Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

QORITUURKII SAAKAY IYO SIDII AY ISKUGU SOO AADEEN 16 KOOX EE U SOO HARAY CHAMPIONS LEAGUE-GA

21 December 2007

Kooxaha British-ka ayaa tiradii ugu badnayd u soo gudbeen wareegaan kuwaas oo 5 kooxood uga soo baxeen, oo kala ah: Manchester United, Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Celtic. Halka kooxaha Talyaaniga ay ka heleen 3 koox, oo kala ah AC Milan, Inter Milan iyo AC Roma. Kooxaha Spanish-ka ayaa iyagana 3 koox ku soo guulaysatay wareegaan, oo kala ah Barcelona , Real Madrid iyo Sevilla. France hal koox, Germany hal koox, Turkey hal koox, Greece hal koox, Portugal hal koox.

Xafladda Qorituurka ayaa ka dhacday wadanka France magaaladiisa Nyon. Saakay saacadu markay ahayd 10.30 am. Wadamo badan oo adduunka dacaladihiisa ah ayaa waxay shaashada TV-ga ka sugaayeen sida kooxaha isku qaabileen, kuwa aanan TV-goodu lahayn na, waxay dul fadhiyeen Computer-da si ay website-yada Isportiga ka faaloodo uga helaan natiijadaan.

Hadaba Qorituurkii saakay ayaa u dhacay sida tan:
 
Celtic Vs Barcelona
Lyon Vs Manchester United
Schalke Vs FC Porto
Liverpool Vs Inter Milan
Roma Vs Real Madrid
Olympiacos Vs Chelsea
Fenerbahce Vs Sevilla
Arsenal Vs AC Milan

Xafladii qorituurka kadib ayay macalimiinta qaarkood ka hadleen aragtidooda kaga aadan kooxahooda, sida macalinka kooxda Arsenal oo muujiyay in uuna ku farxin kooxda ku soo aaday ee hada ka hor 7-da mar qaaday koobkaan Champions League-ga ee AC Milan, “ma jecleen in Emirates Stadium aan ku ciyaarno ciyaarta hore, hadase waa dhacday, waase hubaa in ciyaar aad u qurux badan ay ka dhici doonto halkaas bisha Feberaayo ee sanadka cusub” Ayuu yiri Arsene Wenger.

Agaasimaha kooxda Arsenal Keith Edelman, ayaa isna cadeeyay in ay ka jeclaayeen koox ka awood yar kooxdaan in ay la dheelaan wareegaan. “waxaan hada ka hor xasuustaa in aan la ciyaarnay sanadkii 1994-tii (the European Super Cup) oo ciyaartii hore aan ku dheelnay garoonka gurigeena Highbury, waxayna ciyaartii hore ku dhamaatay barbar dhac, ciyaartii labaadna waxay nooga badiyeen gurigooda Milan . Marka waxaan rajaynayaa in markaan aan ka aargudan doono” ayuu yiri Keith Edelman.

Guddoomiyaha fulinta naadiga Liverpool Rick Parry, ayaa isna cadeeyay in aynan fududeen la ciyaarida kooxda uu macalinka u yahay Roberto Mancini's ee reer Italy ee Inter Milan, oo ah kooxda hada hogaanka u hayso tartanka Serie A-da.

Ernesto Paolillo, guddoomiyaha fulinta naadiga Inter Milan , ayaa isna sidoo kale yiri “waxaan hubaa in kooxda Liverpool ay tahay kooxaha ugu fiican ee wareegaan u soo gudbay. Dhib badan ayaan kala kulmi doonaa iyagana sidoo kale”.

Guddoomiyaha fulinta kooxda Celtic Peter Lawwell, ayaa isna yiri “kooxaha reer Spain way og yihiin dhibka ay kala kulmaan kooxaheena in kastoo ay xiligaan ay adag tahay in baabbacoda loo dhigo kooxda Barcelona oo ah koox aad u adag oo ay isku bahaysteen ciyaartooy heer caalami ah, kuwaas oo hada kahor qaaday koobkaan Champions League-ga sanadkii 2005-ta”.

Labada koox ee kale ee reer Ingriiska Manchester United iyo Chelsea ayaa nasiibkoodu siiyay kooxo fudud hadana mar labaad nasiib u helay in ay ku ciyaaraan ciyaarta labaad gurigooda, taas oo ah fursad aad u wayn.

Waxaa ciyaarahaan dhamaantood la ciyaari doonaa is araga hore 19-ka ama 20-ka Feberaayo 2008. Wareega labaadna 4-ta ama 5-ta bisha Maarso 2008.

Kooxda AC Milan ayaa ah horiyaalka Champions League-ga, iyadoo sanadkii hore kulamadii semifinalka ku soo sabarsiisay kooxda Ingriiska ah ee Manchester United, ciyaartii finalka ahaydna kooxda Liverpool . Hadaba kooxda Arsenal sanadkaan ma uga aargudi doontaa kooxihii reer Ingriis mise meeshii ay mareen ayay iyadana mari doontaa ? waa su'aal furan ee codkaada ka dhiibo bogga Forumka ee kubadda.com ama riix halkaan.

Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football