SUDAN OO MAR LABAAD KU GUULAYSATAY KOOBKII BARIGA IYO BARTAMAHA AFRIKA
23 December 2007
Waxaa shalay lagu soo gabagabeyay dalka Tanzania, magaalada Dar es Salaam, garoonka kubadda cagta ee National main Stadium Tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxaana cayartii kama danbeysta aheyd (final-ka) isugu soo haray labada koox ee ka kala socday dalalka Suudaan iyo Ruwanda. |
|
 |
Kooxdii dalka Sudan ayaa hogaanka ku hormartay, markay ciyaarta socotay 24 daqiiqo, kadib mar uu Abdelhamid Amarria, gool madax ah oo qurux badan ka dhax dheliyay laba ka mid ah difaaca kooxda Ruwanda, kubadaas oo ku timid karoos, uu soo laaday Saifldin Ali Idris.
Abdelhamid Amarria, ayaa ah ciyaartooyga sanadkaan ku guulaystay xagga gool dhalinta koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Ciyaarta ayaa qaybteedii hore ku dhamaatay Sudan 1 – 0 Ruwanda.
Kadib markii laysku soo laabtay qaybtii labaad ee
ciyaarta ayaa kooxdii Sudan mar labaad daqiiqadii 20-aad ee qaybtii danbe ee
ciyaarta,
|
|
TOP SCORER Abdelhamid Amarria
|
| ay hadana gool darbad xur ah uu ka kor
qaaday difaaca kooxda Ruwanda kana dhaliyay gool hayihii ciyaartooyga lagu
magacaabo Madther Eltaab, ciyaartiina waxay noqotay 2 - 0. |
Kooxdii Ruwanda, ayaa waagii ku baryay. Caraadin (jiifka aan ka kacno) iyo gacmo kor u taag taag, ka soo biloowday dhinaca difaaca kooxda. Waxaana u suurto gashay in ay gool deg deg siimo ah ku helaan laba daqiiqo ka bacdi markii goolka laga dhaliyay, taas oo baas one two ah oo qurux badan uu soo dhigay Olivier Karekezi dhamays tirayna laacibka lagu magacaabo Haruna Niyonzima, ciyaartii waxay noqotay 2 – 1.
Kooxda Ruwanda, ayaa il ka heshay culayska (pressure-ka) ay saareen kooxda Sudan . Waxaana mar labaad u suurto gashay daqiiqadii 59-aad ee qaybtii danbe ee ciyaarta in ay hadana gool kale helaan, kaas oo ku yimid darbad kor ku socotay oo uu madaxeeyay ciyaartooyga ku dhashay dalka Congo, balse hada deggen Burundi ee lagu magacaabo Dr Abed Mulenda. Intaas wixii ka danbeeyay waxaa la saarnaa kooxdii Sudan, inkastoo aan gool kale laga dhalin. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay daqiiqadihii loogu tala galay 2 – 2 gool.
Waxaa loogu dary daqiiqado siyaado ah, iyadiina waxba way kala dhalin waayeen. Waxayna ka fursan wayday in Gool ku gan (Penalties) loo dhigo labada kooxba.
Kooxda dalka Sudan ayaad mooday in ay tabaabusho aad u dheer u soo galeen sida loo laado darbadaha rigooroyaasha (penalties-ka) ah, maxaa yeelay darbadihii loo dhigay oo dhan way dhashadeen halka kooxda Ruwanda ay ka qasaariyeen laba darbo.
Kooxda Sudan ayaa goolasha u kala dhaliyeen Gabir Balla, Abdelrahman Ibrahim, Omer Nasradin iyo goolhayahoodii Akram Salim.
