Terry oo okiyaalo ku ciyaari doono, ciyaarta Valencia
Written by: M Sheikh; 3 October 2007
Kabtanka kooxda kubadda cagta Chelsea John Terry, ayaa caawa ku bilaabi doonaa okiyaale ciyaarta Championsns League ee ay iskaga horimaan doonaan kooxda Valencia.
|
Dhaawacaan ayaa ka soo gaaray ciyaartii sabtidii la soo dhaafay ay la yeesheen kooxda Fulham ee Premier League ah, oo barbar dhac 0 – 0 ku dhamaatay, kadib markii loo qaaday Hosbitaalka ayaa dhakhaatiirtii waxay cadeeyeen in uu daanka ka jaban yahay qasabna ay tahay in qalitaan uu galo. Kadib qalitaankii Terry ayaa ka soo baxay Hosbitaalkii Axadii bishu ahayd 30/09/2007.
|
|
 |
Dhakhaatiirtii ayaa waxau sheegeen in uu nasasho u baahan yahay laacibkaan balse taasi waxay u cuntami wayday macalimiinta iyo maamulka kooxdiisii Chelsea, oo aan ka maarmin ciyaarta culus ay la leeyihiin Valencia caawa.
Dhaqtarka ayaa raaciyay in okiyaalo maskaro ah uu ku ciyaari karo haduu iska taxadiro, balse ay aad u adag tahay qof difaac ka ciyaaro in uu is ilaaliyo. Maamulka kooxdiisa go’aankaas ayay u arkeen xal maadaama ay ciyaartii furitaanka Champions League, barbar dhac gurigooda kula galeen kooxda Rosenborg.
Macalinkii hore ee kooxda qaranka Ingriiska Graham Taylor mar ay waraysteen BBC Radio 5 live, ayaa cadeeyay in ay aad u tahy Qatar go’aankaas ay kooxda Chelsea qaadatay. Wuxuu sheegay in hada ka hor waagii uu qaranka macalinka u ahaa uu go’aankaan oo kale mar qaatay kadib mar uu laacibkii hore ee Paul Gascoigne, oo sidaan oo kale daanka ka jabay, waxayse ku kala duwanaayeen Paul Gascoigne, wuxuu ka ciyaarayay qadka dhexe, aad ayuuna isu ilaalinayay. Laakiin John Terry wuxuu ka ciyaaraa difaac, markastana waa in uu u baabac dhigo darbad, madax iyo suxul wixii ka soo gaaro weerarka kooxda ka soo hor jeedo.
Avram Grant, macalinka cusub ee kooxda Chelsea ayaa ku nuux nuuxsaday in uu John Terry, ka mid noqon doono ciyaartooyda u safrayso Spain, si ay ula ciyaaraan kooxda Valencia.
Macalinka Qaranka Steve McClaren, ayaa asna ku kalsoon ciyaaraha isreebreebka Euro 2008 ee ay la ciyaari doonaan Estonia iyo Russia bil ka bacdi in dhaawaca John Terry uu xiligaas ka bogsoon doono.