WAREYSI MACALIN MAXAMUUD XIIREEY BARRE (AAR-GUTE)
27 November 2007
|
Maxamuud Xiirey Barre waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii biingaha gobolka Hiiraan isaga oo ku soo biiray 1978-dii waxa uuna ka mid ahaa ciyaartoydii u safan jirtay Gobolka Hiiraan ciyaarta biingaha ama (table tennis) ka, oo magaca fiican ku lahaa. Waxa uu kulamo fara badan u saftay ciyaartaas isaga oo ku gaaray illaa heer uu markii dambe ka noqdo macallinka biingaha ee xulkii Gobolka Hiiraan.
|
|
MAXAMUUD XIIREEY BARRE (AAR-GUTE)
|
Akhristayaasheena khaaliga ahoow waxaan isku dayeeynaa in aan barnaamijyadeena soo socdo, qayb kasta oo Isboortiga ka mid ah aan baadi goob u galno kasoo warbixinta ciyaarihii Soomaaliyeed oo badankood la iloobay iyo sidii boorka looga qaadi lahaa.
Hadaba waxaa noo suurto gashay in aan la kulano dadkii magaca ku lahaa ciyaarihii gobolada ee kubadda Miiska ama Biingaha mid ka mid ah oo la yiraahdo Aargute in kasta uuna ka gaarin heer Qaran ciyaarta Biingaha, hadana magac fiican ayuu ku lahaa gobolkiisa, isaga oo ka sheekeynaya heerkii uu ka soo maray biingaha wareysi dheer oo aan la yeelanay ayaa waraysigiisii waxa uu ku billowday sidatan:
Kubadda: Goorma ayaad billowday ciyaarta biingaha ?
Aargute: Waxaan bilaabay sanadkii 1978-dii
Kubadda: Yaa kaa gacansiiyay in aad ciyaarto kubadda biingaha maadaama uu ku cusbaa wadanka iyo Gobolkaba ?
Aargute: Aniga ayaa jeclaa waxaana iga caawiyay dhaqaatiir Shiina ah oo gobolka ku sugnaa xiligaas, oo uu ii geeyay aabahay sidaas ayaanan ku bartay ciyaarta biingaha
Kubadda: Ciyaartii kuugu horeysay ee aad u safato gobolka xagee ka dhacday yaase idiin ahaa macallin ?
Aargute: Waxa ay ka dhacday magaalada B/weyne waxana tababare ii ahaa Khaliif Jocorre
Kubadda: Tartankii ugu horeeyay ee heer gobol oo aad la cayaartaan gobol kale goorma ayuu dhacay yaadse la cayaarteen ?
Aargute: Waxaa la qabtay tartan ay ka qeyb galeen Afar gobol isla sanadii 1978-dii oo lagu qabtay Balad weyne, waxana ka soo qeyb galay gobolada Hiiraan, G/guduud, Nugaal, iyo Mudug
Kubadda: Guul caynkee ah ayaad ka soo hoyseen maadaama uu ahaa tartankii ugu horeeyay ee aad ka qeyb gashaan ?
Aargute: Wallaahi gabdho iyo wiilalba kaalinta koowaad ayaan ku soo baxnay
Kubadda: Ma jiraan wax tartama ah oo ciyaaraha tartankii gobolada oo aad ka qeeyb gasheen ?
Aargute: Haa waxaan ka qeyb galnay tartankii gobolada ee la qabtay sanadii 1981-dii waxaanan ka galnay kaalin fiican dhinaca wiilasha
Kubadda: Goorma ayaa laguu doortay in aad noqoto macallinka biingaha gobolka Hiiraan adiga ?
Aargute: Dagaaladii sokeeye kadib. Gobolka cid hadda igu haysata ma jirto aniga ayaa ka jooga ciyaartoydii biingaha, aniga ayaana u diyaara in aan tababaro jiilka cusub sidaa ayaana la iigu doortay hada
Kubadda: Maxay tahay macallin dhibaatada ugu xoogan ee haysata ciyaarta biingaha maadaama aanan xilligan lagu cayaarin gobolka. Ama wadanka oo dhan
Aargute: Marka hore in la helo qalabkii lagu ciyaari lahaa oo uu ka mid yahay miiskii lagu ciyaari lahaa iyo rakadyadiiba sidoo kale kubadihii lagu ciyaari lahaa mana jirto hay'ad naga caawiso iyo xiriir isboorti oo naga gacan siiyo dalka iyo dibadaba
Kubadda: Mala xiriirtay jaaliyadaha dibadda ee gobolka gaar ahaan bahdii isboorti ee gobolkan kuwooda dibadda jira ?
Aargute: Mala xiriirin awal balse hadda ayaan gaarsiineynaa in ay wax ka qabtaan maadaama ay iyagu fursad u heli karaan in ay iyagu noo soo diraan qalabkii biingaha ama ay inoo weydiiyaan cidda ay ka heli karaan.
Waa hagaag waxaa intaas ku dhamaaday wareysigii aan la yeelanay macalin Maxamuud Xiirey Barre (AAR-GUTE) runtiina Aar-gute, waxuu isku xilqaamay in waqtigiisa qaaliga ah iyo aqoontiisa gaarka ah uu u huro, dhalinta Soomaaliyeed ee jecel in kubada miiska biingaha bartaan, iyadoon ognahay daruufaha xun ee dhaqaale ee wadankii ka jira, hadana u soo taagan in uu waqtigiisa qayb ka siiyo isaga
oo tababare hada u ah dhalin yaro Soomaaliyeed oo ku nool gobolkaas Hiiraan.
Waxaa soo diyaariyay: Ilyaas Ahmed Ilmi & Ali Daahir Herow
Kubadda.com - Xaruunta Balad weyne