ISKU AADKA KOOBKA ADDUUNKA 2010
26 November 2007
|
Isku aadka koobka aduunka, ayaa markii lagu dhawaaqay shalay galab oo bishu ahayd 25ka November 2007 mar kaliyah goobtii qori tuurka ( Durban 's International Convention Centre), dood laba laba ah ka dhex bilaabatay marti sharaftii halkaas iskugu timid. Waxaa laga wada hadlaayay waxa kala haysto kooxda England iyo kooxda Croatia , oo markale isku group noqday tartanka koobka Adduunka 2010-ka.
|
|
WORLD CUP DROW |
Kooxda Croatia ayaa 2 -3 ugu awood sheegatay asbuucii hore kooxda dalka England ciyaartii ku dhex martay garoonka Wembley Stadium. Taas oo kooxda England ka reebtay koobkii isreeb reebka Europe ee 2008-ka. Waxay ahayd fadeexda aad loola yaabay taasoo keentay in macalinkii kooxda England Steve McClaren, laga ceeriyo shaqadiisii asaga iyo staff-kii la shaqaynaayayba.
Qaar ayaa lahaa waa fursadii ay kooxda England kaga aar gudan lahayd koobka Adduunka kooxda Croatia , waxaase halkaa uga muuqday in ciyaar laysku jilbo murxo halkaas ka dhici doonto. Kooxaha kale ee group-ka kula jira ayaa iyana aan ahayn kuwo la dhayalsan karo sida Ukraine iyo Belarus oo ay soo raacaan Kazakhstan iyo Andorra .
Dhanka kale kooxda marti gelinayso tartanka sanadka 2010-ka ee South Africa ayaa iyana kooxo adag ku soo aadeen sida Nigeria iyo Sierra Leone oo ah kooxo aad u adag. Waa markii ugu horeysay ilaa iyo sanadkii 1934-tii in koox gurigeeda lagu dheelaayo lagu daro is reeb reebka koowaad ee koobka Adduunka. Balse hadii ay soo baxdo iyo hadii kaleba way ka mid noqon doontaa kooxaha kama danbaynta u soo gudbi doono ka qaybgalka koobka Adduunka 2010-ka maadaama gurigooda lagu qabanaayo tartanka.
|
|
South African president, Thabo Mbeki, Kofi Annan and Blatter
|
Kooxaha reer Europe iyo sida ay isugu soo aadeen:
Group 1 Portugal , Sweden , Denmark , Hungary , Albania , Malta
Group 2 Greece , Israel , Switzerland , Moldova , Latvia , Luxembourg
Group 3 Czech Republic , Poland , Northern Ireland , Slovakia , Slovenia , San Marino
Group 4 Germany , Russia , Finland , Wales , Azerbaijan , Liechtenstein
Group 5 Spain , Turkey , Belgium , Bosnia-Herzegovina , Armenia , Estonia
Group 6 Croatia , England , Ukraine , Belarus , Kazakhstan , Andorra
Group 7 France , Romania , Serbia , Lithuania , Austria , Faroe Islands
Group 8 Italy , Bulgaria , Republic of Ireland , Cyprus , Georgia, Montenegro
Group 9 Holland , Scotland , Norway , FYR Macedonia , Iceland
Sagaalka koox ee ka soo baxa 9-ka group ay ka kooban yihiin kooxahan reer Europe si toos ah (automatically) ayay ugu soo gudbi doono kama danbaysta koobka Adduunka 2010-ka. Sideeda kaalmaha labaad ee ugu fiican ku soo baxa group-yadooda ayaa waxay dheeli doonaan ciyaar (home iyo away) ah waxaana laga rabaa Afar kooxood oo lagu buuxin doono Group-kaas.
Kooxaha reer Africa iyo sida ay isugu soo aadeen:
Group 1: Cameroon , Cape Verde Islands , Tanzania , Mauritius .
Group 2: Guinea , Zimbabwe , Namibia , Kenya .
Group 3: Angola , Benin , Uganda , Niger .
