Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, July 05, 2008

PAULA RADCLIFFE & MARTIN LEL, OO KU GUULAYSTAY ORADKII NEW YORK MARATHON 2007

5 November 2007

Oradkii ING New York City Marathon, ayaa lagu soo gabagabeeyay shalay oo bishu ahayd 04 November 2007. Oradkaan uu ka qayb galaayay orodyahanka dhalashadiisii hore ahayd Somali, oo hada ka hor Laba jeer ku guulaystay tartanka marathonka Olympic-ada Abdi Abdirahman ayayna u suurto gelin in uu kaalimaha koowaad iyo labaad iyo seddexaadba ka dhex muuqdo.

Abdi Abdirahman, ma ahayn kaligiis orad yahanada American-ka ah ee Orda, orodka xawaaraha dheer, kuwa guulihii laga filaayay aanan muujin tartankaas, waxaa kaloo ka mid ahaa sida Ryan Hall, Dathan Ritzenhein iyo Brian Sell oo la filaayo in ay hogaamin doonaan oradyahanada American-ka ah ee ka qayb geli doonto orodka soo socdo ee Olympic-da 2008-ka.

Tartankaas ayaa labada dhinacba wiilasha iyo gabdhaha orodyahanada marathonka professional-ka ah, ay ku mintideen sida gabadha dhalashadeedu tahay Great Britain, oo 33 jirka ah ee Paula Radcliffe, oo hada ka hor ku guulaysatay champion-ka 2004-kii, iyo Wiilka reer Kenya Martin Lel, ee 29 jirka ah, oo isna hada ka hor ku guulaystay oradkaan isla magaaladaan ING New York City Marathon champion-ka 2003-dii.


Kenya's Martin Lel and Paula Radcliffe

Paula Radcliffe, ayaa aad ugu faraxday guusha ay tartankaan ka soo hooysay, maxaa yeelay ma aynan helin waqti fiican ay ku tababarato maadaama ay fasax laba sano ah, u qaadatay in ay cunug dhasho, dhawaana dhashay gabar yar oo lagu magacaabo Isla, oo Sagaal bil oo qur’ah jirta.


Paula Radcliffe

Tababar fiican oo ay qaadato waxaa ugu danbaysay sanadkii 2005-tii oradkii ka dhacayay magaalada Helsinki. Guusheeda ayaa saaciday cimilada New York, oo ahayd mid diiran qorax fiicana jirtay, inkastoo oradka badankiisa ay nafta u keentay gabadha reer Kenya, ee lagu magacaabo Geta Wami, oo xataa dhaaftay mar dhamaadkii oradka balse Paula Radcliffe, nafta ag dhigtay sidii ay ku soo ceshan lahayd hogaankii kuna badisay 2-ba saac iyo 23 minute iyo sagaal second, kuna mooday 23 second, gabadhii reer Kenya Geta Wami.

Dhinaca wiilasha ayaa isna Martin Lel, uuna ku qaadin si raaxo leh, maxaa yeelay oradka markii la bilaabay iyo intuu ka dhamaanayay uu cagta cagta u saaray orodyahanka kale ee lagu magacaabo Abderrahim Goumri, ee u dhashay dalka Morocco. Labadaan orad yahan ayaa marba mid isku dayaayay in uu gudbo kan kale balse farsamada oradka ayaa ku jirtay in qof kastaa kartidiisa ugu danbaysa uu dib u dhigto fagaxda daqiiqadaha ugu danbeeyo. Waxaana sidoo kale isna ka harin iskuna dayaayay in uu kala qayb qaato halganka oradkaan oradyahanka lagu magacaabo Hendrick Ramaala, ee reer South Africa oo hada ka hor ku guulaystay oradkan ING New York City Marathon 2004-tii.

Waxba yaan war idinku daalinine, oradkaas ayaa lagu kala tagay labadii minute ee ugu danbaysay halkaas uu guushii kula hoyday oradyahanka reer Kenya Martin Lel, oo ku qaaday 2-ba saac iyo 09 minute iyo afar second, halaka uu kaalinta labaad ku galay wiilka reer Morocco ee lagu magacaabo Abderrahim Goumri, oo isna ku dhameeyay 2-ba saac iyo 09 minute iyo 16 second, halka uu kaalinta seddexaadna ka galay wiilka reer South African Hendrick Ramaala oo keensaday 2-ba saac iyo 11 minute iyo 25 second.


Abderrahim Goumri (MAR), Martin Lel (KEN) and Hendrick Ramaala (RSA)

Martin Lel, ayaa rajaynayay in uu dhigo oradkaan record cusub si uu u jebiyo record-kii hore ee uu dhigay orad yahankii reer Ethiopia Haile Gebrselassie, wuxuuse yiri “maxaan record cusub dhigaa anaaba qal qiil galay markaan gadaal u fiiriyay labada orad yahan ee kaalmaha igu xiga kala galay. Waanse ku han waynahay mustaqbalka dhow in aan mar uun jebiyo recordkaas u yaalo Haile Gebrselassie.”

Written by: Mohamed Sheikh Abdi (weli)

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football