Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

Cumar Axmed oo loo qaatay qaranka dalka Sweden

11 October 2007


Cumar Axmed waa wiil da yar oo somaliyeed, degan magaalada Näsby ee ku taal koofurta dalka Sweden. Cumar wuxuu ku dhashay dalka Somaliya. Dabadeed yimid Sweden isagoo jiro afar sano. Wuxuu yahay wiil aad ugu firfircoon kubada cagta, una ciyaaro KFF ee ka dhisan magaalada Kristinastad, isagoo ugu ciyaaro dhexda iyo weerarba.

Ciyaaryahankan dada yar, ayaa waxaa wax ka qoray jaraa id kasoo baxo magaalada Kristinastad, oo magaciisa layiraahdo kristinastadblad.se, kaas oo u aqoonsaday inuu yahay ciyaaryanka bisha september ee sanadkan 2007.

Labo usbuuc ka hor ayuu wuxuu sameeyay ciyaartiisii ugu horaysay uu muujiyay wacdaro. Intaanan la gaarin xilligii kulaylaha ayaa Omar Ahmed oo 15 ah ka soo mid noqday dhalintii qaranka 15jir yaasha, markii ugu horaysay, kuwaasoo laga qaatay 40 ciyaartooy.

Laakiin markii la gaaray ciyaartii koowaad ee ay la lahaayeen dalka Norway kama uusan mid noqon xidigihii garoonka galabtaas, wuxuu iska sugtayna jaaniskiisa goor ay noqotaba.

Kadib markii ay ku guuldaraysteen labadii ciyaar ee ugu horaysay ee ee la yeesheen dalka Norway ayaa kabtankii kooxda Hans Lindbom, bedelay qiyaas ahaan ciyaartooydii barkood si ay ula kulmaan tartankii ciyaaraha ay la lahaayeen finland dhamaadkii bishii lasoo dhaafay.

Nasiibkiisii wuxuu noqday Cumar in uu saas boos ku helo. Sweden waxay ku hogaaminaysay 1-0 inkastuu Cumar ku bilaabay bankiino. Laakiin markii ciyaartii kala bar ay socotay, ayaa loogu yeeray in uu soo galo. Maadaama ay cumar kooxdiisu 1-0 ku hogaaminayeen, ayay kooxdii Finland ciyaarta dardar xoogan ku soo kordhiday. Cumar kooxdiisa waxay bilaabeen xoojinta difaaca. Cumar wuxuu ka mid noqday seddaxda weraryahan ee afka hore kooxda uga ciyaarayay. Aad ayuuna ugu qanacsanaa dadaalkiisa ciyaareed maalintaa. ”si wanaagsan ayay iigu dhacday ciyaarta maanta” ayuu yiri mar la waraystey. ”Waana arin farxad iyo xasuus gaara ii leh in la iigu yeero ciyaar qaran.”

Maalintii labaad ee ciyaarta la isugu soo laabtay ayuu cumar ka mid noqday 11kii lagu bilaabay ciyaarta, isagoo la bedelay 50 daqiiqo kadib. Ciyaartu waxay ahayd mid furfuran kuna dhamaatay 3-3. Cumar wuxuu ku qanacsanyahay sida ay kooxda qaranku u ciyaarto, taas oo shabahdo tan kooxdiisa KFF. Waxaan ku ciyaarnaa systemka 4-3-3 kaas oo ah ciyaar hujuumkeedu badan yahay. Cumar wuxuu kaloo yiri ”Sedexdeena weerar yahan waxaanu nahay kuwo si sahlan u bedesho boosaska dhowr jeer inta ciyaartu socoto. Waxaanu baranaa sida ay wax walba u dhacayaan xilli kasta, waxaana leenahay horjoogeyaal kala duwan oo qibrado fiican leh. Tababarahaygu wuxuu ii sheegay in aan muujiyay ciyaar wanaag si gooniyana ula socon doono xaaladayda ciyaareed, laakiin ma jirto wax hubaal ah booska ciyaaraha qaranka, waayo adigoo maanta kujiro ayaa beri lagaa waayn karaa”

Warbixinta Cumar Ahmed:
Magac: Omar Ahmed
Dà da: 15 jir.
Dhirir: 1.76 mitir.
Culays: 62 kiilo.
Degan: Näsby.
Xirfad: dhigto galaaska 9aad Fröknegårdsskolan.
Kooxo: Näsby iyo Kristianstad FF.
Booska: Weerar iyo dhexdaba kooxda KFF

Waxaa soo diyaariyay
Liban Daahir Nuur

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football