Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

MAXAA KA TAQAAN HALYEEYADII CIYAARAHA FUDUD?

3 November 2007

Soomaaliya waxa ay taariikhda Isboortiga Adduunka iyo tan Afrikaba kaga jirtay kaalimo aad iyo aad u sareeya wixii ka horeeyaya sanadihii 1990-kii, haddey noqoto xagga kubbadda cagta, koleyga, ama ciyaaraha fudud. Waxaa dalka ka jirtay Wasaarad Isboorti oo aad iyo aad u tayo sareysay ilaa iyo xad, oo ka koobneyd Xiriiro isboorti oo fara baddan. Xiriir walba goonidiisa ayuu u ahaa mid xoogan, oo shaqeynaya. Waxaa dalka sanad walba lagu qaban jiray tartamadii dugsiyada, degmooyinka iyo ciyaaraha gobolada, oo ay runtii kasoo bixi jireen ciyaar yahano aad iyo aad u tiro baddan.

Waxaan dhihi karaa, ciyaaraha Fududi waa qaybta Isboorti ee laga gaaray horumarka ugu badan taas oo sababtu tahay in Soomaalidu leedahay hibo dabeeci ah oo EEBE ugu mineystay. Halyeeyadaa magaca wayn ku lahaa Isboortiga Soomaaliyeed,hadaan damco in aan magacyadooda hal hal u soo qoro maanta iyo beriba ka bixi maayi, waxaanse isku dayayaa in aan wax ka qoro intaan ka xasuusto guulihii iyo sanadihii ay qaadeen anoo jecel in aan u horeysiiyo hormoodna uga dhigo Cabdi Bile Cabdi iyo Cabdulle Nuur Waasuge. Allaha u naxariistee.


Cabdi Bile Cabdi, Rome (Italy)

Cabdi Bile, oo ahaa halyaygii Soomaaliyeed ee qaaday billadii dahabka ahayd, orodkii 1500 mitir ee adduunka siddeetaneeyadii magaalada Rome (Italy). & Cabdulle Nuur Waasuge halyeeygii boodada sare ee hada ka hor magaalada Lagos (Nigeria) lagu guddoonsiiyey billaddii dahabka ahayd ee boodada sare ee Qaaradda Africa toddobaataneeyadii. Waxaan hubaa halyeeyadaan in aan la iloobi karin oo baal dahab ah ay taariikhda Soomaaliyeed ug qoran yihiin.

Waxaan halkan aan idiinku soo gudbineynaa qiyaasaha waqti ama masaafada ee u yaala Orodyahanada qaranka Soomaaliyeed. Waxaa suurta gal ah in ciyaartoy kale ku ordeen ama gaareen qiyaas ka wanaagsan tan hoos ku qoran, waxaase aan lagu nisbayn ama aanu huwanayn ciyaartoygaasi magaca ama calanka qaranka Soomaaliyeed xilliga uu ka qayb galay tartankaas.

QIYAASAHA XAWAARE EE CIYAARIHII FUDUD EE SOOMAALIYEED

WIILASHA

TARTANKA

QIYAAS

CIYAARTOYGA

TAARIIKHDA

GOOBTA TARTANKA

100m

11.36

Cabdi Maxamed Cabdulqaadir

07.08.87

Nairobi

10.4

Xasan Islaw

15.10.77

Muqdisho

200m

21.88

Cali Cabdi Maxamed (Cali Bay)

21.12.83

Riad (SA)

21.4

Maxamed Yuusuf

.68

Muqdisho

400m

47.91

Ibraahim Cukaash Cumar

04.08.84

Los Angeles

800m

1:43.60

Cabdi Bile

16.08.89

Zürich

1000m

2:14.50

Cabdi Bile

13.09.89

Jerez De La Frontera

1500m

3:30:55

Cabdi Bile

03.09.89

Rieti

mile

3.49.40

Cabdi Bile

02.07.88

Oslo

2000m

4:59.77

Cabdi Bile

14.06.87

Fürth

3000m

7:42.18

Cabdi Bile

21.08.94

Köln

5000m

13:40.61

Cabdi Cabdiraxmaan

06.06.98

Amherst

10000m

28:06.65

Cabdi Cabdiraxmaan

07.05.99

Stanford

Mar

2:17:24

Axmed Maxamed Ismaciil

19.10.86

Detroit

3000mst

9:12.62

Nuur Jaamae Aadan

05.09.06

Oslo

HJ

2.05

Cabdulle Nuur Waasuge

.07.72

Muqdisho

2.05

Cali Maxamed Muudey

18.11.77

Muqdisho

PV

3.50

Maxamed Cusmaan Yuusuf

.70

Sheikh

LJ

7.35

Cabdulle Nuur Waasuge

24.08.72

Munich

TJ

14.95

Maxamed Cusmaan Yuusuf

.68

Sheikh

SP

12.78

Cabdi Cumar Koshinga

.10.83

Muqdisho

DT

33.00

Abdi Cumar Koshinga

.10.83

Muqdisho

4x100m

43.6

Somaaliya

10.04.80

Bagdad

4x400m

3:10.85

Somaaliya

11.08.87

Nairobi

GABDHAHA

TARTANKA

QIYAAS

CIYAARTOYGA

TAARIIKHDA

GOOBTA TARTANKA

100m

13.23

Xaawa Cabdullahi Axmed

07.08.87

Nairobi

12.3

Shuun Daahir

.73

Muqdisho

200m

28.43

Fowsiya Ibraahiim

18.07.86

Athina

25.2

Faadumo Cabdikarin

.73

Muqdisho

400m

59.5

Hindi Shiikh Aadan

09.08.75

Alexandria

64.89

Jamad Oismail Abdi

07.08.87

Nairobi

800m

2:22.1

Qaali Xaagi Aadan

06.09.79

Muqdisho

1500m

4:41.6

Caasha Nuur Xasan

28.08.82

Cairo

3000m

10:15.2

Caasha Nuur Xasan

26.08.82

Cairo

HJ

1.65

Faaduma Cabdalla Xuseen

24.07.78

El Djezair

LJ

5.05

Nadiifa Shiikh Abukar

15.09.77

Muqdisho

SP

8.67

Aamina Cali

04.09.79

Muqdisho

DT

20.28

Aamina Cali

05.09.79

Muqdisho

4x100m

50.6

Soomaalya

18.11.77

Muqdisho

4x400m

4:12.76

Soomaalya

11.08.87

Nairobi

Waxaan kale oo jeclahay inaan xuso ciyaartoy iyo shakhsiyaad u gogol xaaray horumarkaas, waxaa ka mid ah: Haadi, Mal Whitefield, Charles, Jerry, Jaamaac Karaaciin, Cabdi Guuleed, Cali Hufane, Ilmo Waraabe, Xiddig, Goodax, Shuuto,Weerow,Ilmo Cadaani, Jeemis iyo C/qaadir caraale iyo in kale oo fara badan.

Waxaan hubaa in aan ka tagnay inbadan oo aanan kutala gal uga tegin balse xasuusteena hada ka maqan. Waxaanse balan qaadaynaa in aan ku jirno baadi goobka iyo ururinta taariikhda Isboortiga Soomaaliyeed oo aan dib uga soo qori doono inta aanan hada xusin.

Codsi: Cidii haysa maqaal ama taariikhda sportiga soomaaliyeed fadlan nala soo xiriira. info@kubadda.com Soomaalida ayaa ku Maahmaahi jirtay Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.

Waxaa qoray soona Aruuriyay: Hassan Farah (JOHN)

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football