Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

MAAMULKA FIFA OO ANSIXIYAY POSTER-KA CUSUB EE KOOBKA ADDUUNKA 2010

24 November 2007

Maamulka FIFA ayaa ansixiyay Poster-ka cusub ee loo adeegsan doono koobka adduunka 2010-ka maanta oo jimco ahayd bishuna ku beegnayd 23 November 2007. Kadib mar ay shir alaababada u xiran yihiin qaateen dhamaan gudiga qabanqaabada maamulka sare ee magaalada Durban ee koonfur Afrika.

Xayeesiinta Poster-kaan ayaa waxaa alifay mid ka mid ah Wakiilka curinta farshaxanka oo ka dhisan dalka South Afrika oo lagu magacaabo Switch, wakiilkaan oo hada ka hor horay u alifay astaanta loo aqoonsaday tartanka 2010 FIFA World Cup.

Layskama aqoonsan Farshaxankaan ee wuxuu kasoo dhex baxay 16 wakaalado farshaxan kale oo dhamaantood fadhigoodu yahay koonfur Afrika, oo markii danbe ay isku soo hareen Seddax kale oo wakaalado Farshaxan ah, oo loo bandhigay shacabka reer koonfur Afrika, cod lagu soo wareejiyay dhamaan shacabka daafaha magaalada bishii September 11-keedii ilaa 30-kii September 2007.

Sawirka Poster-ka guulaystay ayaa muuqaal ahaan u muuqday, qaab sawirka astaanta Afrika ah, oo loo ekaysiiyay nin madaxiis kaasoo hertinaayo kubadd. Farshaxanka poster-ka ayaa sidoo kale ka turjumaayo in muuqaalka Afrika uu u taagan yahay muuqaalka nin-nimo ama geesinimo (Aar) si qaas ahna dhamaan taageerada wadamada Afrika, ka bilaaw dhinaca waqooyi dalka Morocco, dalka Gambia dhinaca galbeed, Somalia, Kenya iyo Ethiopia dhinaca bariga iyo Koonfur Africa dhinaca koonfureed.

Midabka dhalaalaayo ee xayeesiinta Poster-ka wuxuu fisirayaa dhiiri-na gelinayaa dalka Koonfur Afrika, waxaase ku faani karo dhamaan reer qaarada Afrika. Midabka xoogan ee jaalaha ah wuxuu astaan u yahay qoraxda taasoo bini aadanka siiso tamar,cadceed iyo nolol.

“Tani waa fikrad cusub oo micno badan xambaarsan astaan ahaan. Aniga aragtidayda, kubadda cagta waa ciyaar qiiro iyo xaraarad leh, taas ayaana ugu arkay in Poster-kaan ay ka muuqato astaantaas, wuxuuna Adduunka oo dhan ku casuumayaa farxadaas iyo qiiradaas in ay la qeybsadaan tartanka wayna ee koobka Adduunka Afrika lagu qaban doono. Taasoo weliba u qaas ah, muuqaalka wadamada reer Africa iyo dadkooda. Waxaan hubaa in ay rumoowday riyadii reer Afrika oo ahayd in mar uun koobka Adduunka lagu qabto mid ka mid ah wadamada Qaarada Afrika. Reer koonfur Afrikana way la heleen astaantii ku habooneyd oo meteli karta wadankooda taasoo ka dhex muuqan doonto ilaa iyo inta taratanku ka dhici doono sanadka 2010-ka,” ayuu yiri madaxa hay’ada FIFA Joseph S. Blatter.

Waa markii taariikhda Adduunka ugu horeysay ee koobka Adduunka ay marti geliyaan wadan reer Afrika ah, tartankaas oo dhici doono laga bilaabo bisha June 11-keeda ilaa iyo 11-ka july sanadka 2010-ka.

Sidoo kale waxaa codkiisa ka dhiibtay CEO Danny Jordaan, oo ah mid ka mid ah Gudiga Iskudubo ridayaasha 2010 FIFA World Cup, oo yiri “waxaan hubaa in door wayn ay ka ciyaari doonto astaan-taan taariikhda kubadda cagta Aduunka, hido iyo dhaqan ahaana qaarada Africa. Waxayna u furi doontaa fursad iyo rajo da’yarta soo koreyso ee ku nool qaarada Afrika, kuna faani karaan in Afrika tahay madaxa iyo wadnaha kubadda cagta Adduunka”.

Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sheikh

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football