TARTAN SBORTI OO LAGU TAAGEERAYEY MAGAN DAAHIR
4 November 2007
Munaasabadan ayaa ahayd tii ugu horeysay oo ay bilowdo Jaaliyadd Soomaaliyeed in ay ku taageerto Horiyaalka kubadda Miiska ee Soomaaliga ah Magan Daahir, inkasta uu Magaca Holland ku ciyaari doono ciyaaraha Olympicada hadana waa fara ku tiris ciyaartooyda dibada ka ciyaarta oo hadan markasta u taagan in ay caawiyaan wadankoodii hooyo.
Hay’ada Nedsom Foundation iyo Jaaliyada Soomaaliyeedba
ku dhiiri geliyeen Magan Daahir inuu sii wado dadaalkiisa isla markaana ay la garab
istaagi doonaa taageeradooda marka uu tago ciyaaraha Olympicada.
Waxaa maalinimadii Sabtida magaalada The Hage, ee dalka Holland ka dhacay munaasabad Sporti oo ay si wada jir ah uga qeyb qaateen dhalinyarada iyo waaladiinta Jaalliyada Soomaalida dalka Holland ku dhaqan.
Munaasabadan oo ka dhacday The Hage, ayaa lagu maamuusayey taageerada Magan Daahir, oo ah Horiyaalka curiyaanka ah ee Kubada Miiska, kaasi oo in badan ku tilmaamaan mucjisada Kubadda Miiska.
Magan Daahir oo hada u dadaalaya sidii uu uga qeyb geli lahaa ciyaaraha Olympicada ee ka dhici doona dalka China, ayaa waxuu halkaasi kusoo bandhigay ciyaaro iyo tababar uu siinayey dhalinyarada iyo waalidiinta Jaaliyada ee xiiseenayey maalintan Sportiga Soomaalida loogu magacdaray.
Hay’ada Somalida Holland ee NEDSOM oo soo qaban qaabisay munaasabadan ayaa sidoo kale halkaa kusoo bandhigtay tababaro la xariira dhinaca Sportiga iyo Caafimaadka.
Waxaana halkaasi ka dhacay Ciyaaro isugu jira Kubada cagta, kubada kolayga (Basketball), Kubada Miiska (Tabel Tennis), iyo dabaasha (Swimming).
Munaasabadan oo socotay maalin dhan ayaa lagu soo gaba gabeeyey xaflad balaaran oo lagu soo bandhigay suugaanta Soomaalida, halkaasi oo sidoo kale lagu bixiyey abaalmarino lasiiyey dadkii ku guuleystay ciyaaarihii maalintaasi halkaasi ka dhacay.
Munaasabadan ayaa ahayd tii ugu horeysay oo ay bilowdo Jaaliyadd Soomaali ah oo ay ku taageerto Horyaalkan Soomaaliga ah, ayadoo Hay’ada Nedsom Foundation iyo Jaaliyada Soomaaliyeedba ku dhiiri geliyeen Magan Daahir inuu sii wado dadaalkiisa isla markaana ay la garab istaagi doonaa taageeradooda marka uu tago ciyaaraha Olympicada.
Written by: Mahad Muse
Email: mahad6@hotmail.com