TARTANKII RAMADAANKA KUBADDA CAGTA GOBOLKA MINNESOTA, USA OO LA SOO GABA GABEEYAY
20 November 2007
Waxaa habeenimadii Jimcaha, taarikhdu ahayd 10/26/2007, lagu qabtay makhaayada wayn ee Safari, wadanka Maraykan, magaalada Minneapolis, xaflad ay kooxda kubadda cagta Via Roma ugu dabaaldageysay guushii iyo hanashadii ay hanteen koobka kubadda cagta ee loogu talagalay bisha barakaysan ee Ramadanka. Xafladaasi ayaa ahayd mid si quruxbadan ama heer sare ah loo soo agaasimay, loona qaban qaabiyay. Run ahaantiina ahayd xaflad xiiso iyo xamaasad badan lahayd.
Waxaa xafladan ka soo qayb galay, marti sharaf kala duwan, kana kala socday dhinacyo badan. Xaflada waxaa furay Cabdiasis Bixi, oo halkaas ugu hambalyeeyay, maamulka iyo gudiga tartanka Ramadanka soo qabanqaabiyay, xookda VIA ROMA ee koobka ku guulaysatay iyo dhamaan kooxihii iyo cayaartoydii ka soo qayb qaatay tartanka. Sidoo kale waxaa hadal mahadcelin ah ka jeediyay goobtaas, Macalin Cabdullahi (Morgan). Khudbada macalin Morgan ayaa ahayd mid iskugu jirta mahadcelin guud oo ku socotay maamulka makhaayada Safari oo iyagu ahaa akhiyaartii maalgalisay koobka iyo tartanka Ramadan. Macalin Morgan wuxuu kale oo hadalo dhiiro galin ah ujeediyay dhamaan cayaartoyda, kooxihii iyo marti shafaftii ka soo qayb gashay xaflada, kana qaybqaatay tartranka.
Maax iyo kabtan Cali oo haya koobkii kaalinta koobad
Kadib waxaa goobtaas ka hadlay, Mohamed Ali Nuur (Maax) oo ah ninka leh kooxda Via Roma. Maax ayaa isaguna ugu hambalyeeyay kooxdiisa guusha ay soo hoysay. Isagoo sidoo kalena u hambalyeyay kooxda kubadda kolayga ee Via Roma. Kooxda kubadda kolayga (Via Roma) ayaa iyaguna xusid mudan, maadama ay saddexdii koob ee ugu dambeeyay ay soo gaareen cayaarta kama danbeysta (final-ka). Maax iyo Qaasim Maxamed Xaaji (Qaasimow) oo ah gudoomiyaha haya maamulka sare ee kooxda ayaa waxay marti sharaftii xafladda ka soo qaybgalay u soo bandhigeen laba cayaartoy oo lagu soo daray kooxdda Via Roma. Cayaartoyda cusub oo kala ahaa, Cabdirisaq Yare iyo Saleban Abdi ayaa waxaa si gacmo furan u soo dhaweeyay dhamaan maamulka iyo cayaartoyda kooxda Via Roma. Qaasimow iyo maamulka sare ee kooxda Via Roma ayaa waxay goobta xaflada ku bixiyeen abaalmarino iyo biladsharaf. Qaasimow ayaa shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Via Roma ay damacsanyihiin in ay kooxda sii balaariyaan, dhawaana ay ka qayb gali doonan tartanka lagu qabanayo magaalada Columbus ee gobolka Ohio, tartankaas oo sanadkasta la qabto. Sidoo kalena wuxuu maamulka Via Roma hambalyo iyo mahadcelin dheeraad ah u direen taagerayaashoda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku kala nool.
Tartankan ayaa wuxuu bilowday 14/9/2007, waxaana la soo gabagabeeyay maalin Axad ah taarikhduna ahayd 21/10/2007. Tartankaas oo lagu qabtay garoonka wayn ee Corner Kick Indoor Soccer oo ku yaala xaafada Maplewood, Minnesota, USA. Koobkan ayaa waxaa ka soo qayb galay toban kooxod oo kala ahaa: Bullo Stars, Communality, Eden Prairie, G.T. Financial, Safari Starts, St. Paul Stars, MN United Stars, Somali Tigers, Qaran Express iyo Via Roma. Dhamaan kooxahan oo ahaa kuwo ka siman amaba iskaga mid ahaa xaga farsamada iyo quwadaba, ayaa haddana waxaa cayaartii ugu danbaysay ama final-ka ahayd ku kulmay labada koox ee Via Roma iyo Bullo Star. Labada koox ayaa muujiyeen cayaar wanaag ay aad ugu qanceen dhamaan dadwaynihii nasiibka u yeeshay in ay daawadaan cayaartan.
