RUUD GULLIT OO LOO MAGACAABAY MACALINKA KOOXDA LA GALAXY
10 November 2007
Ruud Gullit, inkasta uuna shaqada macalinimada mudo qaban ilaa iyo intii uu ka tagay kooxdii Feyenoord, laba sano ka hor ayuu hada wuxuu aqbalay in uu macalin u noqdo kooxda LA Galaxy, oo dhawaan macalinkoodii iska casilay. Kooxdaas oo uu u ciyaaro laacibka wayn ee reer Ingriis David Beckham.
Gullit, waxaa laysku raacay ciyaartooy ahaan in uu ku jiro kuwa ugu magaca wayn ciyaartooyda Adduunka soo martay, balse waxaa farta lagu fiiqay oo xoogaa la dhaliilay macalin nimadiisa, waayo intuu joogay kooxda Chelsea guulaha uu tirsan karo ayaa lagu tilmaami karaa Hal koob oo FA Cup ah, kooxaha Newcastle iyo Feyenoord intuu la joogayna wax guul ah uu sameeyay ma jiraan.
Labadii sano ee la soo dhaafay Ruud Gullit, wuxuu la shaqaynayay warfaafinta television-ka. Wuxuu ka dhex baxay maamul iyo tababarid football, hadaba waxaa aad loola yaaban yahay saxiixa uu u saxiixay shalay oo taariikhdu ahayd 08/11/2007 in uu seddexda sano ee soo socoto uu laylin doono kooxda LA Galaxy, oo ah kooxaha ugu xooga iyo lacagta badan leh kooxaha ka dhisan United States, Hadaba waxaa la is waydiinayaa Malaga yaabaa in uu kooxda Guulo badan u soo hooyo mise wuu iskaga carari doonaa haduu ku guuldaraysto maamulkiisa ?

Intuu ka faaloonaayay ciyaaraha hada kahor xiligii uu warbaahinta television-ka ka shaqaynaayay bishii August ayuu carabaabay in ay tahay waqtigii ku haboonaa ciyaartooy David Beckham in uu iskaga fadhiisto ciyaaraha uu u safanaayo Qaranka, ee uu awoodiisa iskugu geeyo kooxdiisa. Inkasta uu David Beckham xiligaas uu u cadeeyay warbaahinta in uu jecel yahay in uu ciyaarta uu u ciyaarayo qarankiisa uu sii wadi doono ilaa iyo koobka Adduunka la qaban doono sanadka 2010-ka.
Hadalkaas ayaa wariyeyaasha Adduunku ay ka faa’iidaysanayaan in ay dhowr weji u kala fisirtaan loogana cabsi qabo in iska hor imaad uu uga yimaado xiriirka macalinka cusub ee LA Galaxy Ruud Gullit iyo laacibka kooxdaas David Beckham.
Hishiiska uu shalay saxiixay ayaa ka dhigi doono Macalinkii ugu qaalisanaa ee soo maro kooxda MLS. Inkasta oo ay kooxdu hada ku maqan tahay safar ciyaar saaxibtinimo ay ku joogi doonaan asbuuca soo socdo magaalada Minnesota.
Gullit, wuxuu sheegay in uuna awoodin in uu uga daba tago kooxda Minnesota, balse wuxuu balan qaaday inuu uga daba tegi doono safarka kale ee ay u geli doonaan Australia, ciyaarta saaxibtinimo ee kooxda Sydney FC iyo kooxda kale ee Wellington United ay kula yeelan doonaan magaalada New Zealand, halkaas oo uu jecel yahy inuu ciyaartooyda kooxdiisa LA Galaxy uu kula shiro, kuna dhagaysan doono fikradaha ciyaartooyda iyo waxa ay damacsan yihiin iskuna dhaafsan doonaan ra’yigooda.
Ruud Gullit, wuxuu u sheegay weriye yaasha imaatinkiisu inuuna ku salaysnayn in uu u balan qaadayo kooxda in ciyaar kasta ay badinayso, balse uu ka shaqayn doono, korna u qaadi doono inuu ka xoojiyo kooxda meelaha ay ka liitaan si ay guulo badan u gaaraan, taas oo ku xiran ayuu yiri ciyaartooyda in ay ku ciyaaraan si niyad iyo daacad nimo ah, oo ay wehliso jacalyl ay u qabaan kooxda.
Waxaa soo diyaariyay: Moahamed Sheikh Abdi (weli)
Taariikhda laacibka wayn ee Ruud Gullit, oo afka Ingriiska ku qoran:
Riix halkaan