Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

TABABARAYAAL SOOMAALIYEED OO KA QAYB GALAY KOORIS AY SOO DIYAARISAY FIFA

28 November 2007

Laba macalin oo Soomaali ah ayaa ka mid noqday Tababarayaalkii nasiibka u yeeshay in ay ka qayb galaan kooris aay soo agaasintay FIFA oo loogu magac daray "Futuro III Coaching Instructors Course" kaas oo lagu qabtay magaalada Dareslam, ee dalka Tanzania.

Macalin Awil iyo Macalin Khaliif

Kooraskaas ayaa waxaa ka soo qeyb galey tababarayaal ka socday wadamo ka mid ah Qaarada Africa. Wadamadaas oo ay ka mid ahaayeen: Angoola, Botiswana, Djibouti, Ethiopia, Eriteria, Kenya, Madagascar, Malawi, Somalia, Tanzania, Zambia iyo Uganda.

Kooriska Futuro III, waa kooris heerkiisu yahay heer caalami looguna tala galay Tababarayaasha kubadda cagta Macallimiintooda, si waddan kastaa uu u yeesho macallimiin wax u barta tababarayaashooda, korna u soo qaadda heerkooda farsamo iyo aqooneed ee kubadda cagta ah. Hadaba labada macalin ee nasiibka u yeeshay in ay u metelaan Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxay kala ahaayeen Mohamud Hagi-Ibrahim (Macallim Khaliif) iyo Macallim Cawil Ismaaciil Maxamed.

Macalin-Khaliif

Mohamud Hagi-Ibrahim (Macallin Khaliif) oo ka ahaa Tababare Naadigii ciidamada qalabka siday ee Horseed., sanadihii 1985 – 1989-kii ayaa wuxuu hadana kaaliyaha koowaad mar u ahaa tababarihii caanka ahaa ee macallim Garaare (Ilaah ha u naxariiste). Macallim Khaliif wuxuu kaloo kooxo kasoo leeyliyey magaalada Toronto ee waddanka Canada. Kooxihii uu soo tababaray waxey kala ahaayeen sida kooxdii Banaadir oo ahayd kooxdii ugu horeysay ee magalada Toronto laga aas aaso, kooxdaas oo uu aasaaskeedu lahaa ciyaartooygii caanka ka ahaa dalkeena ee u ciyaari jiray kooxda Batroolka iyo Qarankaba Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) iyo kooxda kale ee caanka ka ah magaaladaas Toronto ee lagu magacaabo SomaliStars.

Macallim Cawil Ismaaciil Maxamed, ayaa isna wuxuu kaliye macalin u ahaan jiray naadiyadii caanka ahaa ee Dowlladda Hoose iyo Sancada. Macallim Cawil wuxuu la soo kala shaqeeyey tababarihii caanka ahaa ee Gaaneeska Mr. CK. Janve. iyo tababare Cabdi Budiste. Macallim Cawil wuxuu markii danbe noqday tababarihii Qaranka Soomaaliyeed, sannadihii 1998 – 2003-da.

Futuro III Coaching Instructors Course, ayaa waxaa Macallim ka ahaa, tababarihii kooxda kubadda cagta Naigeria waday koobkii Aduunka Mr. Adegboye Onigbinde, kaas oo isla markaasna ah (FIFA & CAF, Technical Instructor) kana mid ah gudiga farsamada ee FIFA. Labadaan macalin waxaa u sahlay una soo qal qaaliyey in ay kooriskaas ka qeyb galaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Macallim Khaliif wuxuu u mahad celinaayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta oo u suura geliyey inuu noqdo Macallimka Macallimiinta iyo Maxamed Buwe oo ah gudoomiyaha Somali Sports League London - UK. oo isna gacan weyn ka geystay dhinaca sahayda safarkooda.

Waxaa Qoray: Macallim Khaliif

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football