Tartankii K.Kolayga Sweden oo si farxad leh ku dhamaaday
Waxaa Qoray M Sheikh
 |
|
Tartankii saaxiibtinimada Kubbadda Kolayga ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Stockholm ee cariga Sweden. Tartankaas oo ay soo qaban qaabiyeen ciyaartooydii hore ee Kubadda Kolayga oo ku nool Sweden iyo UK - London oo kaashaday Canada iyo USA. iyagoo ka helay martiqaad maamulka Sporti ee dalka Sweden.
|
Ciyaarahaas ayaa mudadii ay socdeen waxaa ka soo qayb galay ciyaartooy dhalin yar oo mustaqbal fiican ku leh kubadda kolayga iyo kuwii cuslaaday, madax iyo marti sharaf magac wayn ku lahaa maamulkii Sport ee dalkeenii Hooyo.
Tartanka oo bilawday 23kii, waxay kooxuhu isku arkeen sedan.
| Tariikhda |
Kooxaha Cayaaray |
Dhibcaha |
| 23/07/2007 |
Sweden |
Vs |
London North |
27 - 36 |
| 24/07/2007 |
London North |
Vs |
North America |
79 - 71 |
| 25/07/2007 |
North America |
Vs |
Sweden |
62 – 55 |
| 26/07/2007 |
( F i n a l ) |
Waxaa cayaarta bilay bilicdeeda dadweyne aad u fara badan, iyo hogaamiyaashii bulshadda oo aan u kala maqnaan. Jawiga garoonku wuxuu ahaa mid la kala taageerayo kooxihii ku looltamayey garoonka.
Kooxda London North oo aan marna laga badin ayaa waxay isku soo noqdeen cayaartii kama dambaysta ahayd kooxda North America oo uu ku soo biiray ciyaartoy yar oo ku nool waxna ka dhigta Magaaladda Seattle ee gobolka Washington State lana yiraahdo Maxamed (MO).
Ciyaarta oo ku bilaabatay weerar, difaac iyo weerar celin talantaali ah oo kooxiba kooxda kale kaga abaareyso halka ay u moodaan iney ka liidato, ayaa kooxda London ku hor martay taxane 3- dhibcoodyo ah oo Axmed Bile kooxdiisa u dhaliyey Bilawgii cayaartay, wax ciyaartu socotaba waxaa lagu kala maray bardhexaadkii cayaarta (Halftime) 70 iyo 76 iyadoo kooxda North London horeysey lix dhibcood.
Qaybtii labaad ee ciyaarta oo kooxda North America soo tashatay waxa lays dhaafsado weerarka iyo difaaca waxaa farqiga goolashu gaaray labo shibcood oo keliya balse dembiyo (fouls) fara badan awgeed u suurta geli weyday kooxda N. America iney gaarto ama dhaafto difaaca London.
Ciyaartoydii kooxda N. America waxaa farsamo iyo awood dheeri ah muujiyey Maxamed Aadan (MO) oo degan Seatelle, Daa’ud Axmed Dheere (Toronto), iyo Cabdullahi Wardheegley oo ku nool Gobolka California USA.
Ciyaarta oo dadwynihii si aad ah ugu riyaaqeen ka soo qaybgalkuna aad u sareeyey waxaa ciyaartii ku dhamaatay N. America 87 iyo N. London 103.
| F i n a l |
| 26/07/2007 |
London North |
Vs |
North America |
103 - 87 |
Ciyaarta waxaa si aad u wanaagsan u daadihinayey garsoorayaashii caanka ahaa Axmed Maxamed Saalax (DIINAASH) iyo Ilyaas Ismaciil Axmed. Waxaa loo aqoonsadaay ciyaartoygii ugu fiicnaa tartanka Xuseen Cusmaan (Shiis Yare) oo muujiyey farsamo aad u heer saraysa, ciyaar wanaag, iyo la shaqayn kooxeed. Waxaa kale oo xusid mudan Axmed Bile, Cabdul M. Afrax.
Ciyaarta oo ay ka soo qaybgaleen marti sharaf aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen Macalin Giftin, Axmed Nuur (SEYGA), Cali Caddulle Guure, Biyooley, iyo Cumar Ganjab, oo ka yimi N. America iyo UK.