Kooxda Rwanda-na waxaa u dhaliyay Manfred Kizito iyo
Olivier Karekezi, waxaana cunay darbadahoodii Ismael Nshinamagara iyo Elias
Ntaganda. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 4 - 2 gool,
oo ay koobkii ku qaaday kooxdii dalka suudaan.
|
|
WINNER OF CECAFA CUP 2007
|
Kadib markii ay ciyaarta dhamaatay ayuu yiri macalinka kooxda dalka Sudan “aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku guulaysano koobkaan, maxaa yeelay waxaan la soo shir tagnay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika sanadkaan, dhalin yaro aad u da'yar, oo qibradoodu aad u hooseysay, balse aad u dadaalay oo nafta ag dhigay markii kubadda laysku baastay ilaa ay ciyaarta ka dhamaato.
Macalinka dalka Sudan Ahmed Babiker Elfaki, wuxuu kaloo qirtay oo uu yiri “in kastoon ka badinay kooxda dalka Ruwanda hadana run ahaantii waa naga ciyaar fiicnaayeen”.
Mid ka mid ah ciyaartooyda Ruwanda oo lagu magacaabo Manfred Kizito , ayaa yiri “ waxaan guul darada u aanaynayaa ciyaartii semifinalka oo aan 20/12/2007 doraad la dheelnay kooxda Uganda, oo iyadana bar bar dhac 0 – 0 ku dhamaatay oo waqti siyaado ah lagu daray oo aan 1 – 0 uga badinay extra time-kii iyo tii maanta oo aan hadana waqti siyaado ah aan dheelnay. Ma jirin waqti nagu filan oo aan uga soo kabano ciyaartii kooxdii Uganda. Waxaa dhamaanteen maanta naga muuqday daal iyo fatiig”.
Macalinka kooxda Ruwanda Josip Kuze, ayaa isna sheegay in uu aad uga xun yahay guuldarada balse ay mudnaayeen kooxdiisa intaas in ka badan. Waana wax lagu farxo in ciyaartooydaan da'da yar, in ay ilaa Final yimaadaan loogana badiyo rigoorayaal oo kaliyah.
Balse waxaan ku dadaaleynaa in aan u diyaarino ciyaartooydaan tartanka koobka Adduunka 2010-ka ee lagu qaban doono South Africa, kaas oo aan hubo in ay seddex sano ka bacdi maskax iyo jirba u diyaar noqon karaan.
Dhanka kale, labadii koox ee iyagana u tartamayay kaalinta seddexaad ayaa waxaa isku haleelay kooxaha dalka Uganda iyo Burundi, halkaas oo ay guushii ku raacday kooxdii ka socotay dalka Uganda oo ku badisay 2 – 0, oo uu labada goolba u dhaliyay ciyaartooyga lagu magacaabo Hamisi Kitagenda.
Kooxaha dhamaan iyo kaalmihii ay kala galeen
|
TEAM |
P |
W |
D |
L |
GF |
GA |
GDIF |
PTS |
01 |
Sudan |
6 |
3 |
3 |
0 |
10 |
8 |
+2 |
12 |
02 |
Rwanda |
6 |
3 |
2 |
1 |
14 |
5 |
+9 |
11 |
03 |
Uganda |
6 |
3 |
1 |
2 |
14 |
5 |
+9 |
10 |
04 |
Burundi |
6 |
3 |
1 |
2 |
7 |
5 |
+2 |
10 |
05 |
Tanzania |
4 |
2 |
1 |
1 |
4 |
3 |
+1 |
07 |
06 |
Eritrea |
4 |
2 |
0 |
2 |
8 |
8 |
0 |
06 |
07 |
Zanzibar |
3 |
1 |
2 |
0 |
5 |
3 |
+2 |
05 |
08 |
Kenya |
4 |
1 |
1 |
2 |
4 |
4 |
0 |
04 |
09 |
Ethiopia |
2 |
0 |
1 |
1 |
1 |
3 |
-2 |
01 |
10 |
Somalia |
3 |
0 |
0 |
3 |
0 |
6 |
-6 |
00 |
11 |
D'jibouti |
3 |
0 |
0 |
3 |
2 |
19 |
-17 |
00 |
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|