MACALINKA & MILKIILAYAASHA NAADIGA LIVERPOOL OO HESHIIYEY
21 December 2007
|
Taageerayaasha naadiga Liverpool ayaa beryahaanba waxaa wallaac ku hayay, hadalada laysla dhex marayay oo ahaa in macalinka kooxda Liverpool Rafa Benitez, laga eryi doono shaqadiisa, hadalo kala gaaray asaga iyo milkiilayaasha aawgood.
Taageerayaashaan oo lagu tilmaamo kuwo ka mid ah taageerayaasha ugu tirade badan ee koox kubadd cagta ah taageerto, ayaa aad ugu xumaa hadaladaas, muujiyayna dareenkooda taageerada iyo jacaylka ay u hayaan macalinkooda kadib markii in ka badan shan kun oo taageerayaal ah ay bannaan bax wayn ay ku taageerayaan macalinka kooxda Rafa Benitez, ka soo bilaabeen faras magaalaha Liverpool ilaa iyo garoonka kooxda hada ku ciyaarto ee Anfield.
Taasi waxay wax wayn ka badashay fikradii ay ka qabeen macalinka Benitez, milkiilayaasha kooxda George Gillett iyo Tom Hicks, oo fadhigoodu yahay America. Waxayna u soo jeediyeen in ay isasoo hor fariisan doonaan kulan weji ka weji ah kadib 15-ka December 2007.
|
|
Rafa Benitez
Milkiilayaasha Liverpool Mr Gillett & Tom Hicks
|
|
Taas oo ay ka hor seddex ciyaar oo muhiim ah la kala yeelanayeen kooxaha BESIKTAS, FC PORTO, MARSEILLE ciyaarihii Champions League-ga ahayd iyo tii xigtay ay Man United la ciyaareen koobkii Premiership-ka.
|
Taageerayaasha ayaa u arkay kulanka isu imaatinka ka hor hadii ciyaaraha ay kooxda dheeli doonto laga badiyo in ay sii wiiqi doonto rajada Benitez, maxaa yeelay kulanada Champions League-ga ayaa rajadoodu ahayd in ay badiyaan seddexda ciyaar ee u dhiman.
Nasiib wanaag seddexdii ciyaarba waxay ku badiyeen si xarago leh, kooxdii koowaad BESIKTAS ayay uga badiyeen 8 – 0 bishu markay ahayd 06/11/2007, ciyaartii xigtay kooxda FC PORTO oo ahayd kooxaha ugu xooga roon group-kooda ayay iyana 4 – 1 dhabarka u saareen 28/11/2007, ciyaartii seddexaad ayay iyana sidoo kale 4 – 0 ku macasalaameeyeen kooxdii MARSEILLE gurigooda France . Axadii la soo dhaafay ayay ciyaartii kama danbaysta aheyd ee loo qabtay macalinka la ciyaareen kooxda Man United loogana badiyay 1 – 0.
|
Hadaba Axadii, ciyaartii Man United, saacado kadib ayay sidii balantu ahayd kulankii asbuucyada la sugaayay ay qol isku soo xirteen macalinka kooxda iyo milkiilayaasha oo uu wehliyo Guddoomiyaha fulinta naadiga Liverpool Rick Parry.
Wadahadalka oo ku saabsanaa mustaqbalka kooxda iyo sida ay ka damacsan yihiin milkiilayaashaan ayuu ahaa ajendaha ugu wayn. Waxayna labada dhinacba isla arkeen waxa kooxda u danta ah. Qolo kastana waxay liqday caradii ay u qabtay qofka kale.
|
|
Guddoomiyaha fulinta Naadiga Liverpool Rick Parry
|
Milkiilaha George Gillett ayaa ugu bishaareeyay Benitez, in uu taageero wayn la garab taagan yahay hada iyo wixii ka danbeeyo, waxayna milkiilayaashu u sheegeen Benitez in ay u arkayeen in ay deg deg ahayd in laga sii hadlo kahor sanadka cusub sidii naadiga laga yeeli lahaa mustqbalka ciyaartooy soo gadashada bisha January furmi doonto.
Gillett ayaa si kaftan ah u yiri " waxaan familkayga la noolaa mudo ka badan 40 sano, waxaana taqasus fiican u qabaa sida loo xaliyo marka isqab qabsi yimaado”
Gillett wuxuu kaloo sheegay " Liverpool waa koox magac wayn leh, waxaana gacmaha la galnay arin aad muhiim u ah kooxda, oo qorshaheedu noo biloowday mar hore, taas oo ah in kooxda loo dhiso garoon aad u wayn”.
Rick Parry, ayaa sheegay in garoonka Anfield ee kooxda hada ku ciyaaraan uu qaado 45,362 fadhi. Naqshadii horay loo sameeyay ee garoonka cusub Stanley Park oo lagu waday in dhismihiisu dhamaado bisha July 2010-ka, mar kale naqshadiisii dib loo cusboonaysiiyay, garoonkaas oo qaaday 60.000 oo fadhi ayaa markale milkiilayaashu is tuseen in ay ka dhigaan 70,000 oo fadhi, taas oo ay ku han wayn yihiin in dhismihiisu dhamaado bartamaha sanadka 2011.
Liverpool new stadium
Si kastaba arintu ha ahaatee Gillett wuxuu sheegay in aynan jirin balan qaad cadaynaya lacagta ay macalinka siin karaan ka hor intuuna furmin suuqa ciyaartooy kala gadashada horaanta bisha sanadka cusub. “marka uu furmo suuqa ciyaartooy kala gadashada, sida aan wax u awoodno ayaan wax u soo gadan doonaa” ayuu raaciyay.
Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London