Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

WAREYSI KABTANKA XULKA KUBADDA CAGTA QARANKA SOOMAALIYEED

27 December 2007

Cayaartooyda xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo macalimiintooda ayaa dhawaan ku soo laabtay dalka, ayagoo guuldaro fara badan kala soo hooyday safaradii ay ugu kala socdaaleen Jabuti iyo Tanzania ee ciyaarihii tartamada isreebreebka Adduunka 2010 iyo kii Bariga iyo Bartamaha Africa.

Hadaba waxaa noo suuraggashay in aan wax ka waydiino tartamadaas kabtanka xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed C/qaadir Cumar Ibraahim oo lagu naanayso (Gaduudoow), oo aan kula kulanay xafiiskeena kubadda.com ee Muqdisho.


Cqaadir Cumar Ibraahim (gadudow)

Gaduudoow, mar waa kabtanka naadiga kubadda cagta Elman ee ka mid ah naadiyada xiligaan ugu awooda roon ee ka dhisan dalka Soomaaliya islamarkaana ah kabtanka xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Hadaba wareysigeena ayaa maanta wuxuu si qaas ah ugu saabsanaa ogaanshaha xogta hoose wixii ay la kulmeen intii ay ku gudo jireen tartanadaas. Waraysiigiina wuxuu u dhacay sidan:

XULKA QARANKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYEED

Ka waran safarkii hore ee aad ugu anbabbaxdeen dalka Jabuuti ?

Gaduudoow: horta markaan kaaga waramo safarkii aan ku tagnay dalka Jabuuti waxaan ka qeyb galnay koobkii isreeb reebka cayaaraha Adduunka. Kulankaas oo aan tabaabusho dheer u soo galnay, in kastoo cayaaryahanadii aan wadanay ey ahaayeen cayaaryahanno da' yar oo u baahnaa waayo aragnimo fara badan, hadana waxey muujiyeen dadaal fara badan. Sida aad ka warqabtaan waxaa goolka nalagoo badiyay nalaga dhaliyay ciyaartaas daqiiqadihii ugu danbeeyay cayaarta. Taas oo ahayd wax aad looga calool xumaado.

Maxaa farqi ah oo u dhaxeeyay tabaabushaha safarkii Jabuuti iyo kii Tanzania ?

Gaduudoow: walaahi farqi fara badan ayaa u dhaxeeyay labada safar. Safarkii aan Tanzania ku aadnay waxaan sameeynay diyaar garoow ka badan kii aan Jabuuti u soo galnay, waayo waxaan haysanay facilities ka wanaagsan kii dalkeena, waad kala garan kartaa dal dagaalo ku dhex jiro iyo dal nabad fiican haysta farqiga u dhaxeeyo. Waxaan sameeynay tababar fiican iyo weliba caawinaad aan ka helnay macalinkii ka yimid dalka Canada oo wax weyn ka badelay qaab cayaareedkeena iyo is fahamka kooxdaba.

Maxay kula tahay in ay idinku soo kordhiyeen cayaartooydii ka timid dalka dibadiisa ?

Gaduudoow: cayartooydii ka timid dalka dibadiisa aad ayey noo caawiyeen dhamaantood in kastoo hadana ay kala xariifsanaayeen waxaan si aad ah u amaanayaa ciyaaryahanka lagu magacaabo Shiino, oo ka yimid dalka Mareykanka oo aan is dhihi karo wax badan ayuu ku soo kor dhiyay awooda Qaranka, Waxaan aad uga xumahay in uusan noo cayaarin kulankii aan la yeelanay dalka Jabuuti.

Boosaska ey ka kala cayaarayeen, cayaaryahanadaas wax manooga sheegi kartaa ?

Gaduudoow: haa cayaar yahanada waxey ka kala cayaarayeen sida hadaan ka bilaabo Shiino, waxa uu ahaa qadka dhexe numbarka lixaad (6) waana nin aad u dadaal badnaa.  Cali Baashi, oo ahaa asagana cayaartooydii ka timid dalka Canada, ayaa asagana ahaa kuwa aan is dhihi karo waa  cayaaryahanadii wax badan ku soo kordhiyay awooda iyo qaab ciyaareedka xulkeena, waana cayaaryahankii aan la yaabay shaqsi ahaan, waayo waxa uu adeegsanayay hibo ilaahay siiyay xag tababar iyo xag farsamaba, waxa iigu cajaa ibka badnaa oo aanan cayaaryahankaasi ku iloobi karin ayaa ahayd kartidiisa ciyaareed iyo mida shaqsiyadeedba iyo sida uu u jecel yahay in uu dalkiisa guul gaaro waxa uuna mar aan  kaftameynay ii sheegay in guul uu u soo hooyo Qarankiisa ey tahay waxa ugu weyn uu ku haminayo, wuxuuna ii raaciyay “hadaan maanta keenin mar uun ayaan keeni doonnaa” waxa uuna ka cayaarayay lanbarka sideedaad (8).  Sidoo kale  cayaar yahan Fu'aad, ayaa asagana ahaa mid dadaal badan muujiyay wuxuuna ka cayaarayay lambarka saddexaad (3). Balse waxaa waxna cayaarin, oo cimilada la qabsan waayay cayaar yahan  Dhageey, oo asagana ka mid ahaa cayaartooydii nooga timid dalka Canada .

