XULKA SOOMAALIYA OO ISKU DIYAARINAYO KOOBKA BARIGA IYO BARTAMAHA AFRICA
23 November 2007
Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa mar labaad bishaan gudaheeda isku diyaarinayo ka qeyb galka ciyaaro kale oo heer Qaran ah. Kuwaas oo ay kaga qayb geli doonaan koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, oo horaanta bisha soo socoto ka furmi doono dalka Tanzania magaala madaxdeeda Dare Salaam.
Xulka kubadda cagta Soomaaliyeed oo aan weli ka soo kabsan guul daradii ka soo gaartay isreeb reebkii koobkii Aduunka 2010-ka, ciyartii dhex martay ayaga iyo xulka Qaranka kubadda cagta Jabuuti jimcihii hore oo bishu ku beegnayd 16/11/2007 taas oo loogu awood sheegtay 1 - 0.
National Team
Ayaa waxaad moodaa in uu hore ugu qorshaysnaa hadii ciyaarta Jabuuti dhamaato in ay halkooda ka sii galaan diyaar garoow kale oo ay ugu sii amba bixi doonaan bilowga bisha soo socoto ee December magaalada Dare Salaam ee dalka Tanzania, ciyaaro koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ah. Halkaas oo ay mudo hal asbuuc ah, seddex ciyaarood ku dheeli doonaan.
Tartankan soo socdo ayaa waxaa wadamada isku arki doonaan sida tan:
| SOMALIYA Vs BURUNDI |
10/12/2007 |
DAR - ES - SALAAM |
| TANZANIA Vs SOMALIYA |
12/12/2007 |
DAR - ES - SALAAM |
| SOMALIYA Vs KENIA |
14/12/2007 |
DAR - ES - SALAAM |
Xulka ayaa u xeyd xeydanayo, in ay ciyaarahaan mar kale u metelaan magaca Qaranka Soomaaliyeed, iyadoon laga wada hadlin dhaawicii hore iyo maxaa qaldan iyo see wax lagu saxaa.
Dad badan ayaa qaba in ciyaartooy Soomaaliyeed oo farsamo wanaagsan hadii ay jiraan oo ku nool Qurbaha in lagu kabo Qaranka.
Ma ahayn ciyaartooydii ugu fiicnaa ee qurbaha ku noolaa seddexda ciyaartooy ee maciinka laga raadiyay. Balse la tashi xumo ayaa keentay in magaca lagu quruxsado ciyaartooy baa dibada nooga yimid.
Waxaase isweydiin mudan see loo xulaa ciyaartooydaas dalka dibadiisa ku nool? Wadan kasta oo Afarta Qaaradood ee Adduunka ka mid ah ku yaal waxaa ka dhaco tartamo Isboorti, oo dhex mara da’yarta Soomaaliyeed ee qurbahaas ku nool.
Siiba ciyaartooyda North America iyo Europe ku nool hal hal ayaa loo yaqaan kuwa mudnaanta koowaad lahaa, Mase lays waydiinin.
Waxaase dhib ka taagan yahay, hadii xataa la soo waydiisto reer Qurbo, in dhib laga maraayo isku afgarashada kuwii loo dooran lahaa waayo.
Waxaa jiro qolooyin madax adag oo dhibkii ay kala soo tageen dalkooda ku haayo meel kasta oo ay tagaan. Qaar waa aamusan yihiin oo araga ayay iska neceb yihiin. Kuwana isma qarin karaan ee Far Far ku taag ayay jidka iskula fadhiyaan. Waxaan hubaa hadii ayna ka cabsan lahayn sharciga u dhigan wadamada ay ku nool yihiin, in uu dhiig badani ku bixi lahaa isqab qabsigooda.
Gobolada dalka qaarkood ayaa iyana qaba in laga heli lahaa ciyaartooy caawini kara Qaranka, balse laga qadiyay oo aan la tirsan.
Hadaba guud ahaan isboortiga dalka ayaa waxa uu u baahanyahay gurmad si wax looga qabto dhibaatooyinka hortaagan oo dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka ku taxaluqa.
Haddii aanay bahda isboortigu gudo iyo dibadba u midoobin horumarinta iyo taabba gelinta ciyaraha waxaan shaki lahayn in kooxaha Soomaaliyeed ay mar walba noqon doonaan kuwo guuldarrooyinku ku lammaanaysan yihiin oo lagu dhibco badsado.
Si kastaba ha ahaatee waxaanu u rajaynaynaa kooxaheena qaranku in ay ku guulaystaan tartamada ay ka qayb galayaan si ay magac iyo sharaf ugu soo hooyaan ummaddooda.
Waxaa Qoray: M Sheikh