Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KOOXAHA TANZANIA IYO BURUNDI OO DHIB LA’AAN UGU SOO GUDBAY SIDDEEDA KOOXOOD EE ISKUGU SOO HARAY KOOBKA CECAFA

13 December 2007

Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa ciyaartii maanta ay la yeesheen kooxda xulka Qaranka Tanzania looga awood roonaaday 1-0, waloow ay ka duwanayd ciyaartii doraad ay la dheeleen kooxda Burundi. Hadana uma suurto gelin in ay helaan guushoodii koowaad ay raadinaayeen in mudo ah.

Waxaa ka muuqday maanta dadaal dheeri ah iyo wada shaqayn dhamaan ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ku mintideen in aan gool laga dhalin qaybtii hore ee ciyaarta.

Taasi waxay farxad geli waysay taageerayaasha kooxdii martida loo ahaa ee gurigooda lagu dheelayay.
Waxayna ku buuqeen macalinkii kooxda Tanzania Marcio Maximo, oo ay dhalashadiisu tahay Barasil.

Markii laysku soo noqday qaybtii labaad ayaa waxaa ka muuqday kooxdii Tanzania dadaal dheeri ah, taas oo u suurto gelisay in ay gool ku dhaliyaan daqiiqadii 65-aad, waxaana goolka u dhaliyay ciyaartooyga magaciisa la yiraahdo Michael Chuma's. Taageerayaasha kooxdii Tanzania oo ka cabsi qabay in rajadooda soo bixitaan ay cariiri gasho ayaa farxad iyo damaashaad bilaabeen ilaa iyo dhamaadka ciyaarta taas oo ku soo gaba gaboowday 1 – 0.

Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa rajadii ay ka lahaayeen tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha Africa halkaas kusoo afjarantay. Ciyaarta tan xigta ayay maalinta Sabtida la leeyihiin kooxda Kenya, oo labadii ciyaar ay haray usoo dheeshay iyadana laga soo badiyay.

Kooxaha Tanzania iyo Burundi, ayaa iyagana u ciyaari doono kooxdii ku soo bixi lahayd kaalinta Koowaad ee Group-kooda. Macalinkii kooxda Tanzania Marcio Maximo, ayaa yiri qorshaheena koowaad wuxuu ahaa sidii aan uga soo gudbi lahayn wareegaan, waana guul iyadoo hal ciyaar noo dhiman tahay in aan soo baxno.

Magacyada ciyaartooyda u safatay labada kooxood ayaa kala ahaa:

Tanzania: Ivo Mapunda (Yanga), Salum Swed (Mtibwa Sugar), Hamis Yusuf (Yanga), Shadrak Nsajigwa (Yanga), Nadir Haroub (Yanga), Said Sued, Victor Costa (Simba), Abdi Kassim, Nizal Khalifan, Amir Maftah (Mtibwa), Henry Joseph , Shaaban Nditi, Athuman Idd (Simba), Danny Mruanda (Simba), Joseph Kaniki, Gaudence Mwaikimba, Jerry Tegete iyo Said Maulid (Yanga)

Somalia: Abdiqadir Osman, Anwar Saadad, Yassin Cigal, Abdulqadil Omar, Bashier Rage, Ismail Omar, Abdiwaahid Bidri, Ahmed Mohd Asser , Shino Abdi and Osman Osman.

Waxaa soo diyaariyay: Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football