Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

CIYAARTII MAANTA XULKA QARANKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA OO 1 – 0 LOOGU AWOOD SHEEGTAY

16 November 2007

Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa muujiyay ciyaar aad u qurux badan, in kasta oo taageerada taageerayaasha xulk kubadda cagta Jabuuti ay kaalin ka qaateen dhiiri gelinta ciyaartooyda xulka qarankooda u ciyaarayay, hadana waxba uma ayna dhimin ciyaartooyda xulka kubadda cagta Soomaaliyeed sawaxanka iyo gasac tumida tirade badan, ilaa iyo dhamaadka ciyaarta lama ogeen cida tartankaan ku guulaysan doonto. Ma ayna noqon sidii aan rajaynaynay, hadana Gari sideedaba laba qof kama wada qosliso. Qaladaad is fahmi waa difaaca xagiisa ah ayaa daqiiqadii 87-aad waxaa ka dhashay gool lama filaan ah xulka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Kabtanka xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliyeed C/qaadir Cumar Ibraahim (Guduudoow) mar aynu ku waraysanay qadka taephonka ayaa yiri “Looma aanayn karo guul daradaan qofna, maxaa yeelay ciyaartooyda dhamaan waa dadaaleen, ciyaarta qaybteedii hore waan ka gacan saraynay, waxaana ku raja waynayn in aan dhowr gool ka dhali karno qaybta labaad ee ciyaarta kadib markii nasashadii qaybta labaad aan la tashanay macalimiinteena. Mase noqon, kubadda ayaa sidiisaba ah cad iyo madow”.

Cqaadir Cumar Ibraahim (Guduudoow)

Mid ka mid ah daawadayaashii ciyaarta oo taageerayay kooxda Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa yiri markii ay ciyaarta dhamaatay “Waxaan hubaa in ciyaartooyda wadatay magaca iyo funaanada Qaranka Soomaaliyeed ay dadaaleen, marka la fiiriyo meesha ay ka yimaadeen iyo marxalada uu dalkeenu ku jiro”.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa aad waqti badan u geliyay sidii uu Isboortiga Soomaaliyeed uga talaabsan lahaa xabsiga ay dagaalada sukeeye geliyeen, waxaanse ka marqaati nahay in maalin uun la gaari doono Rajada kor loo fiirinaayo hadii dadaalka isku duubnida ah la sii wado.

Wixii faah faahin intaan ka badan oo ciyaarta ku saabsan gadaal ayaan idinkaaga soo sheegi doonaa.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football