Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

Qaar ka mid ah Kooxaha NBA-da, oo dhoolotus ku samaynaya Europe

Written by: M Sheikh; 11 October 2007


Kooxda Boston Celtics, ayaa waxaa ay xalay fooda is dareen kooxda Minnesota Timberwolves, ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badnayd, ayna dadka kubadda kolayga jecel fiirsashadeeda ay si aad ah u xiisaynayeen in ay arkaan laacibka hada u ciyaara Boston Celtics, ee la yiraahdo Kevin Garnett, in uu markii ugu horeysay uu ka soo hor jeesto kooxdiisii hore Minnesota Timberwolves, oo uu sanado badan horay ugu ciyaari jiray.

Ciyaarahaan oo ahaa ciyaaro isu diyaarin horiyaalka soo socda ee NBA-da ayaa xalay ka dhacay garoonka O2 Arena, ee ku yaalo magaalada London, kaasoo kooxahan NBA-da ah, ay ku soo wareegayeen wadamada reer Europe.

Masraxa garoonka xalay lagu ciyaarayay ayaa ahaa mid aad loosoo agaasimay, kaasoo aan laga garan garoomadii America ee kooxaha NBA-da ku ciyaari jireen, “naguma cusbayn gabdhaha furitaanka ciyaarta, qoobka ka-ciyaarayay, qolooyinka costume-ka ku soo labistay ee garoonka dhinacyadiisa dhex meeraysanayay iyo ciyaartooyda iskululeenta dunking-ga samaynayay, waxaas oo dhan waa waxyaabihii aan habeen kast ku arki jirnay NBA-da.” Ayuu yiri Ray Allen, asagoo raaciyay “ukaadi waxaan iloobay dadka magaca wayn lahaa (celebrities) ee iyana garoonka joogay, sida Formula One driver Lewis Hamilton, oo aad loogu sabciyay markii shaashada Big screen-ka layska tusay, weerar yahanka kooxda Chelsea, Didier Drogba oo asna ka mid ahaa daawadayaasha, iyo rug cadaagii Celtics Bill Russell, oo isna aad loogu soodhaweeyay sawaxan iyo sacab, markii bartamaha garoonka la dhex keenay asaga iyo Rick Barry iyo B.J. Armstrong, nasashada bartamaha qaybtii labaad ee ciyaarta.”

Kevin Garnett, ayaa goolkiisii ugu horeeyay kooxda Celtics, u dhaliyay xalay gool aad u qurux badnaa maruu baseline-ka ka soo galay kadibna gacanta kubadda la geliyay shabagada (dunking) dhamaadka rubicii hore ee ciyaarta, kaasoo kooxdiisa Celtics iyadoo hal dhibic laga horeeyo ay hogaanka ugu qabatay 18 – 17 kooxdii Minnesota Timberwolves.

Kevin, kaligiis ma ahayn, ciyaartooyda kooxdoodii hore ka soo hor jeestay mar ay koox kale soo gadatay, ayaa iyagana sida: Ryan Gomes, Theo Ratliff iyo Sebastian Telfair, xalay u safnaa kooxdii Minnesota Timberwolves, kuwaasoo horay ugu dheeli jiray Boston Celtics.

Sedexdaan ciyaartooy ayaa balan qaaday kaalintii uu cidleeyay Kevin Garnett, in ay buuxin doonaan, inkasta oo ay aad u adag tahay.

Ciyaartii xalay Kevin, 9 dhibcood ayuu ku dhaliyay in ka yar 30 minutes, gaba gabadii ciyaarta, wuxuu kaloo qabtay lix rebound, laba uu caawiyay iyo seddex blocks.

Kevin Garnett, in kasta uu kooxda uu caawa ka badiyay uu dhididkiisa horay ugu soo dhamaaday mudo dhan 12 sano, hadana kubadda ayaa sideedaba ah, in aadan u jixin jixin wixii horay looga soo tagay. Ciyaarta markay dhamaatay waraysi lala yeeshay ayuu ku yiri “wixii tagay, waa wax tagay, kani waa baal hor leh oo hada ii biloowday noloshayda.” (“The past is the past, this is a new chapter in my life.”)

Ricky Davis, oo ka mid ah kooxda Minnesota Timberwolves, oo ay mudo isla safan jireen Kevin Garnett, ayaa yiri, “inkastoo ay gacantayda horay u baratay in aan baasas qurux badan u baaso Kevin, hadana waa cajaaib in indhahaygu qabtaan Kevin, oo funaanad cagaaran caawa xiran. Waxaan ku sigtay in aan mar u baaso, hadana waa is ogaaday in uu caawa kooxdeena uusan u dheelaynin, markaan arkay funaanada cagaaran.”

Ciyaartii xalay dhacday oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa guushii ku raacday kooxda Celtics, dhibco ah 92 -81.

Ciyaarta xalay dhacday ayaa ahayd mid ka mid ah ciyaarihii ay ugu tala galeen kooxahaan NBA-da, in ay ku ciyaaraan dalalka reer Europe. Sabtidii la soo dhaafay ayay kooxda Boston Celtics, 89 – 85 uga badisay kooxdii Toronto Raptors, ciyaartaas oo ka dhacday dalka Italy magaaladiisa Roma, iyo ciyaartii kale ee kooxda Minnesota Timberwolves ay ku tumeen dalkooda kooxdii Turkish-ka aheyd ee Efes Pilsen, 84 – 81 magaalada Istanbul.

Mid ka mid ah madaxda hor kacaysay, kooxaha NBA-da oo lagu magacaabo Wittman, ayaa yiri “aad ayaan ugu faraxsanahay natiijooyinka ciyaarihii Istanbul iyo tii London xalay ka dhacday, balse shaqo weli faro kama qodno.”

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football