Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

XULKA QARANKA KUBADDA CAGTA OO SHALAY U AMBABAXAY DALKA JABUUTI

12 November 2007

Waxaa shalay oo Axad ahayd, taariikhduna ay ku beegneyd  11-kii November 2007 si rasmi ah uga duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Madaxda, maamulka iyo Ciyaartooyda Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed, iyagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti.

Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dalka Jabuuti kula yeelan doono Xulka kubadda cagta Qaranka Jabuuti, ciyaar ka tirsan  isreeb reebka ciyaaraha Adduunka sanadka 2010 lagu qaban doono dalka koonfur Africa.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa 23 ciyaartoy iyo shan macalin horay ugu xulay bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar 15 keedii, si ay ugu diyaar garoobaan ciyaarta ay Jabuuti la yeelan doonaan.

Inkastoo wada tashiyo uu xiriirku la sameeyay mar labaad qaar ka tirsan tababarayaasha kooxaha heerka 1aad iyo 2aad ee kubadda cagta Soomaaliyeed. Ayaa doraato waxaa la isku af-gartey in la dhimo tirade ciyaartooy iyo macalinba. Xisaabtana lagu daro saddexda ciyaartoy ee ka imaanaya dalka Canada .

Waxaa kama danbayn la isku af-gartay laguna doortay 18-kii ciyaartoy ee metali lahayd Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo seddaxdii macalin ee raaci lahayd, kuwaas oo kala ahaa:


National Team

Team Manager: Macalin Xuseen Cali Coonka, oo ay wehliyaan Maxamed Cabdulle Farayare iyo Cali Maxamed Absuge.

MAGACYADA CIYAARTOOYDA

KOOXDA

01.C/qaadir Cumar Ibraahim (Guduudoow) kabtan

Elman F.C

02.Yaasiin Cali Cigaal

Elman F.C

03.Ibraahim Axmed Maxamed (Jamadaar)

Elman F.C

04.Badri Macalin Axmed

Elman F.C

05.C/qaadir Shiiq Cimaan (Bakiyaa)

Elman F.C

06.C/raxmaan Cismaaciil Cismaan (Baasuuke)

Elman F.C

07.Qaasin Siidoow Xuseen (Baaruud)

Elman F.C

08.Farxaan Cismaan C/laahi (Istiila)

Banaadir Telcom

09.Maxamed Cabdi Caseer 

Banaadir Telcom

10.Qaalid Cali Mursal

Banaadir Telcom

11.C/fitaax Cabdi Cusmaan (Carab)

Banaadir Telcom

12.Anwar Saadaad Ibraahim

Daalo

13.Cusmaan Yuusufcusmaan (Aayarta)

Daalo

14.C/Casiis Maxamed Cali (Hoomi)

Dekadaha

15.C/waaxid Maxamed Mahad

Dekadaha

16.Muxudiin Axmed Maxamed

Bad Baado

17.C/raxmaan Maxamed Maleela (Baxaar)

Suber Sheel

18.C/laahi Yuusuf Cusmaan (Xaaji)

Feeynuus

Seddexda ciyaartooy ee Canada ka imaanaya ayaa kala ah:

19. Cabdicasiis Dhagay

Toronto - Canada

20. Cali Baashi

Toronto - Canada

21. Fu'aad yare

Toronto - Canada

 Xulka ayaa waxaa lagu wadaa maalinta Jimcaha taariikhduna ku beegan tahay 16/11/07 inuu la ciyaaro Xulka kubadda cagta Qaranka Jabuuti hadaba si aan wax badan uga ogaano diyaargarowga iyo suurta galnimada  ciyaartaas, maadaama uusan jirin waqti dheer oo uu xulku tababar ku sameyn karo gudaha dalka Jabuuti  iyo is fahamka ciyaartoyda aan isku meel ku soo tababar qaadan, ayaan waxaan wareysi ku saabsan arintaas kula yeelanay gudaha garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, shalay oo taariikhdu ahayd 11/11/2007 Macalinka Xulka Qaranka Xuseen Cali Coonka  oo aan weeydiinay dhowr su'aalood:

Kubadda:       Sidee kuula muuqataa is fahamka ciyaartoyda maadaama aad xulka Qaranka ku soo darteen ciyaaryahano kale oo ka yimid wadamo dibada ah, sida dalka Canada , oo nagu maqaal ah in ay ka yimaadeen seddax ciyaartooy?

M Coonka:     Marka hore, waad mahadsan tihiin hadaad tihiin bahda shabakada isboortiga ee kubadda.com. Hadaan kaaga waramo ciyaartooyda aan u soo xulnay Xulka qaranka mudadii ay ku xareysnaayeen xerada tababarka ee naadiga Elman F.C.

Kooxdu waxay sameeysay illaa iyo 4 (afar) kulan oo tijaabo ah, waxaana la sameynay kooxaha kala ah Badbaado  oo aan kaga guuleysanay 4-1 Gool, sida kooxda Banaadir F.C. oo aan sidoo kale kaga guuleysanay 2-0 Gool, xulka Degmada Kaaraan oo aan iyagana kaga badinay 5-0 Gool iyo gebaggabadii kooxda Al-Bedar oo aan ku soo qatin-nay 4-0 Gool. waxay ila tahay diyaar garoow wanaagsan in aan samaynay rajadeenuna ay aad u fiican tahay.

kubadda : Maadaama sida aad noo sheegtay aad sameyseen ilaa iyo 4 kulan oo tijaabo ah, ma is leedahay guul ayay ka soo hooyn karaan ciyaaryahanadan aad soo xusheen, oo aad kala hor tegi doontiin xulka Qaranka kubadda cagta dalka Jabuuti ?

