TAAGEERE KOOXDA LAZIO, OO KU DHINTAY XABAD MADAXA KAGA DHACDAY
12 November 2007
Kooxda Italian Serie A, ee Internazionale's ciyaartii ay la lahayd shalay kooxda kale ee Lazio ayaa la baajiyay, kadib markii uu mid ka mid ah ciidamada Booliska amaanka uu ku toogtay mid ka mid ah taageerayaasha Lazio meel xawaare u jirta 100 miles magaalada Roma jidka wayn ee magaaladaas ka baxo (motorway service station).
Madaxda maamulka xaafadaas ayaa ku tilmaamay dhimashada in ay ahayd mid aan ku tala gal ahayn. Maxaa yeelay Booliska wuxuu rabay in uu kala dhex galo buuq qiyaastii 200 qof oo taageroyaal ah ka dhex socday, kuwaas oo kala taageerayay Lazio iyo kooxda Turin oo fadhigoodu yahay Juventus ee u dhawaa xaafada Arezzo gudaha Tuscany.
Taageeraha Lazio ee ku dhintay xabada, ayaa dhaawaca ka soo gaaray madaxa inkastoo uu baaritaan ku socdo cida ku dhufatay ayaa waxaa loo aanaynayaa xabadii Booliiska meesha yimid.

Labada koox ee kala taageera Lazio iyo Juventus ayaa ciyaar ugu socday garoomada kooxaha ay la dheelaayeen wiigaan ee tartanka Serie A-da marka uu dhacayay shilkaan dhimasho.
Ciyaartii dhex mari lahayd Internazionale iyo Lazio ee garoonka San Siro, ayaa la baajiyay durbadiiba inkastoo dhamaan ciyaarihii shalay ka dhacay garoonada kale ee Serie A-da toban minute dib loo dhigay.
Sidoo kale Ciyaartii dhex mari lahayd Atalanta iyo AC Milan garoonka Bergamo ayaa iyadana la baajiyay, kadib mar ay madaxa isla galeen labada taageeroyaal ee ka kala socda labadaas koox nuskii hore ee ciyaarta markay socotay 7 minutes.
Ciyaartoyga AC Milan Sedof, ayaa mar la waraystay ka dhiibtay aragtidiisa asagoo yiri “waxaad mooday garoonka in uu yahay goob dagaal sokeeye ka socdo, xabadaha iyo isdhax galka labada taageero iyo Booliiska ku kala dhex jiray, waxaana dhihi karaa ayuu yiri taasi ma ahan mid ka turjumi karta falka wanaagsan ee taageerida koox football ah.”
Sanadaha la soo dhaafay ayaa ciyaaraha Italian Serie A lagu tilmaamayay kuwo magac xun u soo jiidaya sumcada dalka ama Serie A sida laaluush qaadasho iyo falal xun xun oo isdil taageerayaasha dhaxdooda ah ama kuwa wadamada kale ee dibada uga yimaado ay ku weeraraan iyo ka hor imaad Booliiska ilaalada amaanka garoomadooda.
Madaxda sare ee Italian Serie A ayaa maanta shir deg deg ah u fadhiisanayay, si ay xal deg deg ah uga gaaraan dhibka shalay dhacay cidii ka mas'uul ahayd iyo go'aankii ay ka qaadan lahaayeen.
Written by: Mohamed Sheikh Abdi (weli)