Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

Abdisalaam oo dhaliayay Goolkii Guusha

Written by: Abulkadir Ibrahim; 11 October 2007


Abdisalaam Abdulqadir Caddaay oo u ciyaara Kooxda Manchester City Akademy, isla markaana ka mid ah xulka under 17ka ee dalka Norway ayaa ka soo laabtay kadib ciyaaro ay xulkiisa qaran ee dalka Norway la yeesheen dhowr wadan.

Abdisalaam bishan 2-deedii ayuu wuxuu safar socdaal ah u aaday, isaga iyo kooxdiisa qaranka dalka Norway dalka Poland. Halkaasi oo ay ka dhacayeen isreebreebka ciyaaraha Yurub ee Under 17-tiinka.

Abdisalaam wuxuu saftay seddex ciyarood, oo uu dhamaystay min 90kii daqiiqaba. Abdisalaam waxay wada ciyaareen dalalka kala ah Poland, Austeria, iyo Macadonia.

Ciyaarihii markii ay dhamaadeen ayaa waxaa isku dhibco wada noqday seddexda dal ee kala ah Norway, Poland iyo Austeria. Kaalinta kowaad waxaa galay Dalka Austeria, kaalinta labaad ayaa waxaa isku qabsaday labada dal ee kala ah Norway iyo dalka Poland oo martida loo ahaa.

Akhristow ciyaartii ugu dambaysay ee ay ciyaaraan dalka Norway ayaa waxay wada yeesheen dalka Macadonia. Norway waxaa laga doonayey in ay goolal badan ku soo badiyaan, ciyaarta qaybteedii hore waxay ku soo gabagabowday 0-0. Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa labaatankii daqiiqo ee ugu horeeyey waxay dhaliyeen dalka Norway 3 gool iyo dalka Macadonia oo aan waxba dhalin. haddii ay ku dhamaato ciyaarta sida ay hadda tahay waxaa kaalinta labaad ku soo bixi lahaa dalka Poland.

Akhristow Ciyaarta marka ay ka harsan tahay qaddar daqiiqada ah ayaa kubad ka soo noqotay goolka kooxda Poland ayaa Ciyaaryahanka Mustaqbalka kubadda cagta ka helay kubaddii meel goolka u jirta 20 mitir halkaasina uu laad xooggan ku laaday, ka dibna shabaqii ku ruxay. Daqiiqado yar ka dib ayuu garsoorihii dhexdhexaadinayey halkaasi ku afuufay seerigii ama firimbigii. Isla markiiba kooxdii iyo macallamiintii waxay ku soo wada yaaceen Xiddigga Abdisalaam Caddaay iyagoo ugu hambalyeynaya goolkii guusha. Websideka www.garoonka.com ayaa wuxuu waraysi gaaban la yeeshay ciyaartaasi ka dib sida uu u arko guusha ay gaareen xulkiisa qaranka ee dalka Norway. Abdisalaam Abdulqadir Caddaay wuxuu ku jawaabay xulkayga qaranka waxaan kala qayb galay ilaa iyo 12 ciyaarood oo heer caalami ah, ciyaartanna waxay ahayd ciyaartii iigu farxadda badnayd, sabatoo ah marka hore goolka aan dhaliyey maanta wuxuu ii ahaa goolkii iigu horeeyey ee aan u dhaliyo xulkayga, taasi waxaa ii sii dheer in maanta xulkayga qaranka ee dalka Norway ay u soo gudbeen isreebreebka ciyaraha Yurub ee sanadka 2008-ka, sababna ay u noqoto goolkii aan dhaliyey maanta.

Shaqaalaha webside-ka garoonka.com iyo kubadda.com iyo dhamaan inta ehelka u ah Sportiga Soomaaliyeed, waxay hambalyo u dirayaan xiddigga cusub ee ciyaarta kubadda cagta Abdislaam Abdulqaadir Caddaay, waxaan mar labaad leenahay Hambalyo, halkaasi ka si wad guushaada. Akhristayaal wixii kale oo faahfaahin ah ee ku saabsan Abdisalaam Caddaay waxaad ka akhrisan doontaan webside yada kala ah garoonka.com, iyo kubadda.com.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football