Dhinaca Sweden oo aan halkan lagu wada xusi Karin waxaa ka mid ahaa Bashiir Jeenyo, Axmed Xasan, Cali Gurey iyo Yoonis Galbeeti oo ah Gudoomiyaasha iyo maddaxda ururada Isboortigga iyo bulsho ee magaaladda Stockholm Sweden, waxaa kale oo xusid mudan ciyaartoydii hore ee K.Kolayga ee degan Sweden oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Maxamuud Maxamed (Guure) oo ka mid ahaan jirey kooxdii Orfano iyo Somalfruit. Cabdullahi Xaaji Cilmi (EREG), oo ka tirsanaa LLPP, Cabdulqadir Cumar Ciise(ABDUL) Horseed, Cabdi Unguufe, Cabdirashiid (DOOB) iyo Raage Waxool, Cabdicasiis (LOW) Batroolka, Dhaqaale (Somalfruit), Yasiin Maaxi Badda, iyo Baarliin ENC.
Waxaa ciyaarta kadib la bixiyey abaalmarinadii tartanka iyo shahaadooyin qiimayn iyo qaderin waxayna xafladan lagu maamusay xidigtii hore ee qaranka K-Kolayga Soomaaliyeed Xaawo Sheikh Axmed iyo Astur Jaamac, kala ahaayeen sidan.
- Ibrahim Dahir Warsame (GALBETI) oo lagu maamusay shaaho qaderin iyo xushmayn, laguna aqoonsasay isagoo ahaa shakhsigii hogaanka u hayey tartanlii K.Cagta ee ugu horeeyey ee lagu qabtay Sweden. Ilaa iyo Haddana ku hawlan Isboortiga iyo Bulshadda.
- Xamdi Sheikh Axmed oo ahaa gudoomiyaha guddiga maamulka Tartankii saaxiibtinimada Kubbadda Kolayga Sweden 2007, oo si hawlkartinimo leh ku suurta geliyey tartanka.
- Liibaan Daahir Nuur oo habeen iyo maalin ku hawlanaaa danaha ciyaartoyda K.Kolayga iyo hubinta hab u socodka tartanka.
- Garsoorayaadhii Tartanka Axmed Diinaash iyo Ilyaas oo ahaa madaalayaal habeen kasta u garsoorayey daacadnimo iyo hufnaan.
- Dhanka warbaahihinta waxaa la maamuusay shabakadaha Midnimo.com iyo wardheernews.com, oo si joogta ah ugu hawlan horumarinta Isboortigga Soomaaliyeed.
- Dhanka ururadda waxaa lagu xushmayey xafladda ururada
- a) SRFS oo uu u gudoomay Gudoomiyaha mudane Ahmed Hassan.
- b) SEUKI oo uu u gudoomay Gudoomiye Mudane Cali Gurey, iyo
- c) SKIF oo uu u gudoomay Mudane Abuukar Aadan Deeqow (CAATO)
Waxaa kale oo loo mahad celiyey Xuseen Maxmed Cali Kaar (GUDUUDOW) iyo dhamaan shaqaalaha Ristorantiga Kultur Kafe oo xil gaar ah iska saaray martisoorka kooxihii K. Kolayga.
Ka dib waxaa la gudoonsiiyey billado kaalimihii 3aad, 2aad iyo 1aad, waxaana kala gudoonsiiyey 4ta gudoomiye Xamdi Sheikh, Axmed Xasan, Cali Gurey iyo Yonis Galbeeti.
Ugu dambayn waxaa gudoonsiiyey koobkii kaliinta 3aad Macalin Giftin, kaalinta 2aad waxaa gudoonsiiyey Astur Jaamac oo ahayd ciyartoy K Kolay ee heerka 1aad iyo qaran. Kaliinta 1aadna waxaa gudoonsiiyey Xaawo Sheikh Axmed (Xaawo Taako) oo ahayd halyeyad heer naadi iyo heer qaran.
Ugu dambayn waxaa maamulka tartanku u mahad celinayaa intii gacanta geysatay suurtagelinta tartankan, iyo habsami u socodka tartanka. Waxaa xusid gaar ah mudan Gudoomiye Nur Xuseen Maalin, Axmed Shell, Cabdulqaadir Isoomarey oo ah waayeelka bahweynta Isboorti iyo fanaaninta bilicday xaflada King Khaalid (London), iyo Super Khaalid (Sweden). Iyo Liibaan.