MACALIN-NIMADA XULKA KUBADDA CAGTA INGRIISKA OO LOO MAGACAABAY FABIO CAPELLO’S
14 December 2007
|
Maamulka Xiriirka Kubadda cagta Ingriiska FA (Football Association) ayaa si cad ugu dhawaaqay maanta in macalinkii hore ee Real Madrid
Fabio Capello's uu noqdo kii badeli lahaa macalinkii hore ee dalka Ingriiska Steve McClaren.
Shir irdaha u xiranyihiin oo ka dhacay Wembley Stadium, socdayna mudo saddex saac oo xiriir ah shalay galab oo bishu ahayd 12/12/07, ayaa nuxurka ka soo baxey uu noqday isfahan aad u wanaagsan kaasoo ka dhaxeeyay Madaxda Xiriirka FA oo uu hogaaminayay Brian Barwick, iyo Garyaqaano la socday macalin Fabio Capello's oo uu wehliyo wiilkiisa Pier Filippo, oo uu habeen nimadii uga tagay labada dhinac in ay dhamaystiraan isafgarashada inta ka dhiman hishiiskaas.
|
|
Fabio Capello's
|
Madaxa Xiriirka FA Brian Barwick, ayaa mar kasta ku kalsoonaa in uu ku guulaysan doono sidii uu u soo gacan gelin lahaa Capello's oo lagu tilmaamay in uu yahay macalimiinta fara ku tiriska ah ee CV-goodu ka marqaatiga yahay waxqabadkoodii nololeed. Inkastoo taageerada afeed ee macalimiinta waaweyn ee Premiership-ka sida Sir Alex Ferguson, Arsene Wenger, Sven-Goran Eriksson iyo laacibiinta Gianfranco Zola iyo Clarence Seedorf. ay ku sii dhiiri gelisay Brian Barwick, in uu ku adkaysto in uu wax kasta u huro helitaanka Fabio Capello's.
Garyaqaanadii metelaayay macalinka Fabio Capello's ayaa saakay subaxnimadii aqbalay hishiiskii, intii hartayna wada hadal taleefoon ku dhameeyeen galabta kaas oo dhex maraayay Fabio Capello's iyo Brian Barwick.
Hishiiska ayaa cadaynaya in Fabio Capello's, uu saxiixay mudo dhan
Afar sano iyo bar kuna qaadan doono lacag dhan £4m sanadkiiba, inkastoo ay qiyaas tahay weli waxaa u soo raaci doono waxyaabo yar yar oo ka baxsan lacagta balse aan weli la soo af jarin.
Kooxda Qaranka Ingriiska ma ciyaari doonaan is reeb reebka koobka Adduunka ka hor bisha September 6-deeda. Balse Fabio Capello's, ciyaartiisa ugu horaysa ee uu macalin nimada Qaranka Ingriiska horkici doono ayaa lagu wadaa in ay tahay, ciyaar saaxibtinimo oo ay la yeelan doonaan xulka Qaranka Switzerland, taas oo ka dhici doonto garoonka wayn ee Wembley Stadium 6-da February 2008-da. Ciyaarta xigta oo iyadana ah saaxibtinimo ayay la yeelan doonaan kooxda Qaranka France taas oo lagu qaban doono Paris bishu markay tahay 26-ka March.
Fabio Capello's, heshiiska uu maanta saxiixay ayaa wuxuu ka dhigi doonaa macalinka xulka kubadda cagta Ingriiska wadi doono ciyaaraha koobka Adduunka ee lagu qaban doono South Africa 2010-ka, kaas oo haduu guulo la taaban karo ka keeno heshiiska loogu sii dari doono ciyaaraha xiga ee 2012 European Championship-ka lagu qaban doono wadamada Poland iyo Hungary.
Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London