Ma jireen wax abaalmarinno ah oo aad ka soo hanateen ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Africa ?

Gaduudoow: haa waxaan ka xusi karaa in gool hayihii ugu wanaagsanaa intuu tartanka socday loo  aqoonsado goolhayaheenii xulka qaranka Soomaaliyeed C/qaadir Sheikh Cusmaan (Bakiyaa) oo runtii muujiyay dadaal aad u badan, oo la'aantiis ceeb badan naga soo raaci lahayd tartankaas.

Ciyaarihii aad dheesheen, ciyaartee ayaad is leedahay waa idinkugu adkeed ?

Gaduudoow: Cayaar ahaan waxaa noogu adkayd ciyaartii aan la ciyaarnay kooxda xulka Burundi oo nalooga badiyay 3 - 0 , maxaa yeelay cayartaas waxeey aheyd kulan aad u adag, marka aad fiiriso xaga jirka farsamada intaba waa nooga heer sareeyeen, waxay ahaayeen ciyaartooy aad u diyaarsan.

XULKA SOM & BURUNDI

Ka waran kulinkii xigay ee Tanzania aad la yeelateen ?

Gaduudoow: kooxda xulka qaranka Tanzania waxay haysteen taageero yaal aad u faro badan maadaama gurigooda lagu ciyaarayay, ciyaar ahaan waana is mari waynay ilaa iyo dhamaadkii ciyaarta oo ay naga fardo baxsadaan mooyee.

Ciyaartii idinkugu danbaysay ee aad la yeelateen Kenya sideey ahayd iyana ?

Gaduudoow: cayaartii xulka qaranka Kenya wax saas ah nama dhaamin xaga farsamada, balse waxay nasiib u heleen in kooxda afar ciyaartooy oo aan ka mid ahaa ay ku dhaawacmeen ciyaartii aan la yeelanay qaranka Tanzania. Aniga iyo goolhayihii kooxda Bakiyaa anagoo dhaawac ah ayaa hadana nalagu qasbay in aan ciyaarno oo nalaga maarmi waayay. Ciyaar yahan Shiino iyo Yaasiin ayaa loo ogolaaday in ay nastaan maadaama cayaartooy bedeli karta la heli karay.

GADUUDOOW & ISMAA'IIL

Waxaa na soo gaaray war sheegaya in ciyaartooyda Qaranka qaarkood ay soo dalbadeen kooxo dibadda ah, marka maxaa ka jiro hadalkaas ?

Gaduudoow: waa run, dhowr cayaaryahano ayaa laga soo dalbaday qaranka walibana qaarkood ayaa heshiis toos ah lasoo sameeyeen  kooxihii ay la kulmeen. Waxaana ka mid ah cayaar yahanada la soo gatay  cayaar yahan C/Casiis Maxamed Cali (Hoomi) oo ahaa weerarada aan ku shir tangeynay kuwooda ugu farsamada fiicnaa iyo cayaaryahan Maxamed Cabdi Caseer  (maxamed yariis) oo asagana ah qadka dhexe labadan cayaaryahan ayaa waxaa heshiis toos ah la galay koox ka dhisan dalka Jabuuti oo la dhaho Sharaltoon.   Sidoo kale cayaaryahan C/waaxid Maxamed Mahad ayaa asagana heshiis la soo saxiixday koox ka dhisan isla dala Jabuuti oo la dhaho Bosto, sidoo kale  waxaa heshiis aan dhamees tirneen asagana la soo sameeyay koox ka dhisan dalka Tanzania cayaar yahan C/qaadir Sheikh Cusmaan (Bakiyaa) oo ahaa goolhayaheenii.

Yaa muqalas ama Agency ka ahaa kala gadashada ciyaaryahanadaas, ma xiriirka mise shaqsiyan, ayay isu iibgeynayeen ?

Gaduudoow: Runtii ma jirin cid dalaal ama muqalas ka ahayd ciyaaryahanadaas, maxaa yeelay shaqsi walba asaa si toos ah loola soo xiriiray, kana mas'uul ahaa naftiisa.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ma raali buu ka ahaa arintaas ?

