Tartnka Ramadaanka ee wiilasha Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya
Written by: Mahad Ahmed Tagoow; 13 October 2007
Tartan kubadda kolayga ah, oo lagu maamuusayay bisha barakeysan ee Ramadaan, ayna ka qeyb galayeen kooxaha wiilasha kubadda kolayga qaarkood ee ka dhisan dalkeena Soomaliya ayaa si habsami leh uga soconaya garoonka kubadda kolayga Ex Luujino ee magaalada Muqdisho, Degmoda C/casiis.
Tartankaas oo soo bilowday 28/09/2007, ayaa waxaa ka so qeyb galay siddeed kooxood oo loo kala saaray labo group:
| Group A: |
Dugsiga Sheekh Cali Diyaar, Feero, Heegan iyo
Naadiga Dowlada Hoose ee Muqdisho (Minishiibiyo)
|
| Group B: |
Qaran, Shacab, Musbaax iyo Shamis
|
Tartankaas oo ahaa mid aad u madaddaaliyay shacabka reer muqdisho, ee jecel ciyaaraha bishii Ramadaan, ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen xiriirka soomaaliyeed ee kubadda koleyga,
Ciyaartii semifinalka, oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah madaxda iyo maamulka sare ee xiriirka soomaaliyeed ee kubadda koleyga, ayaa waxay ku bogaadiyeen ciyaartooyda kooxahaas, in ay muujiyaan ciyaar nadiif ah oo farsamo wadato.
Ciyaartii semifinalka oo runtii ahayd mid aad u farxad gelisay daawadayaashii tirade badnaa ee halkaas isugu yimid ayaa waxaa fooda isku daray qaar ka mid ah kuwa ugu xooga roon kooxaha maanta ka dhisan dalkeena. Waxayna natiijadoodu noqotey sidaan:
SHACAB Vs D/HOOSE 42 - 78
HEEGAN Vs QARAN
69 - 44
Ciyaarta kama danbaynta ah (final-ka), ayaa waxaa isugu soo harey labada kooxood ee kala ah kooxda kubadda koleyga ee D/HOOSE (MUQDISHO) iyo HEEGAN. Ciyaartaas oo runtii ah mid ay sugi la’yihiin daawadayaasha ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo garoonka Ex luujino Maalinta Jimcaha ee fooda nagu soo hayso, taariikhduna ay tahay 19/10/2007.
Hadaba, akhristayaasheena qaaliga ah ayaan waxaan jecelnahay in aan natiijada ciyaartaas si toos ah, idinkugu soo gudbin doonaa haduu Alle idmo.

Muqdisho team

Shacab team