SIMINAAR KU SAABSAN U TABABARIDA MACALIN-NIMADA KUBADDA KOLAYGA, OO MAGAALADA MUQDISHO KA FURMAY
23 November 2007
Waxaa shalay oo bishu ahayd 22/11/2007. Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Naadiga Elman F.C. Ka furmay siminaar loogu magac daray U tababarida Macalin-nimada kubadda kolayga (Training for Basketball Coaching).
Siminaarkaas oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiinta Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga eeyna garab ku siiyeen bahda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga, ayaa waxaa suurto galiyay ama ka caawinay xaga dhaqaalaha hay’adda UNICEF.
Siminaarkaan ayaa waxaa casharada ka bixinayay laacibkii hore C/kariin Isloow, oo hada ku sugan magaaladda Muqdisho.
|
C/kariin Isloow, waxuu ku bilaabay casharkiisii, war bixin dheer oo ku saabsan guud ahaan taariikhda kubadda kolayga iyo sidii ay ku bilaabatay. Asagoo sheegay in kubadda kolayga waqtigii ugu horeeyay ee la aas aasay ey aheyd sanadkii 1889-kii. waxeysa suura gashay ayuu yiri oo la bilaabay cayaaristeeda bishii December 1891-gii iyadoo lagu dheelay garoonkii YMCA.
Kubadda kolayga waxay hindisihiisii aheyd nin u dhashay dalka Canada, oo la oran jiray Dr James Naismith, taariikh dheer oo ku saabsan sidii ay ku bilaabatay iyo sida ay Adduunka ugu faaftay ayuu raaciyay C/kariin Isloow.
|
|
Ckarin Islow |
Waxaa siminaarkaan lagu wadaa in uu socdo muddo 10 maalmood ah, sidoo kale waxaa furitaanka siminaarkan ka soo qayb galay Cali Amiin Xaaji oo ah Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga, cayaaryahankii hore ee naadigii Batroolka markii danbana noqday macalinka Naadiga kubadda kolayga Batroolka Qaasin Salaad Geelle haatan-na ah Gudoomiye kuxigeenka xiriirka kubadda kolayga, Agaasimaha W/Isbortiga Dowladda Hoose Awees Sheikh Mayye (Walker), Agaasimaha qorsheynta iyo madaxa tababarada Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Saacid Maxamed Xasan (Saacid Baariyoow) ahna Macalinka Qaranka wiilasha kubadda kolayga Soomaaliyeed iyo qaar ka tirsan madaxda Hay’adda samafalka UNICEF.
Cali Amiin Xaaji
|
|
Qasin Salaad Geele
|
Saacid Baariyow
|
|
Aweys Sheikh Maye (walkar)
|
Siminaarkaan ayaa loo qondeeyay in uu casharada ka bixiyo C/ kariin Isloow. Fursadaan ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan dhamaan ciyaartooyda cusub iyo kuwii hore ee waddanka ku sugan, si ay qayb uga qaataan horumarinta kubadda kolayga.
Fowsiyo iyo Batuula Nuur Muudey
|
|
Fowsiyo, Islow iyo Batuula Nuur Muudey
|
Kasoo qaybgalayaasha tababarka siminaarka ayaa laga soo kala xulay 16-ka Degmo ee Gobalka Banaadir ka kooban yahay, iyadoo min hal macalin uu ka meteli doono Degmadiiba. 16-kaas xubnood ayaa Afar ka mid ah ay dumar yihiin.
Furitaankii siminaarka iyo cashar bixintii koowaad ayaa si aad looga maqsuud yahay ku dhamaatay maalintiisii koowaad, waxaadna moodaa in ay fursad u ahayd qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee dalka oo aan mudo is arkin in ay munaasabadaas ku kulmaan. Hadaba hadaynu nahay bahda kubadda.com waxaan jecelnahay in aan kulanada soo socdo iyo gabagabada munaasabadaasba dib idinkala soo socod siin doono haduu Eebe idmo.