Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

WARAYSIGII AXMADEEY HILOOWLE

30 December 2007

Boggaan waxaan ugu talagalnay in aan qoraaladeena mar kasta soo dhex gelino taariikhyadii ciyaaryahanadii soo maray dalkeena hooyo oo magaca wayn ku lahaa naadiyadii ay u ciyaari jireen. Qormadeena maanta waxaa noogu marti ah laacibkii kubadda cagta mar u ciyaari jiray naadigii LL PP ama Jeenyo qof walba suu u yaqaano, magaciisuna ahaa Axmadeey Hiloowle Maxamuud  oo lagu naaneeso (Axmadeey Hiloowle).

Axmadeey hiloowle, waxa uu ku dhshay Degmada Boondheere  ee gobalka Banaadir, sanadkii 1959-kii, waxbarashadiisa dugsiga hoose, dhexe iyo sare-ba waxa uu ku dhameestay  Mishin Milnad School, oo ku yaalay degmadda Jowhar ee gobalka Shabeelada Dhexe.   Axmadeey hada wuxuu ku noolyahay degmadda Boondheere, waa xaas dhowr caruur ah leh. Hadaba waraysigii aan la yeelanay laacib Axmadeey Hiloowle ayaa u dhacay sida tan:

AXMADEEY HILOOWLE

Goormee ayaad  bilowday cayaaraha ?

Axmadeey Hiloowle:  Cayaaraha Waxaan bilaabay sanadkii 1973-dii  anigoo u cayaaray koox ka dhisnayd Degmada Jowhar oo lagu magacaabi jiray Hanti Wadaag. Sanadkii 1976-dii ayaan nasiib u yeeshay in la ii qaato Junyarka naadigii la oran jiray   LL PP ee Jeenyo , mudo yar ka dibna waxaan ku guulaystay in la ii magacaabo kabtan-nimada Junyarka kooxda.

KOOXDII KUBADDA CAGTA JEENYO

Hadana isla sanadkaas waxaa la ii magacaabay in aan ka mid noqdo cayaartooyda Xulka Gobalka Banaadir, oo sanadkaas loo hadiyeeyay naadigii Madbacadda  (waxaan ka wadaa tirade ugu badan sanadkaas waxay ka socdeen naadigii Madbacada) waxaana macalin u ahaa xiligaas Macalin Giftin, marka laga reebo kooxdii madbacada waxaa ka baxsanaa Aniga oo ka socday Jeenyo, Gureey oo ka socday naadigii Waxool iyo Cali Ganeey oo ahaa Fiat. Tartankaas waxaan gaarnay kama danbayn (Final), waxaana koobkii sanadkaas ciyaarihii goboladda qaaday naadigii ka socday Shabeelada Hoose ee Marka.

Goormee ayaad ku biirtay Naadiyadii Heerka Koowaad ee Dalka ?

Axmadeey Hiloowle:  Waxaan ku biiray sanadkii 1976-dii. Waxaana I qaadatay kooxdii la oran jiray Gaadiidka. Waxaana uga cayaarayay lambarka Sagaalaad Weerar ama Atakante.

Inti aad u Cayaareysay Naadigii  Gaadiidka ma jiraan Wax Koobab ah oo aad kula Guuleysatay?

Axmadeey Hiloowle:  Ma jirin, wax koobab ah oo aan kula guuleystay intii aan u cayaarayay naadigii Gaadiidka, balse 1977-dii ayaan waxaan imaanay Finale Koobkii Janaraal Daauud, waxaase cayaartii Fiinaalaha naga guuleysatay oo koobkii naga qaaday naadigii Horseed.

Majiraan Naadiyaal kale oo aad u soo cayaartay ?

Axmadeey Hiloowle:  Haa waxaan ku soo laabtay naadigii L.L.P.P  Jeenyo oo aan u cayaarayay laga bilaabo Sanadkii 1980 – 1986-dii.

Majiran wax Koobab ah oo aad Kula Guuleeysatay intii aad la joogtay naadigii LL PP ?

Axmadeey Hiloowle:  Haa waa jiraan koobab aan kula guuleestay intii an la joogay Naadigii LL PP waxaana ka mid ahaa  sanadii 1980-kii waxaan ku guuleysanay horiyaalkii dalka.  Sanadkii 1981 waxaan kula guuleysanay koobkii Janaraal Daa'uud.

Ma ka gaartay kubadda heer Qaran ?

Axmadeey Hiloowle:  Haa waxaan ku biiray xulka qaranka Soomaaliyeed sanadii 19880-kii   xiligaas oo aan cayaar u aadnay dalka Algeria .

Waxma nooga sheegi kartaa safarada aad ku tagtay dibadda adigoo naadi ah ama Qaran soomaaliyeed matalaya ?

Axmadeey Hiloowle:  Safaradaa aan dibadda ku tagnay waxaan ka xasuustaa, ugu horeen naadigii Jeenyo intaan la joogay, sida dalalka Jabuuti, Kenyo, Maser iyo Sudan . Intaan Qaranka Soomaaliyeed u cayaarayay waxaan ka xasuustaa wadamada aan aaday Algeria iyo Maser.

Naadiyo kale oo aad u soo cayaartay ma jiraan, intii aad ku dhex jirtay cayaaraha  kubadda cagta?

