Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

HORIYAALKA 24AAD EE WIILASHA & GABDHAHA K/KOLEYGA SOOMAALIYEED OO SHALAY FURMAY

17 November 2007

Waxaa shalay galab garoonka 1-da Luulyo (Ex-lugino) ee magaalada Muqdishu laga furay Horyaalka 24-aad ee wiilasha K/Koleyga Soomaaliyeed. Furitaanka Xafladda ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) kadibna mas`uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga (XSKK) oo ka warbixiyay dadaalka loo galay abaabulka horyaalka 24-aad ee K/Koleyga wiilasha iyo gabdhaha.

Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish)

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) ayaa tibaaxay in XSKK sida uu qorsheynayo sanadkaan qabashada Horiyaalka 24-aad. Wuxuuna sheegay in ay aad ugu faraxsan yahiin taabagelinta qabsoomidda Horiyaalka K/Koleyga wuxuu tilmaamay in ay rajeynayaan in uu ku dhamaado si wanaagsan isagoo ciyaartoyda iyo taageerayaashaba ka codsaday in ay sanadkan la yimaadaan asluub wanaagsan, wuxuu kaloo raaciyay “waxaan idinkuugu bishaaraynayaa dhamaan ciyaartooyda iyo maamulkaba in xaflada xiritaanka ciyaaraha sanadkaan aan bixin doonaan abaalmarino ka badan kuwii horyaaladii hore, ee koox kastaa waa in ay ku dadaashaa in aan laga badsan”.

Opening Ceremony

Furitaanka Labada Koox

Supporters

Daawashada ciyaarta shalay ka dhacday garoonka Ex-Lugino ayaa waxaa si weyn u buux dhaafiyay taageerayaasha dhamaan kooxaha K/Koleyga Soomaaliyeed. Waxaana kaloo daawashada ciyaarta ka soo qeybgalay mas`uuliyiin iyo marti sharaf kala duwan waxaana ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka G.O.S Xaaji Coloow, G/X/G.O,S ahna G/XSKL (laliska) Prof Caddoow, Gudd- XSKG (gacanta) Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow)Gudd.XSKT Aweys Orafeeyo, kusimaha Guddoomiyaha XSCF C/Kariim Dilaxoow Jimcaale.

kooxaha Jaaliyadda Vs Heegan

Furitaanka ciyaarta ayaa shalay galab waxay dhexmartay kooxaha Jaaliyadda Vs Heegan, kuwaas oo muujiyay ciyaar aad raali looga noqdo, qancisayna daawadayaashii waxayna ku soo idlaatay waqtigii loogu talagalay 68-20 oo ay guusha ku raacday kooxda Heegan waxaana ciyaartan garsoorayay Cabdi Cabdulle Baasaale iyo Fiidoow halka uu keydka ka ahaa Ibraahim Radio.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football