Gaduudoow: Xiriirka, waa ka war hayay wax walba. Sabab ay ugu diidaana maba jirin.

Marka horeba ciyaaryahanadaan kooxaha ay u dheelaan waxey ugu cayaaraan iskaa wax u qabso, hadeey cayaartooyda helaan fursadaan oo kale, qof hortaagan oo jajuubayso ma lahan.

Safarkiinii aad ugu anbabaxayseen Jabuuti, waxaan ku soo qornay Kubadda.com cadadkiisii soo baxay 12/November/2007 in cayaaryahanadaan ay u ciyaaraan kooxo ka dhisan dalka sida:

Magacyada ciyaaryahanada la gatay

Kooxahoodii

01.C/Casiis Maxamed Cali (Hoomi)

Dekadaha

02.C/waaxid Maxamed Mahad

Dekadaha

03.Maxamed Cabdi Caseer 

Banaadir Telcom

04.C/qaadir Shiiq Cimaan (Bakiyaa)

Elman F.C

Maxaa Faaiido ah, oo ay ka heleen kooxahaas ka dhisan Muqdisho, mase la waydiistay ruqso (fasax) in ay ku wareegi karaan kooxo dibada ah ?

Gaduudoow: midda ah fasaxa, marka hore ciyaartooyda markuu naadi u saxiixayo waxa uu kula heshiiyaa in goor alla goortii uu rabo uu ka tagi karo, marka waxaan is leeyahay in aan loo baahneyn fasax kooxeed. Ma jirto wax ey faa iido helayaan kooxahaas, balse waxeey fursad u tahay ciyaar yahanada.

Mustaqbalka dhow, malaga yaabaa cayaaryahanadaan in ay mar kale u saftaan Qaranka Soomaaliyeed ?

Gaduudoow: Cayaartooydan waxay mar kasta ku faraxsan yihiin diyaarna u yihiin in ay u saftaan qarankooda goortii loogu yeero. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa, ciyaartooyda safarka nala galay ee nalaga gatay, waxaa la gatay intii aan joognay Jabuuti, waxayna ku biireen kooxihii gatay intii aan joognay halkaas sida C/Casiis Maxamed Cali (Hoomi) iyo Maxamed Cabdi Caseer (maxamed yariisow) waxay dhoor kulan u cayaareen kooxihii gatay, intii aan anaga ku guda jirnay diyaar garoowgii aan ugu diyaar garoobeynay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika. Markii aan safarkii Tanzania galaynayna horay ayay noo sii raaceen.

Ka waran, maamulka xiriirka ee idin wehliyay, siduu ahaa dadaalkooda iyo dhaxgalka ciyaartooyda ?

Gaduudoow: haa maamulka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo uu hogaaminayo Mudane Siciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaanbe) ayaa had iyo goor  ahaa kuwo na garab taagan, oo noola heelnaa hiilo iyo dhiirigelin mar kastaba, waxaana hubaa in ay noo hureen naftooda iyo maalkooda intii ay awoodeen, mudadii aan safarada ku jirnay.

Ugu danbeyn, yaad jeceshahay in aad halkaan wax ka tiraahdo?

Gaduudoow: Ugu horeyn waxaan halkaan uga mahad celinayaa dhamaan maamulka xiriirrada guud ee ka dhisan dalkeena oo si wanaagsan uga qayb qaatay sagootinteenii qaasatan Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed. Dhamaan taageerayaasha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ha joogaane, iyo maamulka website-ka kubadda.com oo aan dhihi karo wuxuu markasta nagala soo hadli jiray meel kasta oo aan joogno, wuxuuna isku taxluujin jiray siduu warkeena u gaarsiin lahaa dhamaan Ummadda ku abtirsato magaca Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Sidoo kale dhamaan Jaraa'idyada iyo website-yada kale ee ka hadlo cayaaraha. oo ayagana sidoo kale soo shaac bixin jiray waxqabadkeena.

Intaas kadib waxaan halkaan salaan iyo mahadcelin hawada uga marinayaa macalinkii ka yimid dalka Canada macalin Daahir Boodaaye iyo dhamaan ciyaartooydii ka timid dalalka dibada sida  Shiino, Cali Baashi, Dhageey, Ismaaciil iyo Fu'aad.

Gabagabadii waxaan jeclahay sidoo kale in aan u mahad celiyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed. Waana ogahay qof kastoo Soomaali ah wuxuu jeclaa in aan mar walba guuleysano. Waxaan hubaa in mar uun la gaari doono ee hala sabro ayaan leeyahay. Waxaana Ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga bar yayaa in uu dhibka dalkeena ku habsaday ka qaado, waayo waxa guul darada joogtada ah na baday waa dagaalada sokeeye oo kala cirteeyay dadkeenii.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football