Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

Kobe Bryant, oo laga yaabo in uu ka tago Lakers

Written by: M Sheikh; 14 October 2007


Kobe Bryant, in kasta uu 29 jir, yahay, hadana waxaa lagu tiriyaa ciyaartooyda weli ugu magaca wayn ee ka dhex muuqda NBA-da. Waxaa soo shaac baxaya hadalo aan farxad gelinaynin taageerayaasha kooxda Lakers, kuwaasoo sheegaya in laacibka wayn ee Kobe Bryant, asaga iyo milkiilaha kooxdiisa ayna isku faraxsanayn, una badan tahay, in uu ka tago kooxda dhawaan.

Xiddiga Kobe Bryant, wuxuu hada ka hor qaaday laba mar ciyaartooyga ugu gool dhaliska badan champion-ka NBA-da, intuu la joogay kooxdaan waxay qaadeen koobka champion-ka seddax mar, waxayna kaalinta kama danbaynta ah (final-ka) yimaadeen Afar mar shan sano gudaheed. Inakasta oo ayna waxba ku guulaysan siduu uga tagay Shaquille O’Neal, oo asna sidaan oo kale ay is fahmi waayeen milkiilaha kooxda Dr. Jerry Buss, oo ay gadatay kooxda Miami Heat, sanadka markuu ahaa July 2004-kii. Shaquille O’Neal, intuu tagay Miami Heat, wuxuu ka caawiyay kooxdiisa cusub in ay ku guulaystaan title-ka NBA-da sanadkii 2006-kii.

Qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda Lakers ayaa aad ugu kalsoon in Dr. Jerry Buss markasta uu ka fikiro danaha kooxda, marna uu raali ka ahayn wax dib u dhac u keenaayo kooxda.

“Aniga waxba kama maqlin maamulka afkooda” ayaa waxaa yiri Lamar Odom, oo ah mid ka mid ah ciyaartooyda Lakers, mar la waydiiyay in uu wax ka ogyahay arintaan, “Anagu waxaan nahay ciyaartooy, waad ogtahay, qofna waxba nooma sheegato, goob joogna ma’ahayn markii ay wada hadlaayeen ama uu milkiiluhu ka hadlaayay, balse mooraal ahaan waxbay noo dhimaysaa koox ahaan.”

Mid kale oo Forward-ka kooxda ah, oo la yiraah Ronny Turiaf, ayaa asna cadeeyay in ay dib u dhac u keenayso kooxda, waxa dhagahiisa ku soo dhacaayo “Anagu kubaddaan kolayga uun baan dheelnaa. Wax aan ka dhihi karana ma jirto, waxay arin dhex taalaa Kobe iyo maamulka,” ayuu yiri.

Kobe Bryant, waxaa ka haray afar sano hishiiskii uu kooxda la galay in uu la joogaayo kaasoo lagu qiimeeyay $88.6 million doolar. Hishiiskaas oo uu hada ka hor u saxiixay in uu kooxda la joogi doono mudo dhan todobo sano isla maalintii hada ka hor uu kooxda ka tagaayay Shaquille O’Neal. Waxaa loo ogol yahay in uu jebiyo heshiiska marka ay ka harsan tahay labo sano, balse wuxuu ka tagayaa lacag dhan $47.8 million doolar.

Dhamaadka championkii la soo dhaafay ayuu Kobe, muujiyay in uu jecel yahy in uu ka tago kooxda. Intii lagu jiray safarada isu diyaarint horiyaalka soo socdo ayuu milkiilaha kooxda uga daba yimid Barcelona kooxda si uu weji ka weji ula hadlo Kobe Bryant oo beryahanba madaxa hoos u laad laadinayey, waxayna ku qaadatay in ay shir ay albaabada u xiran yihiin galaan.

Dr. Buss, wuxuu si taxadar leh u dhagaystay hadalkiisii Kobe mudo 45 minutes ah, markuuse wax ka bedeli waayay go’ankiisii ayuu ku yiri “waxaad ogaataa sida xad dhaafka leh ee ay kuu jecel yihiin reer Los Angeles, ma ahan wax fudud in aad 10 million taageerayaal ah oo naftooda kaa jecel in aad adoo arkaayo dhabarka soo xijisid. Markaan hadalkii dhamaystay ayuu igu yiri anigaba sidoo kale ayan dareemayaa. Waxaana ku iri dhib ma lahan, waxaan fiirinayaa waxaan ka qaban karo arintaan.”

Macalinka kooxda Phil Jackson, ayaa isna ku yiri Kobe, “hadii ay noqoto in aad nala joogto waa in aad si qalbi furan nagula joogtaa. Oo aan laba labo lahayn, hadii kale waxba waqti ha iska lumin.”

Milkiile Dr Buss, ayaa laga haayaa “hadii ay noqoto in aan fasaxno Kobe, waa in aan heli karnaa bedelkiisa, anoo og in ay aad u adag tahay in qof bedelkiisa ah la helo, hadii la heli lahaayna hada ma rabaan ciyaartooydaas in ay ka soo tagaan kooxihii ay la joogeen.” Wuxuu raaciyay hadalkiisii “in rabitaanka hamiga laba qofood in meel layskugu keeno, aad ayay u adag tahay, waa in aan fiiriyaa wixii u dan ah business-keena, waana hubaa in uu asna sidoo kale dantiisa wixii u roon uu ka hormarinaayo wax kasta.”

Dr. Jerry Buss, wuxuuna cadeeyay Arbacadii la soo dhaafay ay bishu ahayd 10/10/07, in uu dhagaysanaayo hadii ay u timaado koox rabto in ay gadato, qiimaha uu asaga rabo in uu ku gado. Wuxuuna warkaasi ku qoray jaraaidyada Los Angeles Times, the Orange County Register iyo Riverside Press-Enterprise.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football