Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

WARQAD FURAN

31 December 2007

Ugu horeyn waxaan hawada idin soo marinaya salaan xanbaarsan SPORTS bahda kubadda.com, tan xigta aniga oo ah Cabdi Cabdullaahi Hilowle (cabdi-yare) waxaa in muddo ah, aan badi goob ugu jirey sidii aan ku heli lahaa, laga soo bilaabo xiliyadii hore, in aan ogaado inkasta oo aan xusuusto inta badan, balse aan filaayo in uu qalad iiga jiro sidda ay kala ahaayeen kooxihii kubadda koleyga, haddaba waxaan qabaa su'aalaha hoos ku qoran in aad iga siisaan faah-faahin. Maadaama aan u arkay in aad aqoon durugsan u leedihiin Isboortiga dalka.
 
1. Meeqo ayey ahayeen naadiyadda leh, kubadda koleyga Wiilal iyo Gabdho ?
 
2. Naadiyadee lahaa koox wiilal kaliya ah ee kubadda koleyga ?
 
3. Naadiyadee lahaa kubadda laliska ?

 
Inkasta oo aan ogahay in kubadda lalsika la ciyari jiray xiliyadda cayaaraha  Goboladda inta badan.
 
Haddaba saaxiibayaal waxaan aad u daneynayaa in aan ogaado xiligii berisamaadka naadiyaddii jirey ee kubadda koleyga iyo laliska ?

Qore: Cabdi Cabdullaahi Hilowle (cabdi-yare)

JAWAAB

Abdi aad ayaad ugu mahadsan tahay sida kalsoonida leh ee aad noo soo waydiisay su'aalaha caqli galka ah ee ay in badan oo isboortiga dalka daneeya ay is waydiiyaan. Waxaana isku dayeynaa in aan jawaabahaagii ayagoo tafatiran halkan hoose kuugu soo qorno.

* Marka hore 11 (kow iyo toban) kooxood ayay ahaayeen naadiyadii lahaa wiilal iyo gabdho. Afar kooxna waxay ahaayeen kuwo leh wiilal kaliyah. Lix kooxna waxay lahaan jireen kooxo laliska ah. Kooxahaan waa kooxihii jiri jiray xiliyadii danbe kuwaas oo kala ahaa:

A

JEENYO

Wiilal

Gabdho

 

B

W G U (ENC) 

Wiilal

Gabdho

 

C

SOMALTEX

Wiilal

Gabdho

 

D

SANCADA

Wiilal

Gabdho

 

E

BATROOLKA

Wiilal

Gabdho

 

F

MUQDISHOW

Wiilal

Gabdho

Lalis

G

HORSEED

Wiilal

Gabdho

Lalis

H

BADDA

Wiilal

Gabdho

Lalis

I

SOMALITA

Wiilal

Gabdho

Lalis

J

WAXOOL 

Wiilal

Gabdho

Lalis

K

SIGAARKA

Wiilal

Gabdho

Lalis

L

W M Q

Wiilal

 

 

M

WAGAD

Wiilal

 

 

N

SAHAN

Wiilal

 

 

O

WACAAF 

Wiilal

 

 

 

Kooxaha Somaltex, Sigaarka, Sahan iyo Wacaaf, ayaa ahaa kooxo qaarkood burbureen ama ku biiray kooxo kale. Waxaa intaa wehliyay kooxo kale oo jiri jiray waqti gaar ah. Waxaan filayaa in shaxda kor ku qoran si fiican kuu qancisay (cabdi-yare).

Waxaan mar walba diyaar u nahay in aan dhagaysano, mudnaana siino su'aalaha akhristayaasheena, meel kasta ay adduunka ka joogaan, ee fadlan ha ka caajisina in aad nala soo xiriirtaan nana soo waydiisaan wixii shaki idinka galo, waxaana idiin balan qaadaynaa intii karaankeena ah in aan idinkaaga soo jawaabi doono.

Macalin John.

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football