Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

DALMAR IYO FADHI KU DIRIRKII SPORTIGA

Waxaa diyaariyey: Maaddeey Ali; 13 October 2007


Dalmar oo ku sugan weli magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka qayb galay sheeko fadhi ku dirir ahayd ee ka dhacday goob ay isugu yimaadaan rug caddaa sport. Dalmar oo ka sheekaynaya fadhi ku dirirka waxa uu kala kulmay wuxuu yiri:

Waxaan aad ula yaabay dooddan sida ay u dhacaysay iyo sida wanaagsan ee la isu dhagaysanyey. Taasi waxaa iiga sii daran aqoon fara badan oo sport oo aan horey u haysan ayaan ka faa'idaystay Dalmar ahaan. Dooddan oo aad loogu falan qaynayey horumarka sportiga iyo cidda hor taagan in uu hor maro sportiga somaliya. Dadka meesha joogay oo aad u fara badnaa, runtiina isu taageerayey group group ayaa waxay u dhacday doodda sidan:

Groupka kowaad: War niman yahow adduunkan yaab ayaa la arkay, sportigan siyaasad ma aha, waa hiwaayad. Marka haddii uu hiwaayad yahay maxaa soo dhex geliyey wasiir sport. Wasiirku sow dawladda kama tirsana, dawladda sow siyaasad shaqo kuma laha. Xiriirarada sportiga iyo olombikada sow ma madax banaana. Yaab anagaa aragnay qofkii aan is lahayn waa sport, jago fiican ayaa loo dhiibay, allaylahee maanta ayuu sportiga horumar gaarayaa. Taasi waxay dhashay islaantii tiri Ilaahayow wiilkayga ii hadashii, haddana tiri Illaahow iga aamusii. Hal mar ayey wada qosleen taageerayaashii Groupka kowaad. Taasina ma aha wax loo dul qaadan karo.

Groupka Labaad: Wagareey waa la yaab marka hore waxaa wanaagsan in loo hadlo si cilmiyeysan, dooddana aysan naga fara baxsan. Waddankan dawlad ayaa ka jirta, dawladda dastuur iyo xeer ayey leedahay, waxay kaloo dawladda leedahay hay'ado kala duwan. Sportigana hay'adahaasi ayuu ka mid yahay. Marka haddii aysan kala dambayn jirin wax hagaagayaa ma jiraan. Marka waddankan wasaarad sport way jiri jirtay, 21kii sanno ee kacaanka iyo wixii ka horeeyayna xiriirada iyo olmbikada maanta sheeganaya xor baannu nahay wasaaraddaasi ayaa laga xukumi jiray. Wassaaradda sportiga waxay xukumi jirtay 18ka gobol ee uu dalka ka dhisnaa, iyadaa qalabayn jirtay, iyadaa agaasimi jirtay tartankii ciyaaraha gobolada. Iyadaa xuli jirtay xulkii qaranka ee xiriirada kala duwan, wax walba oo sportiga ku saabsanna wasaaraddaasi ayaa looga dambayn jiray. Maanta oo dawlad jirtana, waxay ku dhaqmaysaa, xeerkii dawladdii hore ee 90kii wixii ka horeeyey ay ku dhaqmi jirtay. Dadka maanta sheeganaya in ay ka xoreebeen wasaaradda sportiga, sow ma aha agaasimayaashii wasaaradda sportiga, guddoomayayaashii qabanqaabada ciyaaraha, maamulayaashii sportiga ee mar walba u hogaansannaa awaamiirta wasaaradda sportiga. Hal mar ayey ku wada dhawaaqeen waa sax, waa sax, taageerayaashii groupka labaad.

Groupka kowaad: Aqoon la'aan waa iftiin la'aan. Xukunkii hore haddii la yiraahdo ha la raaco waa la lumayaa. Maxaa yeelay dheh, wuxuu ahaa xukun milateri, wax walbana waxay ahaayeen anigaa iri, ee ha la qaato amarka.

Maanta waad la socotaan adduunka xeerarkiisa, xiriir walba isagaa u madax banaan maamulkiisa, doorashadiisa iyo aagaasinkiisa. Guddiga olombikadana waa sidaa iyo si la mid ah. Somaliya waxay xubin ka tahay xiriirada adduunka iyo midka olombikada labadaba. Xeerkeeda iyo nidaamkeeda wuxuu ku salysan yahay midka adduunka.

Midda kale sidaan horey u sheegayba sportiga wuu ka madax bannaan yahay siyaasad, qabiil, gobolaysi iyo danaysi shaqsiyad ama koox. Marka aniga waxaan dhihi lahaa sportiga iyo xiriiradiisa wuu madax banaan yahay ee faraha ha kala baxdo dadkan sheeganaya dawladda ee siyaasadda ku mashquulsan, waa runtiisa, waa runtiisa ayey hal mar ku wada dhawaaqeen taageerayaasha groupka kowaad.

Groupka labaad: Haddii sheekadu tahay ha layska hadlo iyo wixii aan doono aan iska sheego waa gooni. Haddii aan hadalkaaga kuu raaco waxaad tiri sportiga ma aha siyaasad, ma aha qabiil, ma aha gobolaysi, ma aha danaysi shaqsiyadeed ama koox. haddii uusan gobolaysi ahayn, maxaa ku koobay sportiga maamulkiisa hal gobol, haddii uusan ahayn danaysi shaqsiaydeed, maxaa maalin walba la isu haystaa oo loo leeyahay hebel lacag buu dhacay, hebelkii ka dambeeyeyna lacag kaluu dhacay, kuwanna wey u tafa xaydanayaan.

Marka yaa caddaalad ah oo dhexdhexaadinaya, yaa ka dhicinaya hantidan oo umadda somaliyeed ee ka wada dhaxaysa oo gobolada dalka wad leh. Yaa u doodaya caruurta iyo dhalinyarada ee ku kala nool gobolada, degmooyinka, iyo tuulooyinka. Ma waxaad is leedahay kuwa maanta ku doodaya maxay hay'adaha samafalka ay garoomo ugu dhisayaan caruurta ku nool tuulooyinka iyo degmooyinka, miyeysan caruurtan ama dhalinyaradan xaq ku lahayn waddanka, haddii lacagtii loogu tala galay gobolada iyo degmooyinka ay jeebka ku shubanayaan shaqsiyaad sheeganaya horumar sport, haddana ay leeyihiin cid na soo fara gashan karta ma jirto.

Marka waxaa su'aal mudan miyeysan xaq u lahayn hay'addii shaqada ku lahayd sportiga in ay faraha la soo gasho, khaladka ay saxdo, turxaan bixin ay samayso. Marka niman yahow gar allee taqaanaa'e, nimankan dhinacna sharci ayaan ku taagannahay leh oo wassarad sport faraha nalama soo geli karto iyo goboladii, degmooyinkii iyo tuulooyinkii wax la inoogu soo dhiibay wax aan siinayno ma jiraan, Marka arrintu sow noqon mayso ninkii yiri: QAALA LAAHU TACALLAA IYO QULLAAN WAA FAS MEEL MA WADA GALLAAN EE QAALLIYOW KALA SAAR.

Hal mar ayey wada qosleen taageerayaashii groupka labaad. Iyadoo halkaasi doodda maraysa ayaa meel aan ka fogayn goobtii doodda ka socotay bam xooggan ka dhacay, ka dibna halkaasi lagu kala yaacay.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football