Cayaartan kama danbaysta oo ahayd cayaar aad u kulul, labada xookna ay si darandoori ah isku weerarayeen, ayaa waxaa goolkii u horeeyay ku hormaray Via Roma, waxaa mudo gaaban kadibna gool dhaliyay kooxda Bullo Star (1-1). Haddana waxaa nasiib u yeeshay in ay gool labaad dhashadaan kooxda Via Roma oo markale kormartay. Weerarkii kala go’a lahaa ee labada koox isku hayeen oo si aad ah u sii kordhay ayaa markii ay dhawr daqiidadood ka hareen dhamaadkii qaybta hore ee cayaarta, ayaa kooxda Bullo Star u suuro gashay in ay cayaarta barbar dhac ka dhigaan (2-2). Qaybtii labaad ee cayaarta ayaa labada xookba waxay halkii ka sii wadeen dadaalkii ay ugu jireen hanashada koobka. Waxaa isla markiiba u suurto gashay kooxda Bullo Stars in ay kormaraan oo ay goolkoodii sadexaad ku hubsadaan shabaqa kooxda Via Roma(2-3). Xiisihii iyo xamaasadii cayaarta ayaa aad u sii kordhay. Dad waynihii iyo taageerayaashii garoonka xaadirka ku ahaa ayaa fadhi diiday. Labada kooxna weeraro iyo dadaal horleh ayay is waydaarsanayeen daqiiqad kastaba. Markii ay mudo dhan hal daqiiqo iyo shan iyo labaatan sakan (1minute and 25 seconds) ay dhamaadka cayaarta ka dhimantahay, ayaa cayaartoyga loogu magac daro Kanu ee kooxda Via Roma uu gool aad u qurux badan ka dhaliyay kooxda kale. Wakhtigii saxda ahaa ee loogu talagalay cayaarta markii uu dhamaaday, labada kooxna ay barbar dhac noqdeen (3-3), ayaa garsoorihii iyo gudidii cayaartu ku dareen shan daqiiqo oo dheerad ah.
Mudadii shanta daqiiqo ee dheeradka ahayd ay socotay ayaa labada kooxba weerarkooda halkii ay kaga tageen ka sii wadeen. Balse waxay markiiba u suurto gashay kooxda Via Roma in ay kormarto. Cayaartoyga la yiraahdo Abdimalik oo ku magac dheer (Shearer) ayaa wuxuu dhaliyay laba gool oo is daba joog ah. Labada koox oo muujiyay in ay xaga awooda iyo cayaar wanaagaba ku kala roonayn, ayaa hadana waxaa sanadkan nasiib u yeeshay in ay koobka ku guulaystaan Kooxda Via Roma. Natiijadii ugu danbaysay cayaarta ayaa noqotay (5-3), guushuna waxay halkaas ku raacday Via Roma. Abaal marintii iyo bilad bixintii markii la bilaabay ayaa cayaartoyga ugu wanaagsan tartanka waxaa la siiyay Abdirasaq oo ka socday kooxda Bullo Star, qaybta gool dhalinta waxaa qaaday Abdiqadir oo isaguna ka socday Bullo Starts. Gool hayaha ugu wanaagsan ayaa waxaa ku guulaystay Saciid oo ka socday kooxda koobka qaaday ee Via Roma. Gaba gabadiina macalinkii ugu wanaagsanaa ayaa waxaa la siiyay macalin Carab ee kooxda Eden Prairie.
Kooxda Safari Stars
Fadlan ka daawo sawirada tartanka oo dhamaystiran www.insideminnesota.org, waxaad fiirisaa ama tagtaa qaybta cayaaraha (sports).
Qore: ABDIRAHMAN MUKHTAR ( ABDIRASHIID)
Minneapolis, MN