Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

CIYAARTOOY KALE, OO LAGA CODSADAY IN UU KU BIIRO QARANKA SOOMAALIYEED

26 November 2007

Yoonis Shariif Cali oo lagu naaneeso (Yoonis Amxaar) oo ka mid ah cayaaryahanada Soomaaliyeed ee ka cayaarta kooxaha dalka Jabuuti ayaa loogu yeerey in uu ka mid noqdo xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliya, oo isku diyaarinaya koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, oo horaanta bisha soo socoto ka furmi doono dalka Tanzania magaala madaxdeeda Dare Salaam.

Cayaaryahan Yoonis Amxaar, oo u ciyaara mid ka mid ah naadiyada kubadda cagta dalka Jabuuti ee heerka koowaad, oo lagu magacaabo Porka ama (Dekeda) ayaa waxaa iminka loo doortey in uu ka mid noqodo xulka kubada cagta dalka Soomaaliya u raaci doono safarkooda Tanzania.
Maadaama macalinka qaranka uu ka helay qaab ciyaareedkiisa ciyaar yahankaan.

YOONIS AMXAAR

Yoonis Amxaar, oo aan qadka teelfonka kula xiriirnay ayaa noo sheegey inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu mar kale ka mid noqdo xulkiisa Soomaaliyeed oo uu horay ugu soo cayaaray intuuna u soo guurin dalka Jabuuti.

Yoonis ayaa ah ciyaartooy ka ciyaara xaga difaaca wuxuuna sheegay in uu adeegsan doono waaya aragnimadiisa qeybta daafaca ah iyadoo sidoo kalena la filaayo in dhowr cayaartooy oo kale lagu biirin doono Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo muqdisho ka soo amba bixi doona maalmha soo socda.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football