka qaranka waxaan ka soo dhex xulney dhamaan kooxaha heerarka
1aad iyo labaad ee ka dhisan dalka, anagoo ahmiyada siinay qaabka ay u kala wanaagsan
yihiin ciyaartoy ahaan iyo jir ahaan intaba.
Mahad: Yaa idinka caawinaya kharashka
ku baxaya maamulka iyo sahayda ciyaartooyda?
Macalin, Coonka:
Dhinaca kharashka ku baxaya maamulka iyo ciyaartooyda Qaranka waxaa gacan naga
siin doono, Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Inkastoo aan suaalaha
sii badin karin, waqtiga oo ku yaraa aawgii, maadaama ay ahayd waqti ay ku jireen
tababar ayaan waxaa kaloo ii suuro gashay in aan isna wax waydiiyo kabtanka Xulka
Qaranka C/qaadir Cumar Ibraahim oo lagu magacaabo (Guduudow).
Mahad: Kabtan Guduudow, tababarka aad
hadda qaadataan muxuu kaga duwan yahay tababarka caadiga ah, ee naadigaaga?
Kabtan Guduudow: Tababarkan waxaan si
joogta ah u samaynaa subax iyo galab iyadoo ay casharada na siiyaan Macalimiin waayo
aragnimo dheeraad u leh ciyaarta kubadda cagta.
Mahad: Maxaadse sanadkan ka rajeynaysaa
kulanka isreeb reebka koobka Aduunka ee aad la yeelan doontaan xulka Jabuuti?
Kabtan Guduudow:
Rajadeenu ma xumo, aad iyo aad ayaan ugu rajo weynahay in aan ka badin doono
xulka Jabuuti, maadaama xulka Qaranka
sanadkan ay ku jiraan ciyaartooy mustaqbal fiican ku leh kubadda cagta.
Ugu danbeyntii macalinka
xulka Qaranka Soomaaliyeed Macalin Xuseen Cali Coonka, ayaa wuxuu u mahad celiyay
madaxda iyo mas’uuliyiinta website-ka kubadda.com
sida ay ugu heelan yihiin dadaalka isboortiga dalka.
Hadaba xulka qaranka
soomaaliya oo sanidihii ugu danbeeyay aan guulo wax ku ool ah ka keenin tartamada
dibada, ayaan la saadaalin karin natiijada ay kala kulmi doonaan ciyaarta ay la
yeelan doonaan xulka Qaranka Jabuuti dhawaan. Waxaana jecelnahay in aan si toos
ah idinkugu soo gudbin doono tabaabushaha safarkooda iyo wixii ay kala kulmaan ciyaartaas.
Dooda ah in ay Xulka Qaranka Soomaliyeed badin doonaan ciyaaraha ku soo foodleh iyo in kale, codkaada ka dhiibo bogga FORUMKA ee webside-ka kubadda.com. hadii kale guji inta
Click Here.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Xaruunta: Muqdisho
|