Group 4: Nigeria , South Africa , Equatorial Guinea , Sierra Leone .
Group 5: Ghana , Libya , Gabon , Lesotho .
Group 6: Liberia , Algeria , Senegal , Gambia .
Group 7: Ivory Coast , Mozambique , Botswana , Madagascar .
Group 8: Morocco , Rwanda , Ethiopia , Mauritania .
Group 9: Burkina Faso , Tunisia , Burundi , Seychelles .
Group 10: Mali , Congo , Sudan , Chad .
Group 11: Togo , Eritrea , Zambia , Swaziland .
Group 12: Egypt , DR Congo, Malawi , Djibouti .
48-daan kooxood waxaa loo kala bixiyay 12 Groups, oo midiiba ay afar koox ku jirto. Kooxaha afarta ah dhamaan waa is arkaayaan sanadka danbe ee 2008-da. 12-ka kooxood ee ku soo baxo kaalinta koowaad Group-kiiba si toos ah (automatically) ayay ugu soo gudbi doonaan kama danbaysta koobka Adduunka 2010-ka. Sideeda kaalmaha labaad ee ugu fiican ku soo boxo ayaa iyana lagu buuxin doono Group-kaas.
Kooxaha reer Asia iyo sida ay isugu soo aadeen:
Group 1: Australia , China PR, Iraq , Qatar
Group 2: Japan , Bahrain , Oman , Thailand
Group 3: Korea Republic , Korea DPR, Jordan, Turkmenistan
Group 4: Saudi Arabia , Uzbekistan , Lebanon , Singapore
Group 5: Iran , Kuwait , United Arab Emirates , Syria
Labaatan kooxood ayay noqdeen kooxahaan reer Asia . Waxaa loo qaybiyay shan Group oo min Afar ah. Kooxahaan afarta ah ee Group-kiiba ku jirto waxay isku arki doonaan ciyaar (home iyo away) ah. Kooxaha ku soo boxo kaalmaha 1-aad iyo 2-aad group-kiiba ayaa u soo gudbi doono wareega labaad.
Kooxaha reer North, Central American, iyo Caribbean-ka iyo sida ay isugu soo aadeen:
Round 1 - Home and Away Match
Anguilla v El Salvador
Aruba v Antigua and Barbuda
Bahamas v British Virgin Islands
Belize v Saint Kitts and Nevis
Bermuda v Cayman Islands
Dominica v Barbados
Dominican Republic v Puerto Rico
Netherlands Antilles v Nicaragua
Suriname v Montserrat
Turks and Caicos Islands v Saint Lucia
U.S. Virgin Islands v Grenada
Round 2 - Home and Away Match
USA v Barbados or Dominica
Guatemala v Saint Lucia or Turks and Caicos Islands
Trinidad and Tobago v Bermuda or Cayman Islands
Aruba or Antigua and Barbuda v Cuba
Belize or Saint Kitts and Nevis v Mexico
Jamaica v Bahamas or British Virgin Islands
Honduras v Dominican Republic or Puerto Rico
Canada v Saint Vincent and the Grenadines
Grenada or U.S. Virgin Islands v Costa Rica
Montserrat or Suriname v Guyana
Panama v Anguilla or El Salvador
Haiti v Netherlands Antilles or Nicaragua
Kooxahaan maadaama ay tirade ka bateen, waxaa iyana loo kala saaray in ay dheelaan laba wareeg. (Two rounds) Taas oo ka soo reebi doonto 35-ta kooxood ee ku jira qaybtaan 24 kooxood. Kooxaha qaarkood weli isma ayna arkin, markii ay isku soo haraan laba laba koox oo iyaga wada dheela ayaa waxaa dhiniciiba ka soo bixi doonto 12 kooxood.
Hadii aad u baahantahay faah faahin dheeri ah iyo isku aadka oo dhan, riix bogga fifa.com halkaas oo aad macluumaad dheeri ah aad ka heli doonto.
http://fifa.com/worldcup/preliminaries/southamerica/standings/index.html
Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sheikh