Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

CIYAARTII SHALAY DHEX MARTAY KENYA IYO SOOMAALIYA

15 December 2007

Xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa ciyaartii ugu danbaysay la yeesheen shalay kooxda Qaranka Kenya. Dhaawac xoogan oo ka soo gaaray ciyaartii doraad tii ka horaysay ay la dheeleen kooxda xulka Qaranka Tanzania ayaa u suurto gelin weyday in ay xataa kooxda Kenya bar bar dhac ka helaan. kooxda Qaranka Kenya oo lagu tiriyo kooxihii ugu awooda yaraa ee tartanka Group-ka (A) ka soo qayb galay marka laga reebo kooxda Soomaaliya.

Ciyaartooyda Qaranka Kenyan

Afar ka mid ah ciyaartooydii ugu fiicneed qaranka Soomaaliyeed ayaa dhaawac ku maqnaa ciyaartii shalay galab ka dhacday garoonka Dar Es Salaam , National Main Stadium. Ciyaartooyda dhaawaca u diiday in ay ka ciyaaraan ayaa waxaa ka mid ahaa kabtanka kooxda C/qaadir Cumar Ibraahim (Guduudoow), goolhayaha kooxda C/qaadir Sheikh Cusmaan (Bakiyaa), Yaasiin Cali Cigaal oo difaac ahaa iyo Shiino oo ka mid ahaa ciyaartooydii Canada uga timid Qaranka.

Ciyaartooyda Qaranka Soomaaliyeed

Labadaan koox ayaa tii badiso, ay gadaal ka raaci lahayd labada koox ee sida tooska ah uga soo baxay group-ka (A) ee Burundi iyo Tanzania . Ciyaarta qaybteedii hore ayay xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed isku dayeen in ay iska caabiyaan kooxda qaranka Kenya, balse kooxda Kenya ayaa iyagana weerar xoogan kusoo talagalay, ayagoo ka faaiidaysanaya ciyaartooyda ka maqnayd kooxda Qaranka Soomaaliyeed. Dhamaadkii ciyaarta qaybtii koowaad ayayna kooxda qaranka Kenya u suurto gashay in ay goolkoodii koowaad helaan daqiiqadii 44-aad, oo uu u dhaliyay John Mwangi, oo markaas mar u dhawayd bedel ku soo galay.

Labada kooxba waxay aadeen Nasashadii si ay ula soo tashtaan macalimiintoodii. Inkastoo ayna badalka u fadhinin ciyaartooy badan oo wax wayn ka bedeli karta ciyaarta kooxda kubadda cagta Soomaaliyeed, hadana waxay ku tashteen in ay ciyaar fiican oo isku duubni ah u dheelaan.

Wixii qoloba mar la weeraro waxaa hadana mar labaad fursad kale helay kooxdii qaranka Kenya, oo gool qurux badan u dhaliyay daqiiqadii 55-aad, ciyaartooyga lagu magacaabo Allan Wanga, oo ah ciyaartooy deegaankiisu yahay Angola, kana mid ah ciyaartooyda dibada uga yimid si ay u caawiyaan Qaranka kooxda Kenya. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 0 – 2 ay guushii ku raacday Qaranka kooxda Kenya . Markii ay ciyaarta dhamaatay ayaa macalinka qaranka Kenya Jacob Mulee, isagoo farxad ka muuqato yiri “horaan u ogaa in aan ka soo baxayno group-kaan, balse wareega labaad ayaa u baahan shaqo”.

Ciyaartooyda Xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dhamaan ciyaarihii ay dheeleen laga badiyay inkasta oo ay dadaaleen hadana ma suuroobin in ay wax guul ah la soo hooydaan. “Maacaleesh… Maalin uun way soo noqon doontaa sharaftii iyo magacii aan Africa ku lahayn ayuu yiri wariyaheena ciyaarta nooga soo tabinayay Dar Es Salaam ,”. Asagoo sii raaciyay “guuldarada ma laha dhalinyarada Xulka qaranka Soomaaliyeed, ee waxaa loo aanaynayaa dagaal oogayaasha na baday heerka maanta aan joogno, una diiday in uu dalkeenii xasilo, welina jecel in aan weligeen ku sii jirno, dowlad la'aan. Dhalinyaradaan waa dhalinyaro da'yar oo laysku soo aruuriyay, muujiyayna intii karaankoodu ahaa”.

Ciyaartooyda Qaranka Soomaaliyeed oo safar u diyaar ah

Jadwalka ciyaaraha iyo sidii ay kooxaha u kala badiyeen:

Group A

08/12/2007

Tanzania

2 - 1

Kenya

10/12/2007

Burundi

3 - 0

Somalia

12/12/2007

Burundi

1 - 0

Kenya

12/12/2007

Tanzania

1 - 0

Somalia

14/12/2007

Somalia

0 - 2

Kenya

15/12/2007

Tanzania

-

Burundi

Kaalimaha ay kooxaha Group-ka (A) kala galeen

KOOXAHA

P

W

DR

L

GF

GA

PTS

1 Burundi

2

2

0

0

4

0

6

2 Tanzania

2

2

0

0

3

1

6

3 Kenya

3

1

0

2

3

3

3

4 Somalia

3

0

0

3

0

6

0

Group B

09/12/2007

Djibouti

0 - 7

Uganda

09/12/2007

Eritrea

1 - 2

Rwanda

11/12/2007

Djibouti

2 - 3

Eritrea

11/12/2007

Rwanda

0 - 2

Uganda

13/12/2007

Djibouti

0 - 9

Rwanda

14/12/2007

Eritrea

3 - 2

Uganda

Kaalimaha ay kooxaha Group-ka (B) kala galeen

KOOXAHA

P

W

DR

L

GF

GA

PTS

1 Rwanda

3

2

0

1

11

3

6

2 Uganda

3

2

0

1

11

3

6

3 Eritrea

3

2

0

1

7

6

6

4 Djibouti

3

0

0

3

2

19

0

Group C

09/12/2007

Sudan

2 - 2

Zanzibar

13/12/2007

Ethiopia

1 - 3

Zanzibar

15/12/2007

Ethiopia

-

Sudan

Kaalimaha ay kooxaha Group-ka (C) kala galeen

KOOXAHA

P

W

DR

L

GF

GA

PTS

1 Zanzibar

2

1

1

0

5

3

4

2 Sudan

1

0

1

0

2

2

1

3 Ethiopia

1

0

0

1

1

3

0

Dhamaan ciyaaraha Quarter Finals-ka, Semi Finals-ka iyo Final-ka kuligood waxaa lagu ciyaari doonaa ( Dar Es Salaam , National main Stadium). Ciyaarta kama danbaynta ah ee koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ayaa dhici doonto bishu markay tahay 22 December 2007.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email:
mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football