M Coonka:      Haa, si fiican ayaan ugu kalsoonahay ciyaartooyda xulka, is fahamkooduna waa 100%, welina waxaa seddax ciyaartooy nooga imaanayaan dalka Canada .

kubadda: Seddaxda ciyaartoy ee ka imaanaya dalka Canada , ma waxaad is leedahay wax bey ku soo kordhin karaan awooda xulka Qaranka?

M Coonka: Aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay in ciyaartooy Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa ay ka mid noqdaan xulka Qaranka, waayo waa qarankiisii, waa dalkiisii iyo calankiisa waxa uu difaacayo. Aniga waxaan qabaa in ay tahay arin lagu farxo oo ku dayasho mudan.

kubadda: Qaab noocee ah ayey suurta gal ku noqon kartaa in mudo yar ay isku fahmaan ciyaartooyda aad Muqdisho ka soo xusheen iyo kuwa aad sheegtay in ay ka imaanayaan dalka Canada . maadaama aadan haysan waqti idinku filan oo aad tababaro kale ku sii samaysaan?

M Coonka: Walaahi in kastoo ay tahay arin culus hadana waxaan ku dadaali doonaa in aan ka faa'iideysano fursada sadexda maalin ee nooga harsan ciyaarta.

kubadda: Ugu danbyen macalin Coonka, dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee aad magacooda iyo calankooda xan baarsan tihiin, maxaad u sheegeysaa maadaama ay ka dhur sugayaan kulanka aad la leedihiin dalka Jabuuti, jimcaha soo socdo?

M Coonka: Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto dalka gudahiisa iyo dibadiisaba waxaan u sheegayaa in aan dadaali doono qaranka Soomaaliyeedna aan guul u soo hoyn doono haduu Alle yiraahdo. Iyagana waxaan ka codsanaynaa inay na siiyaan taageero hiil iyo hooba leh, meel kasta ha joogaane gudaha dalka iyo dibadiisaba. Waxaana mahad celin u soo jeedinayaa madaxda iy mas'uuliyiinta nagu garab siiyay in aan tartankan ka qeyb galno iyo taageerayashii nala joogay intii aan tababarka wadney iyo dhamaan shacabka tirade badan ee ka soo qayb galay sagootinteena maanta, waxaa kaloo mahad balaaran aan halkan uga soo jeedinayaa Website-ka kubadda.com sida habsamida leh ee ay u soo tabiyaan dhacdooyinka isboorti ee ka dhaca mar walba dalka gudihiisa iyo daafaha caalamka.

Xaflada lagu sagootinaayay xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhacday Global Hoteel,  waxaana ka soo qeyb galay marti sharaf tiro badan, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Guddiga Olympikada Soomaaliyeed  Mudane C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) sidoo kale waxaa halkaas qudbad aad u qiimo baddan ka soo jeediyay ku simaha Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Salaad Macalin Maxamed (Salaad Gaab),  waxaa kale oo goob joog ka ahaa xafladaas Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olympic-ga Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga Mudane Aadan Xaaji Yabaroow (wiish) iyo qaar ka tirsan madaxda xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta kan Olympikada iyo xiriirada kale.

Ugu danbeyntii ciyaartooydii iyo macalimiintii iyo wafdigii la socday ayaa diyaaradii qaadaysay ay cagaha dhulka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Air Port. ee magaalada Muqdisho, saacadu markey ahaydd  12:30 pm.

Safarka xulka qaran waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Mudane Bashiir Geeseey, gudoomiyaha guddiga Olympikada Soomaaliyeed Mudane Cqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) iyo marti sharaf uu ka mid ahaa Abuukar Islow iyo wariye C/samad C/xafiid (Zaciimka) oo ka tirsan warbaahinta Zimba ee Magaalada Muqdisho.

Abkow Bashiir Geesey

Xulka qaranka Soomaaliya waxaa dalka Jabuuti uga sii horeeya Guddoomiyaha xiriirka  Soomaaliyeed ee kubadda Cagta  Mudane Siciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaanbe), Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane C/qani Siciid Carab iyo  saddexda ciyaartooy ee ka imaanayay dalka Canada oo uu wehliyo Daahir Boodaaye.

Haddaba akhristayaasheena iyo dadweynaha xiiseeyo ciyaaraha waxaan kaga cudur daaranaynaa in aanan ilaa iyo hada ogayn meesha laga daawanayo ama chanalka TV-ga soo dayn doono ciyaarta Qaranka Xulka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee ka dhici doonto Jabuuti, maalinta Jimcaha bishu ku beegan tahay 16/11/2007 haduu Eebbe idmo.

Waxaanse isku dayi doonaa in aan si toos ah idinkugu soo gudbin doonno natiijada iyo wixii xarakaad ah ee ka soo baxo kulanka ciyaartaas, idinkoo kala socon doona boggeena website-ka kubadda.com.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football