Axmadeey Hiloowle:  Haa, naadiyada aan u soo cayaaray waxaa ka mid ahaa naadigii kooxdii la oran jiray Gaadiidka 1976-dii, naadigii Waxool sanadii 1986-dii, oo aan xataa noqday macalinkii juunyarka naadigaas, Xiligaasna naadiga waxa macalin u ahaa kooxda waawayn macalin Baaskuwaale ,  inta badan kooxaha aan u soo cayaaray waxaan nasiib u yeeshay in aan u noqdo kabtan.

Axmadey Hilowle, macalin Baaskuwaale iyo Faraqajaan

Maxaa ugu wacnaa ayaad is leedahay doorashada Kabtan nimada ?

Axmadeey Hiloowle:  Soomaalidu waxay tiraah nin is faanshay, waa Ri' is nuugtay. Balse waxaa u sabab ahaa ayaan is dhihi karaa, kartidayda, dadaalka iyo ixtiraamka aan u hayay dhamaan macalimiintii isoo gacan qabatay, oo arkayay in aan ahay nin mas'uul ah ama ku wanaagsan in laga dhigto horseed.

Majireen wax xilal ah oo aad ka soo qabatay  ama aad hadda ka heyso kubadda cagta ?

Axmadeey Hiloowle:  Haa waxaa ka mid ahaa sida aan horay idinkugu soo sheegay, waxaan macalin-ka Junyarka u noqday naadigii Waxool sanadii 1988-dii. Burburkii kadib sanadkii 1994-tii waxaan waday koox la dhihi jiray Alba. Waxaana sanadkaas ka mid ahaa raggii dhexda u xirtay in ay qadka cagaarnaa ka baa bi'iyaan dalka, ayagoo u adeegsanaya farsamada Isboortiga.

Markii aad is bar bar dhigto ciyaartooydii hore iyo kuwa xiliyadan danbe,  maxaa farqi ah oo dhaxeeyo ayaad isleedahay ?

Axmadeey Hiloowle:  Wax badan ayaa u dhaxeeyo hadeey ahaan laheed xagga fiisikaalka, xagga farsamada, xagga dhaqaalaha iyo xagga mooralka intaba. Waayo dhalinta hadda waxaa heysato nasiib darro fara badan,  sababtoo ah ma heestaan cid ka caawiso dhaqaalaha,  waxaa laga yaaba cayaartooyda markuu aadayo, tababar ama aalamiinto in uusanba helin gaari raac ku filan, iska daa dhaqaale kale e, marka waxaan dhihi karaa kuwa maanta nasiibkooda ayaa aad u xun, oo waxey la kulmeen xilli aad u adag. Marka Ilaahay ha siiyo ayaan oran lahaa nasiibkeenii oo kale. Markaas ayaan tar tansiin laheen labadda jiil.

Ugu danbeyn maxaad oran laheyd ciyaartooyda da'da a yare e xilliyadaan danbe soo baxay?

Axmadeey Hiloowle:  Ugu horeen waxaan oran lahaa cayaartooyda da'da yar ee dhalinta xilliyadan danbe soo baxay ah, hadii ay rabaan in eey yeeshaan mustaqbal wanaagsan ugu horeen waxaa laga rabaa in ay qaataan awaamiirta macalimiinta markaasi hormuudka u ah, midda xigta waa in eey sameeyaan tababar dheeraad ah, waa in eey yareeyaan dhafarka faraha badan.  Intaas hadii laga helo waloow uu dhaqaalaha wax walba xukumo hadana waxaan is oran lahaa wax ayeey  ku biirineysaa aqoontooda iyo tayadooda hadii laga helo inta aan kor ku so xusay.

Gabagabadii yaad jeceshahay in aad halkaan wax ka tirahdo?

Axmadeey Hiloowle:  Waxaan halkaan mahad aan la soo koobi karin uga soo jeedinayaa Allahii na uuntay, marka xigta bahda website-ka kubadda.com oo i siiyay fursadaan qaaliga ah si aan wax uga iraahdo aragtidayda. oo aan oran karo si hagar la aan ah  ayay waqtigooda ugu hureen sidii ay bulshada uga haqabtiri lahaayeen taariikhdii hore ee isboorti iyo tan maantaba.

Marka xiga asxaabtii aan kubadda wada ciyaari jirnay  macalimiinteyda iyo kuwii difoosayalka ii ahaaba waxaan leeyahay meelkasta oo aad joogtaan waad ku mahadsantihiin taageerada aan idinka heli jiray.

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xiisaha lahaa ee aan la yeelanay laacibkii Axmadeey Hiloowle. Waraysigeena kan ku xiga waxaan isna ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah Xiddigihii heer Qaran, oo magac aad u wayn ku lahaa cayaartooy ahaan iyo macalin ahaanba, oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Ciye (Abdi Dheere), oo u ciyaari jiray, macalina u ahaa naadigii LL PP ee kubadda kolayga, iyo Qaranka-ba. Abdi wuxuu ka mid ahaa ciyaartooydii lagu magacaabi jiray (shantii Jeenyo) oo aan filaayo in ay dad badani horay magaciisa ka garteen. Ha moogaanina dhawaan.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football